Ma Ogtahay inaad Lacag la’aan Telefonkaaga Gacanta kula Hadli karto Qof kale? Laakiin…. – Diyaarintii Mustafe Abiib

ViberMaxaad ka taqaan barnamijka Viber ka ee telefonada bilaashka ah?

Ma umalaynaysaa in waraaradda difaaca Israaiil rag ka tirsanaa ay sameeyeen?

Maxaa loogu tallo galay Viberka ee uu qabtaa?

Viber ku waa barnamij ku shaqeeya mobilada dambe ee casrigga ah ee  smart phone ka loo yaqaan tusaale iphone ka , Samsung dambe (Android), LG dambe dhaman mobilada smart phone loyaqaan.

Waa barnaamij loo adeegsado telefon ahaan oo aan wax lacag ah ku kharash garaynayn;  isla markaana 100% bilaash ah; waliba numberkaaga sim card ka ah ee telefonka aad isticmaalayso; runtii dad badan baa reeyay, shirkado badan oo aduunka ah ay ka cawdeen;  iyadoo uu hoos u dhigtay istimaalkii mac-miishooda ee telefonadda dibadda .

Haddaba Viber ka yaa leh? Laakin yaa samayntiisa lahaa?

Barnaamijka waxa sameeyay oo ku magac qaaday nin la yidhaa Talmon Marko, waa nin yuhuudi ah, isla markaana kasoo qabtay israaiil Hogaan ku xiggeenka Fullinta macluumaadka ee wasaarada difaaca Israaiil,

Waxa uu kasoo baxay Jaamacadda Talaabiib (Tel-Aviv University);  oo uu ka bartay Culuumta Koobiiterka iyo Maamulka (Computer Science and Management). Ku darsoo uu imikana ku suggan yahay jasiirada Qubrus; oo ah meelaha Israaiil ay ka basaasto caalamka.

Muxuu u qabtaa Viberku ee bilaash looga dhigay?

Waxaa la arki karaa ama uu sahli karaa in la arko (cid aan adiga ahayn) waxyaabahan hoos ku xussan:

  1. Dhamaan liiska dadka kugu jira telefonkagga (Contact List).
  2. Dhamaan Message yada ku jira Telefonkaga (Messages in your cell phone).
  3. Iyadoo la ogaanayo goobta aad joogto ama aad ku nooshahay Geographic ahaan.
  4. Iyaddo uu si automatic ah uu duubo codkaaga.
  5. Waxa la arki karaa dhamaan maqal (quran, xadiis, maxadiro, hees iwm)  iyo muuqal (fiidyaw) ku jira Mobile kaga.
  6. Dhamaan wixi file ah ee ku jira telefonkaga (cell phone).

Haddaba Viber ku waxaa la odhan karaa wa barnaamij basaas oo Israaiili ah rumayso ama ha rumaysan, tabbinaya dhaman macluumaadkaga gaarka ah; si sahlana ugu addeegaya Isaaiil, fadlan ka taxadir.

Diyaarintii: Mustafe Abib Mohamed