MA FAL BAY AHAYD MISE DUCO (Hargeysa 1-2-3)

Masjid-jaamica weyn ee Hargeysa, waxa ka socon jiray casharro tobanaan xalqadood ah oo aan kala go´ lahayn maalintii oo dhan. Xiitaa habeenkii way ka socon jireen. Deyrka weyn ee xagga galbeed kaga meersan waxa ku beernaan jiray dhir badan oo si joogto ah loo waraabiyo. Xalqadaha waxbarashaduna maalintii gelinka hore beertaas ayey ka socon jireen. Tobanaan xalqadood oo mid walba si wareeg ah loo fadhiyo oo sheekhu dhexda u fadhiyo, ayaa gebranaan jiray. Kutubta fiqiga ah, kuwa xadiiska ah iyo tafsiirka iyo xiitaa kutubta luqadda carabiga ayaa lagu baran jiray.

Cilmigii halkaa ka socon jiray, haddii darajooyin iyo shahaado la isku siin lahaa, wuxu qaarkii ka heer sarrreeyey darajooyinka PHD ama diktooraah ee jaamacadaha debedaha laga soo qaato. Gaar ahaan xagga culuumta diinta. Anigaygan oo ardayda ugu hoosaysa ahaa, waxan ku taxnaa maalmahan aan kaaga sheekayn doono kitaabkii TAAJKA la odhan jiray oo uu akhriyi jiray sheekh la odhan jiray Aw DHuub. Waxa kale oo ii socday kitaab ku saabsan luqadda carabiga oo la odhan jiray: Laamiyatul-afcaal iyo mid ku saabsanaa taariikhdii siiradii dadkii hore oo la odhan jiray Suwaru Min Xayaati-Taabiciin.

Aroor arooraha ka mid ah ayaan sidii caadada ii ahayd imid masjid-jaamicii weynaa. Mise beertii masaajidkuba waa gabaahiir. Wax casharro ahiba kama socdaan. Cidina ma dhexfadhido. Yaab. Dad kale oo sidayda ahina meeshii waa soo galgaleen. Iswaraysannay!. Maxaa dhacay. La ye, xerihii waa la daabulay oo xaggaa iyo shacabka ayaa loo guray. waxyar ka dib waxa yimid gaadhi aan filayo in uu ahaa xaajiyad oo intayadii ururtayna na daad-gureeyey. Waxa nalagu shubay beertii dawladda.

Marka aad galbeed u qaaddo wadadaas dhakhtarka weyn hormarta ee cabbaar ka dib aad la leexato taas wasaaradda waxbarashada hormaraysa ee aad hore u socoto ilaa biriishka 2aad afkiisa soke, waata beerta dawladdu midig kaa qabanaysa. Malaha haddeer wax kale ayaa loo yaqaannaaye, halkaas ayaa nala geeyey. Albaabka marka la dhaafo waxa fadhiyey rag waaweyn oo ladnaan iyo sarkaalnimo ka muuqato. Waxay qorayeen dadka soo gelaya iyo waxa ay yihiin. Dabadeed hore ayaannu u soconnay. Meeshu waa mucuurtoon. Waxa buuxdhaafiyey xerow kala jaadjaad ah oo qaarba meel laga soo daabulay.

Geed weyn oo dhinaca koonfur xiga ayaan jameecaadkii fadhiyey ku biiray. Waxay ahaayeen qolyo darajadoodu sarrayso oo quraanruug ahaa. Waxay quraankii oo dhan u qaybsadeen SUBUC SUBUC. Waa habka Quraanka loogu dhammeeyo todoba cisho oo xeraha Quraan-ruugga ahi si fiican u yaqaanniin. Balse iyaga qofkiiba hal subuc ama 1/7 meel ahaan ayuu qaadanayey si uu u dhammaystiro maalinkaas.

Wax waliba qorshe ayey ku socdaan. Markaa aniga waa la iga wareejiyey geedkaas oo waxa la i geeyey geedka YAASIINKA lagu qorayo oo dhinaca waqooyi-bari ku yaallay. Halkan waxa looga baahnaa dad si wanaagsan wax u qori kara. Waxa halkaa, geedka hortiisa kursi u yaallay niman waaweyn oo madax u ekaa. Qalimo iyo xaashiyo bayaad ah ayey qaybinayeen. Qofkana waxay u sharraxayeen in uu Yaasiinka ku soo wada qoro xaashiyahaas, marka uu dhammeeyana soo celiyo oo uu xaashiyo kale qaato, si uu haddana Yaasiinkii u sii qoro.

