Ma Hoobal?!

 

 

“Haddii shacbi kasta fankiisu lahaan karo beri-samaad (Golden age), fan masraxeedka soomaalida beri-samaadkiisu wuxu ahaa horraantii Lixdannadii ilaa horraantii Toddobaatannadii

(abbaara 1962-1972). Tobankaas sanno ayaan qabaa in ay mudan yihiin in loo aqoon sado beri-samaadkii riwaayadaha, heesaha iyo muusiga Soomaalida”. Sidaas waxa qoray Maxamed Daahir Afrax, buuggiisa uu kaga sheekeynayo sooyaalka Fan masraxeedka Soomaalida, isagoo weliba sababo dhawr ah raaciyey.  Wuxuu daliishaday sida abwaannadii xilligaas shaacbaxay iyo ruwaayadahoodii aan weli loo haynin wax tan iyo illaa maanta lagu doorsado, ee aan loo curin wax heesahoodii iyo hal-abuurkoodii beddel u noqda.  Waxa iyada qudheedu marag kale ah, sida uu ku dooday, in fannaaniintii waqtigaas hirgalay ay illaa maanta shamac u yihiin, welina xiddig ugu yihiin fanka Soomaalida.

Burburka ugu weyn ee fanka Soomaalidu wuxu imanayaa markii dawladdii Soomaaliya ee hiilka u ahayd ay afka dhulka dartay, markaas oo dalka lagu kala qaxay.  Xilligaas wixii ka bilawda hal-abuuruhu wuxu qaxoonti ku noqday dal shisheeye oo uu magansaday, curintiisiina afka ayey juuqda gabtay. Wixii ka danbeeyey fanka iyo fannaanku wuxu galay marxalad kale oo nololeed, taas oo dhaafi weydey in uu la batalaqsado naftiisa iyo ciyaalkiisa.  Dadkii caadiga ahaa ee fan ku noosha ahaydna,  waxa ku soo bannaanaaday khaanad weyn iyo dhaxan faneed, deeto si ay baahidaas u buuxiyaan ma ay helin wax kale oo aan ahayn in ay dib iskaga soo faqdaan oo iska baadh-baadhaan cajaladihii iyo heesihii la sameeyey xilliyadaa hore ee uu Afrax ula baxay ‘Beri-Samaadka Fanka’.

Laakiin taasi ma aha sawirka oo dhan. Run ahaan waxa jiray dedaal qurbaha u badan oo si ama si kale iskugu dayey in uu soo saaro fannaaniin iyo hal-abuur cusub oo buuxiya kaalintii ay ka gaboobeen aabbayaashii fanku. Taasi waxay ku bilaabantay dhalin yaro ka faa’idaysatay tignoolajiyadda muusiga aytomaatigga ah ee ay ka heleen dalalkii galbeedka ee ay u qaxeen, dhallintaas oo isku dhigay kaalintii fannaanka, oo deeto dib u qaaday heesihii caanka ahaa ee hore u jiray.  Taa waxa u sabab ahaa, kol haddii da’yartaa fanka xiisaynaysay, intooda badan, aysan la jaar noqon abwaanno wax u curiya, waxay qudhoodu dib u qaadeen heesihii hore u jiray ee meelahaas iska yaallay.  Qaabkaas waxa ku soo caan baxay dad heesa laakiin nasiib darro heesaha ay qaadayaan aan abtirsiintooda meelna ka soo gelin; deetana, bilawgii ha la dhagaysto oo ha la iskaga ladnaado’e, haddana waxay ugu danbayn iska noqdeen budhcad xalaashatay heeso aanay lahayn. Markaa ka dib dadku, si ay mar kale u helaan maaweeladii ay xaqa u lahaayeen, isla markaasna dhegeha uga dhawrtaan hees boolli ah oo fannaankii lahaa laga bililiqaystay, waxay mar labaad dib ugu noqdeen wixii la odhan jiray ‘Qaraamiga’.  Qaraamiga qudhiisa waxa dadka u geeyey kaalintaas faneed ee weli haawanaysa.

