Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed ~ Q. 11aad

sayid-MaxamedWaa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/January/2013 oo ay laba sano (2 ½ )jirsatay xukuumadani

Kala duwanaanshiyaha doorashadan iyo kuwii hore iyo dhaxalkeedi

I.     Doorashooyinkii la soo dhaafay dhamaantood waxay ahaayeen kuwo ku tilmaaman xor iyo xalaalnimo (free and fair elections) balse doorashadani ka dheerayd xalaalnimo, waataa riiqdeedii laba bilood kadib jiitamayso.

II.  Natiijadii codbixintani waxay galaafatay ama lumisay nolasha tiro muwaadiniin ah oo ku soo bandhigayay aragtidooda doorashadan banana bax silmi ah. Waxaa shacabku is waydiinayaa:

a.      Sababta keenta in ciidanku laayaan oo xabad nool u isticmaalaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, keliya muujinaya diidma doorashadaa ay ku shubteen?

b.      Ma masuuliyiinta xukuumadaa is liidaya  oo leh shacabku wuu idin quudhsanayaa oo jiritaankiinuu diidanyahay?

c.      Mise sheekadu waa car juuq dheh?

Bal hada u fiirso qodobka32aad faqradihiisa 1 iyo 2aad ee dastuurka oo u ogaalanaya  muwaadin kasta inuu fikirkiisa kusoo bandhigod hababka ku xusan:

1.  Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

 2.  Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato,       kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

Waxaa layidhi “tuugaw maxaa hilaac kaaga dan ah’’ Saw xaal ma taagna mar hadaan kursiga ku fadhiyo dastuur dantay ma oga!

Tusahan hoose wuxuu muujinaya tirade dhaawaca iyo dhimashada rabshadihii ka curtay ku dhawaaqistii natiijada.

Goobta

            Tirada

Dhimashada Dhaawaca
Hargaysa 5 9
Boorama 2 3
Saylac 2 7
Berbera —————— 3
Burco —————— 4
Ceerigaabo —————— 2