Laakiin intii aan hawlba la bilaabin waxa la soo dhigdhigay quraacdii oo ahayd hilib la suqaariyey iyo beer geel, sannuunad aan caasaan lahayn oo dhandhanaan, kimis iyo waxyaalo kale oo laga subkanayey. Waa geela la loogay ee lagu qadayn doono hordhaciisii!

 Dadku kooxo kooxo ayey ahaayeen. Ma hubo waxa ay kuwa kale samaynayeen. Laakiin labadaas kooxood ee aan ka mid noqday waxay ku mashquulsanaayeen akhrinta Quraanka kariimka ah ama qoritaanta Yaasiinka. Maalintii oo dhan sidii ayaa lagu waday ilaa la gaadhay casar-liiq ama casar gaaban. Dabadeed dadkii ayaa la isu soo ururiyey. Waxa loo fadhiisiyey toban toban qof. Ma xasuusto in khudbad kooban la jeediyey iyo in kale. Laakiin waxa nalaga simay lacag. Lacagtu waxay ahayd mid cusub oo xabagtii ku taallo. Markaas ayuunbaa bangiga laga soo qaaday. Gacmo horena sooma ay taaban sidii loo soo daabacay. Min shan boqol oo shilin (500 shilin Soomaali) ayaa qof walba loo tiriyey. “Berri soo noqda, halkan ayaana laga quraacan doonaaye soo kallaha” ayaa nalagula dardaarmay. Lacag sidaa u badan oo wada socota, abidkay imay soo gelin. Shan shilin iyo toban shilin iyo wax ka yar ayaa caadi ahayd in nusasaace ama xaqal-ciid la ii siiyo. Shan boqol oo shilin oo wada socota oo weliba boqol boqol ah oo bacdii ku taallo, waxay ahayd wax aanan sinaba ugu sii xisaabtamin.

Maalintii labaadna sidii ayaannu u soo laabannay. Waxbana kagamay duwanayn shalayto oo markii aannu sii baxaynay sidii ayaa naloogu sii qaybiyey lacagtii cusbayd ee shan shanta boqol ahayd. Balse maalintii saddexaad ayuu dhammaadkeedu ka duwanaa labadii maalmood ee hore. Xaggii cuntada iyo quraan akhrinta iyo Yaasiin qoridda iyo xiitaa lacag qaadaashada isku mid bay ka ahaayeen, laakiin xaggii soo xidhidda ayaa ka duwanayd sidii hore.

Waxa yimid madaxdii magaalada Hargeysa

Waxa yimid taliyihii qaybta 26aad Maxamed Siciid Xirsi ( Moorgan)

Waxa yimid mas´uulkii Bangiga dhexe mise ka ganacsiga

Waxa yimi culamaa´udiinkii beledka ee culamaa´udawlada ahaa

Waxa yimid, Sheekhii ka dambeeyey munaasabadda Eebbee-bariga ah ee saddexda maalmood qaadatay. Sheekhaasi wuxu ka soo hindiwaasay xaggaas iyo magaala-madaxda Xamar, magaciisuna wuxu ahaa Sheekh Abba-gede.

Dhammaantood waxay ka soo jeediyeen munaasabaddii xidhitaanka khudbado kala duwan iyo Alla-bari badan. Ujeedadii quraan akhriskana way sheegeen oo waxay ahayd in dalka loo duceeyo. Xirsi-xidh iyo balaayo-xijaab. Culimadii hadashay badankooduna waxay ducadooda ku ladheen habaar ay dusha kaga tuurayeen dadka dalka kharaabinaya ee khaakhuulka wada. Laakiin hal nin ayey khudbaddiisu ka duwanayd dadkii kale oo dhan. Wuxu ahaa ninkii haystay bangiga dhexe oo isagu yidhi; “Yaan la habaarin kuwaa qaska wada, waa innamadeenniiye. Ha loo duceeyo; in Alle inoo soo hadeeyo”. Hadalkaasi wuxu ila ahaa mid aan xasuusta ka bixi karin. Raggii kale hadalkoodu wuxu ila ahaa uun khudbad. Xiitaa Sheekhii hawsha dhan abaabulayey, waxba kama xasuusto. Waxa iyaguna jiray laba qof oo kale oo khudbaddoodu xasuus igu reebeen. Mid ahaani wuxu ahaa Janaraal Maxamad Siciid Xirsi (Moorgan), taliyihii qaybta 26aad. Mid kalena wuxu ahaa Sheekh Ikhwaani oo ahaa sheekh cod kulul oo dheguhu ku dayaamayaan marka uu hadlayo, balse aftahan ah ahaa.