Baahidaas dhegeysi waxa qudheedu barbar socota baahida akhris ee qofka  wax akhriyi kara.  Dhab ahaan sannadihii u danbeeyey waxa soo kobcayey dhaqan isasoo taraya oo da’yarta wax bartay xiise aad ah ugu qabaan in ay helaan wax ay akhriyaan; in badan oo da’yartaas ka mid ahina markii ay fursad u heleen akhris, waxay judhiiba qudhoodu bilaabeen buug qoris ay rabaan in ay dadka la wadaagaan. Tayo ha danbaysee arrintaas tamar badan baa la geliyey; iyada qudheedu waa ifafaallo wacan oo muujinaysa dhaqan geddis cusub oo dhanka wanaagga loo qaaday, taas oo lagu saadaalin karo in timaaddadan dhaw Cilmi dhagoodkii gabbal baas u dumi doono, bulshaduna akhriska ay wehel ka dhigan doonto.

Mawduucyo door ah oo sannadkan (2015) horraantiisii sidaa ku dhashay waxa ka mid ah buuggan I horyaalla ee “Hoobal”. Hoobal waa diiwaan cusub oo dhawaan ku soo biiray magtabadaha dalka, waxana la odhan karaa waa buuggii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu kaydiyo suugaanta ugu mudan ee ugu macaan hal-abuurka Soomaalida, gaar ahaan heesaha,  suugaantaas oo soo baxay xilligaas beri-samaadka. Waa diiwaan ay ku harraad bixi doonaan akhristayaasha suugaanta jecel, iyo xataa wadaaddada muusiga neceb ee heesaha u xaaraantimeeya muusiga iyo codka ku lammaan.  Nacam, wadaadka qudhiisa ayuu diiwaankani u noqon karaa durdur uu ka dhaansado murtida hodanka ah ee afkiisa hooyo, murtidaas oo uu iskaga badhxi doono kuwa Carabida ah ee uu badanka daliilka u cuskan jiray, si uu mawduuciisa u meel marsado, ereyadaas carbeed oo aan diinta shuqul ku lahayn, misna masaajidka lagu baranayo.

Hoobal, markaa, wuxu ka jawaabayey baahidaas suugaaneed ee waqtigan taagan.  Xigmad-guur baahsan oo u eeg maskax-guur oo tobanleyda sannadihii ugu danbeeyey dhagaheenna haystay ayaa kaydkan iyo diiwaankan lagaga raysan doonnaa oo lagaga bogsan doonaa. Waa kaydka kan meesha heesihii aynu nidhi waxay dhasheen xilligii beri-samaadka, la inoogu soo kala miiray oo lagu sii kala shaandheeyey, ka hor intii aan la inoo soo bandhigin, iyaga oo hunguri mar leh.  Af buuxa, buuggan lagu tilmaami karaa in uu yahay ‘Uus-miir lagaga gudbi doono abaarta iyo kaliisha xigmadeed ee dheeraatay’.  Waa dahab!

Qoraagu waa Mawliid Adan Biixi oo dhawrkii gu’ ee ugu danbeeyey suugaanta geela caan ku ahaa; kaas oo  si gaar ah codkiisa muddooyinkii dhowaa loogu bartay Raadiyaha Hargeysa, halkaas oo uu soo saare ka yahay barnaamij ka mid ah kuwa loogu jecel yahay ee ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Mawliid, laftiisu waa hal-abuur suugaanta iyo xigmadda ugaadhsada ama baadha, oo aan ka hadhin jeer uu kaga daba galo god kasta oo ay murtidu gasho.  Waxana aynu  odhan karnaa waa nin ka dhabeeyey falsafadda odhanaysa “Xigmaddu waa baadi ka maqan mu’minka”. Dedaalkiisa uu arrinkaas ugu xusul duuban yahay oo kollay aanay ka maqnayn hibo gaar ahaaneed, waxaynu tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa dhumucda barnaamijyadaas raadiyaha ee aynu soo sheegnay iyo weliba kaydkan qoran ee hadda ina hor yaalla.  Innaga oo weliba jecel oo ku boorrinayna in uu qoraagu mar kale usha faraska inoogu dhufto, si uu inoo dul geeyo suugaan uu ka qoray geela oo qudha. Taasina waa boorrin ee ha samaato oo ha la helo, qoraaguna ha u hawl galo. Waa codsi. Yaan idinka illaabin in aan qoraagu yahay bare luqadda soomaaliga ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada sare ee dalka,  isla markaana yahay macalin ka mid ah kuwa aan ardaydu ka xiiso goyn.  Ardayda oo qudha ma aha ee xataa dadka ay kulan wadaagga yihiin oo idil ayaa goobta uu joogo dhagaha u raariciya oo xigmadaha iyo sheekooyinka uu ka waramayo madaxa u luxa.  Kuwan danbe aniga ayaaba ka mid ah.

