MA-HADHOOYINKA SAFARKAYGII QAYDARLEBIILE – Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL

Abbaaro 9:30kii habeennimo ee Axaddii toddobaadkan, 6dii Noofambar, 2016ka, ayaa la ii soo sheegay in hooyaday Faadumo Diiriye Xandulle uu xanuun kedis ahi ku soo booday, isla markaana ay xaaladdeeda caafimaad aad u culus tahay. Hooyaday waxay deggan tahay tuulada Qaydar-lebiile oo ka tirsan deegaanka Gaashaamo ee Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Shucuurtaydu aad ayay isku beddeshay judhii warkaa dhiillada lihi dhegahayga soo gaadhay. Talo waygu baahday. Waxaan ka fikiray baabuurkii soo qaadi lahaa. Waxaan is tusay in aan baabuurka Gaashaamo ka imanayaa waxba ka tari karin xaaladdeeda caafimaad ee u baahan maaraynta degdegga ah. Waxaan ku tashaday sidii aan gaadhi Hargeysa uga kaxaysan lahaa, una soo qaadi lahaa.

cabdillaahiKa sokow xaaladda caafimaad ee hooyo, waxa werwer badan igu hayay ammaanka safarka, maadaama uu jiro dareen bulshadeennu waayadanba ka qabtay deegaammada Hawdka ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) iyo isku-socodka labada dhinac. Waxa ii muuqday in safarkayaga caqabado hor yaallaan, waxaanan filayay in marlayba nala dhibaatayn doono. Iskamaan filayn ee dareenka Hargeysa yaalla ayaa caynkaas ah, aniguna waxba kama duwani. Ilaahay ayaannu se talo saarannay.

Nasiib-wanaag, abbaaro 11kii habeennimo ayaan ka ambabaxay magaalada Hargeysa. Waxa i weheliya Axmed Ibraahin Xaaji Xasan oo aannu walaalo nahay, Xuseen Xamays oo aannu ilmaadeer nahay, iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Banno” oo ahaa darawalkii gaadhiga noo waday, isla markaana aannu saaxiibbo nahay. Saddex saacadood kadib oo noqonaysa 2dii habeennimo ayaannu gaadhnay degmo-xuduudeedka Khaatumo oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh, xuduudna la wadaagta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Habeenkaas waxaannu seexannay Khaatumo.

Markii waagu beryay waxaannu la kulannay Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Khaatumo ee Somaliland Md. Mustafe Colaad Ibraahin, maadaama uu wakhtigaa Guddoomiyaha degmadu maqnaa. Guddoomiye-ku-xigeenka waxaannu u sheegnay hawshii aannu u soconnay, waxaanannu ka codsannay in uu noola tago maamulka Itoobiya degmada u jooga, isla markaana uu arrintayada u gudbiyo. Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Khaatumo Md. Colaad oo ahaa nin aad u muddakar ah, waxa uu nagula taliyay inaannu hawlahayaga u gudbinno taliyaha saldhigga degmada Xaaji-Saalax ee Somaliland, si uu arrintayada ugu gudbiyo maamulka Itoobiya u jooga Xaaji-Saalax.

Taladaa sideeda ayaannu u qaadannay, waxaanannu u ambabaxnay Xaaji-Saalax. Intii aannu jidka Xaaji-Saalax sii haynnay ayaannu arrintii rogrognay. Qaar ka mid ah xubnihii aannu wada soconnay ayaa ku taliyay in aanaan ku baydhin Xaaji-Saalax ee aannu toos u galno gudaha Itoobiya, isla markaana aannu beddalno Nambarka gaadhiga aannu wadannay oo ahaa gaadhi dawladda Somaliland leedahay ‘GT’, kuna xidhanno Nambar shicib. Hase yeeshee waxaan ku qanciyay in aannu nidaamka sharciga ah u marno galitaanka gudaha Itoobiya, annaga oo aan beddalayn Nambarka baabuurkayaga iyo ka dawladdayada Somaliland.

Intii aanaan Xaaji-Saalax gaadhin ayaan la soo hadlay taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Axmed-Dhagax, Gaashaanle Muuse Xasan Kaahin, si uu iigu ballamiyo taliyaha saldhigga Xaaji-Saalax Gaashaanle Nuux Sheekh Cali Caynaanshe. Nasiib-wanaag, abaarro 10kii subaxnimo ee Isniintii (Noofambar 7, 2016) ayaannu gaadhnay Xaaji-Saalax, iyada oo Taliye Nuux uu warkayaga sii hayo. Iyada oo ay nala socdaan Taliye Nuux Sheekh Cali iyo Sarkaal Maxamed Cabdi Quulle oo ka tirsan maamulka Somaliland ee Xaaji-Saalax ayaannu u gudubnay dhinaca Itoobiya ee degmada Xaaji-Saalax.