Janaraal Maxamad Siciid Xirsi (Morgan) wuu ka dhex muuqanayey dadka, haddii la fiiriyo lebbiskiisa, shaarubihiisa iyo dhalaalka wejigiisa. Nin dhiig furan oo haddana nasasho iyo nolol ka muuqato ayuu ahaa ama aan idhaahdo نضرة النعييم “widhwidhkii nimcada”. Hadal aad u kooban ayuu munaasabaddii ka jeediyey. Waxanan ka xasuustaa sheeko uu ku xidhiidhiyey munaasabaddan oo beryihii dambe igu dhalisay su´aalo kale. Wuxu yidhi: “Ducada Ilaahay wuu ka aqbalaa ciddii tuugtaba. Muslinka oo keli ah ma ahee xiitaa gaalada. Beri aan Maraykanka u joogay waxbarasho, ayey magaalo yar oo aan joogay roob la´aani ka dhacday. Markaa dadkii oo dhan ayaa isu soo baxay oo wadaadadii kiisaddu hoggaaminayaan. Ilaahaybay beryeen. Dabadeed isla markiiba roobkii wuu u da´ay”. Hadalkiisa nuruxkiisu intaas ayuu ahaa. Hadal badanna maba uu odhan.

Khudbadda kale ee xasuusta igu reebtay waxay ahayd tii sheekh Ikhwaani. Sheekhaas hore uma aqoon. Laakiin qiso cajiib ah oo uu ka sheekeeyey, ayaan u illoobi waayey. Wuxu ka hadlay awoodda uu leeyahay quraanka kariimka ah iyo in wixii loo niyoodo lagu helayo, haddii niyadda iyo akhriskaba la hagaajiyo. Dabadeedna wuxu ka sheekeeyey qisadan:

“Waxa la yidhi, nin ayey beri ilkuhu ka daateen. Qofka weyni wuxu leeyahay 32 ilig. Dhammaantood way ka daateen. Ninku wuxu ahaa xoog, xoolana wuu lahaa. Markaa wuxu u tegay nin sheekh ah oo uu u sheegay dhibka haysta, waxanu ka waraystay inuu sheekhu hayo wax u soo celin kara ilkihiisii. Sheekhii wuxu ku yidhi, waa lagu hayaa xal eh, waxad yeeshaa; xerta ayaad maalin walba u loogaysaa awr gool ah. Iyaguna waxay maalintaas dhammaynayaan quraanka oo dhan. Markaa habeenkeeda ayuu ilig kuu soo bixi doonaa. Sidaas ayeynu ku wadaynnaa ilaa 32ka iligba kuu soo baxaan. Yacnii 32 gool waa in aad qasho. Hawraarsan ayuu yidhi ninkii ilkaha la´aa. Sheekhina xertiisii ayuu soo diyaariyey. Quraankii iyo qalitaankii goolashaba waa la bilaabay. Habeenkii 1aad waxa soo mudh yidhi hal ilig. Habeenkii 2aad ilaa habeenkii 7aad, mid walba waxa soo baxayey hal ilig. Habeenkii 8aad ayuu soo bixi waayey iliggii 8aad. Sheekhii ayuu warki gaadhay. Wuu yaabay. Xertiisii ayuu dib ugu noqday. Waxay u sheegeen in wax waliba sidii qorshuhu ahaa u dheceen. Dabadeed wuxu ku amray in ay ku soo celiyaan quraankii oo dhan, isla sidii ay shalay u akhriyeen, oo uu isna ka dhegaysto. Markii ay marayeen ayaadda 125 ee suuratul-Ancaam, ayuu yidhi sheekhii; halkaa joogso. Kelmadda “Yassaccadu” oo saadka iyo caynkuba shadanyihiin, ayaa shadka laga tegay. Markaas ayaa inta la saxay, hore looga socday. Dabadeed iliggii 8aad sidii ayuu ku soo baxay habeenkii dambe. Sidii ayaana lagu waday quraan akhriskii iyo loogtii goolasha, ilaa ay ilkihi dib ugu soo wada noqdeen ninkii isaga ahaa. “