Buuggan Hoobal wuxu isku keenay oo kulmiyey tiraba 150 Heesood oo ah kuwa loogu xiisaha badan yahay, oo uu qoraagu ku xushay dhanka fannaaniinta ku luuqaysa iyo sida ay ugu kala miisaanka culus yihiin bulshada suugaan miirad ka ah dhexdooda;  Iyada oo  sidoo kale aad mooddo in uu kusoo xushay dhanka murtida, asturnaanta iyo akhlaaqda dhaqan ee ereyadooda. Si kooban waxa loo odhan karaa: ‘Qoraagu wuxu soo miidhay heesaha ugu edebta badan ugu na murtida iyo nuxurka ballaadhan ee ay ku luuqeeyaan fannaaniinta uu inoo dooray’.  Mar haddii irridda fannaaniinta laga soo galay, buuggu wuxu ina hor keenay foolaadkii hooballada ee beri-samaadkii iyo safkii hore ee fannaaniinta, oo kala ah: 1. Maxamed Saleebaan Tubeec, 2. Khadra Daahir Cige 3. Xasan Aadan Samatar; 4.Xaliimo Khaliif Magool; 5. Axmed Gacayte.

Qaabka uu qoraagu fannaaniintan iyo heesahooda inta uu inoogu soo baandheeyey, ee dabadeed inoogu soo bisleeyey su’aal baa ka iman karta, odhanaysa: “Qoraagu muxu ku xushay?”, jawaabtu se waxay noqon kartaa laba hal midkood: In uu qoraagu dookhiisa faneed inoo afduubay oo isagu iskii heesaha inoogu soo xulay, iyo in uu sameeyey baadhintaan kooban oo uu ugu kuur galay dhanka ay u bateen xeel dheereyaasha qiimeeya fanka iyo fannaaniint Soomaalidu, deetana baadhintaankaas inta uu ka shidaal qaatay uu sidaas inoogu soo xulay intii ugu sarraysay tirada kuwa la doortay.  Labadaas jidba iyaga oo macquul ah, haddana aynu maanka ku hayno in mar kasta dadka iyo dookhoodu ku kala taggan yihiin dhadhanka ereyada iyo hab dhaca nuxurka heesta, sidaa daraadeed shaki iga geli maayo in Soomaalida faraha badan ee kala deegaanka ah ee buuggan kala furi doonaa uu mid waliba dookhiisa ka dhex heli doono

Su’aal kale waxay ka dhalan kartaa sababta qoraagu heesaha dhanka hoobaladda ama fannaaniinta ku luuqeeya uu uga soo galay, halkii ay ahayd in uu ka soo galo irridda taas ka ballaadhan ee ah dhanka ciddii hal-abuurtay ee ereyada iyo nuxurka iska lahayd.  Su’aashan danbe waxay barkan tahay xujo iyo dood culus oo odhanaysa, maxaa fannaan looga baahan yahay kol haddii arrinku cod ka tagay oo uu qoraal iyo akhris ugu guuray iskuna beddelay, isla markaana uu dib ugu noqday marxaladdii asalka ahayd ee luuqda iyo muusiga ka horreysey;  marxalad u eeg bilawgii iyo markii abwaanku ereyada curinayey ama qorayey.  Xujadani waxay leedahay buuggani mar haddii uu yaahay diiwaan qoran oo la akhrisan doono, ee aanu ahayn canjalad heeso ka buuxaan oo la dhegeysano waxay ku wacnayd in dhanka abwaanka laga soo istaago oo la iska illaabo dhanka hoobaladda, sidaana meesha looga saaro liiska fannaaniinta ah ee buuggani heesaha ku hoos suntay.  In kasta oo hees kasta ciddii samaysay la xusay haddana dooddu waxay noqon doontaa mid ciwaanka laftiisa su’aal ka keenta. “Maxaa hoobal looga baahan yahay miyaa magac kale oo hal-abuuraha khuseeya buugga loo bixiyo?”  Taas aynu halkaa ku dhaafno oo u daynno sida qoraagu su’aashaas uga fal-celiyo.