Waxa halkaa nagu qaabbilay Shaambal Abshir Barre. Markii aannu sheegnay ujeeddadii aannu u soconnay, waxa uu Abshir noo sheegay in madaxdii hawlahan uga sarreeyay maqan yihiin, hase yeeshee uu diyaar u yahay inuu wax nala qabto intii suurtogal ah. Waxa uu igu yidhi: “Waxaan la xidhiidhay madaxdii iga sarraysay oo aan arrintaada u gudbiyay, waxaana aannu isla qaadannay in maadaama aad tahay masuul ka tirsan dawladda Somaliland, ujeeddada socdaalkaaguna tahay inaad soo qaaddo hooyadaa oo xanuunsanaysa, baabuurka iyo innamada aannu fasaxno, si ay hooyo u soo qaadaan, adigu na aad halkan (Xaaji-Saalax) sii joogtid.” Go’aankii Shaalaqe-Abshir iyo madaxdiisa aad baan u ixtiraamay, waanan aqbalay, maadaama ujeeddaydu ahayd keli ah inaan soo qaado hooyaday. Sidii ayay innamadii ku baxeen oo ku tageen Qaydar-lebiile, iyaga oo wata baabuurkii oo leh Numberkiisii dawladda Somaliland ‘GT’, anna aan ku sii joogay Xaaji-Saalax.

Muddadii aan Xaaji-Saalax ku sugnaa ee aan baabuurka sugayay waxa si milgo leh magaalada iigu soo dhoweeyay Taliye Nuux Sheekh Cali, Sarkaal Maxamed Cabdi Quulle, Cabdi Yaasiin Xasan (Dayacan), Oday Cabdillaahi Ibraahin, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Xaaji-Saalax iyo macallimiinta Dugsiga Sare ee Xaaji-Saalax.

Abbaaro 10kii habeennimo ee habeenkii salaasadu soo galaysay, ayay baabuurkii iyo innamadii oo hooyo soo qaaday iigu yimaaddeen halkii aan ku sugayay ee Xaaji-Saalax. Aad baan runtii u werwersanaa intii ay iga maqnaayeen oo dhan, laakiin waxaan aad u farxay markaan arkay innamadii iyo baabuurkii oo nabadqab ku soo noqday, hooyo na sida.

Safarkan wax badan ayaan ka bartay, wax badanna waan ku ogaaday. Waxa uu iga saaray dareenkii aan ka qabay deegaannada DDSI. Waxa aan ogaaday in isku-socodka labada dhinac aad u fudud yahay haddii la ixtiraamo nidaamka iyo sharciga Dawladda Somaliland iyo DDSI, isla markaana loo maro hay’adaha maamul ee ay khusayso. Waxaan qirayaa in dawladda Somaliland iyo DDSI ay deegaannada Xaaji-Saalax iyo Khaatumo u joogaan dad xilkas ah, waxaanan ku talinayaa in deegaannada kale na loo xulo dad caynkaas ah.

Waxa ii muuqday in madaxweynaha DDSI Md. Cabdi Maxamuud Cumar iyo maamulkiisu wax weyn ka qabteen sidii loo fududayn lahaa isku-socodka labada dhinac. Waxa kale igu maqaalo ah in ay arrintaa dedaal galiyeen hawlwadeennada DDSI ee aagga Gaashaamo ilaa Marsin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Shaalaqe Cabdi-Dhuub oo taliyaha Liyuu Booliska ee aagga Marsin iyo Shaalaqe Cabdillaahi oo ka mid ah madaxda amniga ee saldhiggoodu yahay Gaashaamo. Waxa sidoo kale xus mudan Shaambal Abshir Barre, Shaambal Deeq Cabdi, Shaambal Cabdi-Madoobe iyo Shaambal Cabdi Shoolad oo dhammaantood ka tirsan hawlwadeennada amniga ee DDSI.

Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo iga caawisay safarkaa, iguna kaalisay inaan hooyaday u soo qaado magaalada Hargeysa. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa dhammaan ragga aan magacyadooda ku xusay qormadan ee ka tirsan masuuliyiinta dawladda Somaliland iyo DDSI. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha Soomaalilaand oo labadooduba si layaab leh ii sii ambabixiyay.

Ilaahay baa mahad leh. Hargeysa waxaannu ku soo noqonnay annaga oo nabad ah, hooyo na way ladan tahay. Waxaan Ilaahay ka rejaynayaa inuu hooyaday caafimaad taam ah siiyo.

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan,

Afhayeenka Wasaaradda  Waxbarashada JSL.