“Ma Jirto Inan Lagu Faro-xumeeyay Wasaaradda” – Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Gabadh dhalinyaro ah oo sheegtay inuu tacaddi ka dhan ah jinsigeeda u geystay masuul ka tirsan wasaaraddaas.

Warkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay gabadhi sheegtay inuu masuulka wasaaradda ka tirsan ugu hanjabay kuna qasbay inuu shaqada ka caydhinayo haddii aanay u fulin waxa uu ka dalbado, balse masuuliyiinta wasaaradda ayaa arrintan been abuur ku tilmaamay.

Gabadha arrintan ku eedaysay masuulka ayaa la xidhay in kasta oo la sheegay in markii dambe xorriyaddeeda loo soo celiyey.

Ma jirto Cid madax-bannaan, hay’ad sharci ama hay’ad u doodda xuquuqda haweenka oo arrintan galay, balse waxa ay wararku sheegayaan in gabadhaas oo hal habeen xabsiga ku xidhanayd laga sii daayey isla markaana aan la aqoonsan cidda sii daysay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Masuuliyiinta Wasaaraddu ku beeninayaan Warkan