Dulucda sheekada sheekh Ikhwaani waxay ahayd; in quraanka wixii loo cuskado la helayo, balse ay shuruudo ku xidhanyihiin. Shuruudahaasna waxa ka mid ah in quraanka la laaxin tiro.

Sidaa ayaa lagu soo gabagabeeyey kulankii saddexda cisho socday. Quraankii badnaa ee la akhriyey la akhri. Ducadii badnayd ee la duceeyeyna la ducee. Balse yaasiinkii tirabeelka ahaa ee la qoray, mooyi meel la geeyey.

Dhawr bilood ka dib ayaa sidii oo kale la isugu yeedhay, isla meeshii. Isla dadkii. Sheekhii Abbagede iyo dad la socday ayaa weli hawsha ku ismanaa. Sheekh Abbagede, sawirkiisii weli wuu ii sii muuqdaa. Nin ballaadhan oo dhar fotoshaari ah xidhan oo si bulshaawinimo ah loogu ururayey ayuu ahaa. Maalintii la soo xidhi lahaa, waxa dhacday arrin aad u weyn, oo kelliftay in laba cisho oo kale lagu daro munaasabaddii ducada ahayd. Shan casho oo min 500 shilin la helay, ayey noqdeen. Waxa dhacay wuxu ahaa diyaarad Helokopter ah oo ay saarnaayeen 5 sarkaal oo uu ku jiray Moorgan walaalkii ayaa burburtay. Waxay ku dhacday xeebaha gubanka. Dhammaan saraakiishii saarnaydna way ku dhinteen. Maalintii afraad ama shanaad ayaa naloo dareeriyey xagga xabaalaha. Biriishkii liiqliiqan jiray ee yaraa ayaannu ka tallownay. Waxa na hoggaaminayey, Sheekh Axmed Cali-weerar oo muuqaalka haybadda leh ee Eebbe u abuuray ku darsaday luuq qurxoonaan lagu mannaystay. Wuxu ku luuqaynayey ereyadan intii la sii socday oo dhan:

ALLAAHU, YAA ALLAAHU, YAA ALLAAAHU

ALLAAHU LAA ILAAHA ILLA LAAHU

Dabadeed jamacii oo boqollaal ahaa ayaa isku mar ka wada daba jiibinayey:

ALLAAHU, YAA ALLAAAHU, YAA ALLAAAAHU

ALLAAHU LAA ILAAHA ILLA LAAHU

Markii aannu cabbaar soconnay waxanu gaadhnay xabaalo, halkaas ku yaallay. Ma hubo in aanu salaatul-jinaaso ku soo tukannay madaxdii iyo in duco keli ah aannu ugu tagnay. Balse kollay markaa aas ma socon. Dabadeed waannu soo laabannay, annaga oo weli ku dikriyeynna oo Sheekh Axmed ka daba jiibinaynna:

ALLAAHU, YAA ALLAAAHU, YAA ALLAAAAHU

ALLAAHU LAA ILAAHA ILLA LAAHU

Markii saddexaad, isla markaana noqon lahayd tii ugu dambaysay ma qabsoomin oo dalkiiba waa lagu kala tegey. Alamtra soo dhaafye, Liilaaf.

Beri dambe oo Hargeysa lagu soo noqday ayaan meel walba ka maqli jiray odayaal ku muusannaabaya; “waar magaalada waxbaa lagu aasaye oo sheekh Bilise xertiisii ayaa wax ku aastaye, ha la ducaysto oo magaalada ha la fardaamiyo”. Mooyi. Kollay tan aan ka sheekaynayo ma ahayn, ta ay ujeedeen. Balse tan aan ka sheekeeyey maxay ahayd?

Qalinkii MOHAMED HIRSI G ABDIBASHIR