Ma Odhan Karnaa Mustaqbalka KULMIYE Wuxuu Ku Xidhanyahay Musharraxa Madaxwayne-nimada Oo La Caddeeyo? – W/Q: Cabdifataax Sh. Nuux

Faallo: C/fataax Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

Xisbiga Kulmiye oo ka mid ahaa saddexdii xisbi ee ka jiray somaliland, ahna xisbiga talada dalka  ku guulaystay kuna bahoobeen siyaasiyiin magac iyo sharaf ku lah gayiga wadanka ayuu guul wayn ka soo hooyay xisbigoodu tartankii loo galay  doorshada madaxtooyada  somaliland, taasi oo uu hogaanka u hayay ahaana musharaxa wakhtigaasi madaxwaynaha hada talada dalka haya ee siilaanyo, hadaba guulaysashada kulmiye ayaa waxaa qayb wayn oo  libaax leh ka qaatay shacabka somaliland oo guud ahaan yar iyo wayan, ciroole iyo caruur, sheekh iyo shariif, wadaad iyo waranle aan iyagu u kala hadhin oo aan codkooda kala masuugin inay ku sadqeeyaan xisbiga kulmiye, taas oo uu hal ku dhiga ugu wayn ee ay ka duuliyeen uu ahaa, waxaanu u baahanahay is badal ( We Need Change) taasi oo aad moodaysay inay ka midaysnaayeen hamigaasi iyo hankaasi ah in is badal wayni uu dalka ka dhaco, hadaba xisbiga kulmiye oo isagu si aan la qiyaasi karayn ugu guulaystay doorashadii wadanka ka dhacday kuna soo baxay cod aqlabiyad ah, taasi oo rayrayn, rajo iyo yididiilo cusub galisay guud ahaanba shacabkii quusta ka taagnaa xukuumadihii ka horaysay iyo wadankaba, kuwaasi oo damaashad, farxad iyo badhaadhe ay sameeyeen dadkii codkooda siiyay xisbiga kulmiye meelkasta oo ay ka joogaan daafaha dunida iyo guud ahaanba intii somaliland uga codaysay, guushaa aan la qiyaasi karayn ee uu xisbiga kulmiye hogaanka ugu qabtay wadanka ayaa waxaa masuuliyadeeda ugu badan laha shacabka oo iyagu hadh iyo habeen u heelanaa siday is badal wadanka uga samayn lahaayeen, hadaba tan iyo maalintaa oo ay ka soo wareegeen ku dhawaad laba sano ayaad moodaa in xisbiga kulmiye uu ka yara gaabiyay sidii la filayay ama la naawilayay taasi oo ay ugu wacantahay markii uu noqday xisbi muxaafida oo ay isku milmeen xukuumada iyo xisbiguba, hadaba xisbiga kulmiye oo hore gudoomiyaha xisbiga loogu wareejiyay Md: Muuse biixi ayaad moodaa in xilka loo dhiibay uu wali yahay mid liicsan taasi oo aanu wali xisbigu helin hogaan u madaxbanaan, balse wali uu hogaanka xisbigu uu yahay mid ku magacaaban gudoomiye, balse aan ahayn musharax u taagan jagada madaxwaynenimo.inkasta oo uu xisbiga kulmiye nasiib u helay in waayo aragnimada  Gudoomiyaha Kulmiye uu kaga badbadbaaday  in isaga xisbiiga uu isku dhac ku yimaado, isku dhacaasi oo  baabiin gaadhay labada xisbi ee kala ah UCID & UDUB, taasi oo isku dhacaasi uu sababi gaadhay burbur wayn balse khasaarihii ka soo gaadhay khilaafkaasi uu yahay wali mid sii muuqda  oo aanay wali ka soo kaban.

Hadaba dhawaan ayuu gudoomiyaha talada sii haya ee  Muuse biixi Cabdi la filayaa in uu ku dhawaaqo hankiisa siyaasadeed marka uu furmo dhawaan shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, taasi oo la naawilanayo inuu dhawaan ka qabsoomi doono caasimada hargaysa madaxdiisuna ku dhawaaqeen dhawaan, hadaba sida la rajaynayo ama la filan karo waxa uu Muuse Biixi damacsantahay inuu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa jagada Madaxwayne-nimo ee xisbiga kulmiye, kana hor cadeeyo shirka golaha dhexe ee maalmaha soo socda la filayo.