Yaan taraarixin ee aan qormadan kooban ku soo af meero hees aan si adag uga soo dhex xushay heeso badan oo dookhayga ah oo aan buugga kan ka dhex heley. Waa hees uu ereyadeeda leeyahay abwaan magaciisa la yidhaa ‘Cabdi-qafaar Ciise Cagoole’. Hore qudhaydu waxan u haystay in ereyada uu Huryo sameeyey; Sidaa darteed aniga ayaaba buuggan ka faa’iday abwaanka ereyada iska leh. Heesta waxa ku luuqaysa fannaanadda caanka ah ee Khadra daahir cige. Dhacdada iyo sababta heesta keentay buugga ayay idiinku taallaa, anna imika idinku hawli maayo, ha yeeshee heestu waxay tidhi:

“In uu beer jacayloo,

kalgacayl ku baahiyo,

Hadallada baroortii,

boogaha damqinayaan,

Oo u ku baabay maqalnaye,

Baxnaanadu siday tahay,

Haddii aad weli bastaa tahay,

Allahayaw ku samo bixiyeey!

…………………………….

Cabdaw beri samaadkii,

marka sheeko baraleey,

Kaftan laysla beegsado,

Ma baraarugtaayoo,

Boholyaw ma oydaa!!!”

………………………………..

Wadnahaagu bihin-bihaa,

Qof badwayn dusheediyo,

Ka tallaabay buuraha,

Ma u baaqayaayoo,

Weli ma u baroortaa,

Bidhaan uu san gaadhayn,

Biligteeda  muuqa ah,

Ma kadaba baqoolaa,

Bacadkiyo kulaylaha,

Dhibta ma u badheedhaa,

Bukaan socodka liitaa,

Dadka waa ku badanyahaye,

Ha u baraq-nuglaan hawl,

cirka baaxaddii leeg,

Barashadan is nuugtiyo,

Axdigaagan baaba’ay,

Haweenbaad ku barataye,

Ka adkayso baylahdoo,

Ha kadaba balanbalin;

Adaan kuu birmanayee,

Bash-bash iyo barwaaqiyo,

Badhaadhaan rajeeyee,”

adaan kuu birmanayee,

Samir wehesho weligaa,

yaan dantaadu baylihin”

…………………………………………..

“Adaan kuu birmanayee,

Samir weel ka buuxsoo,

Yaan dantaadu baylihin!!”

Tilmaan guud oo buugga ku saabsan:

Buuggu midab ahaan waa liimi jeldi qurxoon oo uu wejiga hore kaga sawiran yahay aaladda heesaha/heesaaga loo tumo ee loo yaqaan ‘Cuudka’.  Buugga marka aad wejiga kale u rogtana waxa si dabacsan kuu salaami doona oo ku soo dhawaynaya sawirka qoraaga oo muusoonaya. Meel sawirkiisa ka  hoosaysana waxa ku qoran tuducyo laga soo dheegay maanso uu Hadraawi tiriyey:

“Muqdishiyo Hargeysaba

Gudin iyo hangool iyo

Heellaa xoreysee

Wallee hoobalkoon jirin

Guuli sooma hoyateen”

Tixraac:

  • Maxamed Daahir Afrax, “Fanmasraxeedka Soomaalida”. 1986, Muqdisho.
  • Mawliid Aadam Biixi, “Hoobal”. 2015, Hargeysa.

 

 

W/Q- Faysal Jaamac Geelle