Ma-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Q.2aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay 2 ½ sano jirsatay xukuumadani

sayid-MaxamedWaad fahmi kartaa halista uu leeyahay ciidan shisheeye oo hubaysan oo soo galay dalkaagii , adna aanad ka warqabin iyo sida uu ufulin karo dhamaan danaha uu kaleeyahay ilaa uu ka gaadho. Wax lala yaabo ama lafogaystana maaha in jabhadani marin karaadiso somaliland sababtoo ah; wuu garan karaa ninka jabhadka  ahi sida uu u helayo marinka xeradiisa iyo sida uu uga guulaysan karo cadawgiisa , horaa loo yidhi “ carab lo’aad caws looma tilmaamo”.

Sahankii kasoo horeeyay waxay arkeen habacsanaanta iyo kala daadsanaanta xukuumada, waxay u noqotay fursad ay ka faa’idaystaan’ run ahaantiina wuu u hirgalay qorshohoodii.

Tamartii iyo awoodii xukuumaduna waxay kusoo kaliyawday inay wargaliso dawlada deriska la ah ee Ethiopia, isla markaana ahayd yoolkii iyo bardhamaadka safarka ciidamada la sheegay in tababar loogu soo xidhay dalka Eritrea.

Haddaan halkaas ku dhaafo jabhadda iyo xaalkeeda.

Xukuumada cusbayd waxay ku mashquulsanayd; shaqaale hoosaadkii ay ugu timi xafiisyada sidii ay uga saari lahayd shaqooyinka  abaalmarinana usiin lahayd mujaahidiintii kulmiye ( magaca mujaahid  hadda wuxuu noqday eray qofkii dan lihiba isku amaano, halkana waxay ug jirtaa qoladii kulmiye mucaaradka la ahayd, oo ayagu isu yaqaan)

Madaxdii la doortay waxay ilaaween masuuliyadii ay ummadda u qaadeen, waxay kaseexdeen sugidii amaanka muwaadinka , ilaalintii dhawrsanaanta dhulka iyo  xuduudaha dalka,  hees xaliimo khaliikh ku luuqayso ayay midhaheedii kamid ahayd “ nin lagu seexdaw ha seexan”.

Maalintaa 13- Sep -2010, waxay baraarujisay shacbigii dalka ku dhaqnaa, waxaa hoos u dhacday rajadii buurnayd ee ay kaqabeen balanqaadyadii tirada badnaa ee ay sameeyeen. Dadka qaarkoodna waxaa u xaqiiqoobay male ay qabeen oo ahaa ‘ inaan kulmiye dalka ku soo kordhin doonin wax hor-u-socod ah dib-u-dhac mooyaane’ ayagoo dib u jaleecaya mudadii somaliland jirtay iyo marxaladhii ay soo martay qaarkood  ay ka jilicsanayd maalintaa, hadana aanay marna soo hungarayn ONLF iyo kuwa kale toona.

Waxayna garteen inaan cidina dalka u maqnayn xoogsato macaash iyo magac doona mooyee. Sidoo kale waxaa meesha iyana kabaxday kalsoonidii laga qabay sirdoonka qaranka oo ayagu lahaa inay soo ururiyaan,xuuraamaan ama ogaadaan xogta kusaabsan, sheegaana imaanshiyaha ciidanka qalaad ee sida sharci darada ah ku soo galay dalka.

Dadkuna weli waxay is weydiiyaan xageebuu jiray ciidankii sirdoonku, mudada ciidan shisheeye oo xadigaasi ka soo degeyeen kana talaabayeen xuduudka.

Taliyihii sirdoonku kama hadlin dhacdadani lama dhaafaanka ah, ummaddana umay soo bandhigin waxay ku qancaan.

Si kastaba ha ahaatee xeer Lr.59/2012 oo ah xeer lagu unkay haayada sirdoonka qaranka (National Intelligence Agency)

 9-Jan-13.madaxweynuhu qalinka ku duugay dhaqan galkiisa ayaa ciidankii sirdoonka u badalay haayad madaxbanaan.

Inagoo og mogaanta ciidanka ee xaalada dalka,horena usoo xusnay dhacdooyin uu ku fashilamay ayaa xeerkani waxaa kujira qodobo dhiig bax ku ah xoriyatul qawlka iyo saxaafada xorta ah.

Waxaana cadaatay in dawladu u aragto cadawgooda koowaad inuu yahay shacabkii soo doortay,noqotayna dawlad dagaal siyaasiya kula jirta dadkeedii.

Doqontu waxay leedahay baa layidhi 9 indhood, 8 kamida sokeeyahay ku eegtaa midhka soo hadhayna qodaxday iskaga eegtaa. Waxaa hadda kadhigan xukuumadeenan aan indhaha u lahayn cadawga dalka.

Waxaa kaloo  ayaan darro ah; golihii wakiilada ee loo igmaday curinta iyo dejinta shuruuc wax tar leh in dood la’aan iyo duuduub lagu dhaafiyo xeerar u adeegaya ashkhaas gaara. Tolow ma la isweydiiyay inta xeer ee duuduub lagu ansixiyay mudadii xukuumadani jirtay?!  Dood la’aan taasi waxay muujinaysaa xidhiidhka dhaw ee kadhaxeeya golohooda iyo xukuumad. Guurtida ayaga hadalkooda dhaaf.

Lasoco……..

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com