Hadaba xisbiga kulmiye dhexdiisa ayaanay wakhtigan xaadirkaa jirin cid sheegatay inay u sharaxantahay jagada madaxwayni-nimo , inkata oo aanay wali cadayn heshiiska Muuse loogu dhiibay jagda gudoomiyaha ee sida dadbadani sheegaan uu yahay magac cuyaal  balse aanu wali xisbigu ka tashan cida u soo istaagi doonta doorashada shanta sano ee soo socota hadii ilahay ina gaadhsiiyo, sidoo kale waxaa meesha ka baxay oo duufaanada is badbadalka badan ee siyaasdu ay xilal kale la doonteen rag badan oo la saadaalinayay inay iska soo sharaxi doonaan xisbiga kulmiye oo uu ugu horeeyay Md C/casiis Samaale iyo Dr.Gaboose oo uu midna urur u gaara  furtay, midna xil wasiirnimo uu u doontay, taasina waxay fursad dahabiya oo mar la arag ah siinaysaa Muuse Biixi oo la filayo inuu ka faa’idaysan doono fursadaa qaaliga ah oo inta uu ragaasi dabarku ku xidhan yahay hogaanka musharaxnimo si cad ugu dhawaaqi doono, balse sida ay dad badani falanqaynayaan hadii uu Muuse ka faa’idaysan waayo fursadan oo uu wakhtigan cadayn waayo Musharaxnimadiisa Madaxwayne-nimo ay taasi shaki badan iyo muhmal galin doonto fursada uu hada helay, keeni doontana in mustaqbalka dhaw ay soo baxaan rag ruug cadaayo ah oo kula loolama booskaaasi .

Isku soo daba duuboo  xisbiga kulmiye oo ay ku kulmeen baarqabyo wada doobyaya oo uu mid kastaa isku haysto inuu yahay siyaasiga ugu fiican ayaa ay gudihiisa ka jiraan loolamo siyaasiya oo aan waxba la iskula hadhayn taasi oo ay rag badani ku doonayaan in dib loo dhigo musharaxa xisbiga balse shirka golaha dhexe uun hada la qabto taasi oo ay ku sasabaynayaan in xisbigu isaga oo isku duuban uu galo doorahada dawlaha hoose, iyaguna ay u soo dhaqaale urursadaan, balse dhanka kale aya taageerayashii hiilka iyo hooda la garab taagnaa xisbiga kulmiye ee u fududeeyay jaranjarada guusha ayaa madaxda xisbigaasi culays ku saaraya oo ku qasbaya in musharaxa xisbiga la cadeeyo marka uu furmo shirkiisa golaha dhexe hadii kale ay taasi ku qasbi doonto inay u codeeyaan xisbiyada kale iyo raga hankooda madaxwayne-nimo cadaystay,ugu danbayntii Md :Muuse Biixi oo isagu in badan naawilanayay habeenkastana ku seexan jiray in uu maruun noqdo musharaxa shanta sano ee soo socda ayaa madax badan iyo dad badani ay ku qasbayaan inuu hankiisa uu in badan sugayay kaga dhex dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsanayo dhawaan, kuwaasi oo doonaya inuu fursada dahabiga ah ee uu hada haysto ee nasiibku u saamaxay aanu dib u heli doonin hadii uu dayaco, taasi oo uu si cad hada ugu guulaysan karo hankiisa iyo hamigiisa waa hadii uu ka badheedho inuu shirka ka hor cadeeyee.

Isku soo wada duuboo, dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa sheegaya in mustaqbalka xisbiga kulmiye uu ku xidhanyahay qabsoomida shirkiisa golaha dhexe iyo ciyimaada musharaxa madaxwayne-nimo ee shanta sanadood ee soo socda, taasi oo meesha ka saari doonto is huwanaanta xisbiga, xisbigana ka dhigi doonto mid leh hogaan cad oo  lala xisaabtami karo , sidoo kale dadkaasi arimaha siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in musharaxnimada xisbiga oo hada la sii cayimo ay qayb wayn ka qaadan doonto guul uu xisbigu ka gaadho tartanka doorashada golaha deegaanka oo ay kula tartami doonaan labada xisbi ee kale iyo urur siyaasadeedyada cusub oo musharanimadooda soo cadeeyay ,sidoo kale ay hogaaminayaan rag ruug cadaayo siyaasadeed ah taasi oo la filayo inay iska caabin xoogan kala hor imaadaan saddexdaii xisbi qaran ee jiray, guntii , gabagabadii iyo gunaanadkii ayaa la filayaa in uu fursada k faa’idaysan doono gudoomiyaha talada xisbiga kulmiye hogaanka u haya waa Muuse Biixiye, balse hadii ay fursadan ma la aragi ahi ay dhaafto ay muhmal iyo mad-madaw galin doonto mustaqbalkiisa madaxwayne-nimo iyo mustqbalka ururkaba.

Qalinkii : C/fataax Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile:4474468