“Ma Aqbalayno in xilliga loo kordhiyo Xukuumadda-Marka ay Gaadho Wakhtigeeda Waxaa La Sameeyn Doonaa Dawladd ku Meelgaadha ah Oo Qabata Doorashadda”. Gudoomiyaha UCID:Faysal C-Waraabe

Hargeysa (SLPOST) Gudoomiyaha xisbiga mucaaradk ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aaney aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Siilaanyo, isla markaana dawlad ku meelgaadh ah la samayn doono marka ay gaadho wakhtigii doorashadda haddii doorashadu suurogali waydo.

Feysal_Cali_Waraabe

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta ka soo noqday safar shaqo uu ku tagayey dalalka bariga afrika, isagoo sheegay inuu la soo kulmay bulshadda caalamka ee daneeya doorashooyinka Somaliland.

“Waxaan safar shaqo ku tagay wadamada Itoobiya,Kenya Iyo Tansaaniya, socdaalkayguna waxaa uu ahaa inaan la soo kulmo bulshadda caalamka, waxaanay ahayd inaan raadiyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa in la sameeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey safar shaqo uu dibadda ka baxay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu ogolaan doonin in xukuumaddan xisbiga KULMIYE muddo kordhin loo samayn Karin.

“Madaxweyne Siilaanyo maalinta uu wakhtigu ka dhamaado haday doorasho dhici waydo albaabku ka baxayaa,sow Daahir Rayaale muu odhan jiri albaabka ha ka baxo tii baa hortaalla, dawlada baa lasamaynayaa ku meel gaadha oo aan kulmiye ahayn”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey hadii doorashadu dib udhacdo oo laga gaadhsiin kari waayo diiwaangelinta codbixiyeaasha.

Guddoomiyaha UCID ayaa xusay inuu beesha caalamka u sheegay in maamul goboleedka Puntland ku soo xadgudbayo xuduudda Somaliland, isla markaana ay iska difaaci doonaan gardaro kasta oo kaga yimaadda.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ka walaacsan inay doorashadda madaxweynenimadu dib u dhacdo maadaama oo aan wali dhaqaale loo helin diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, waxaana muddada u hadhsan xukuumadan noqonaysaa sanad iyo badh taas oo laga gaadhsiin Karin in doorasho diiwaangelin lagu sameeyey dhacdo.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in aanay ogolaanayn inay doorasho bilaa diiwaan-gelin ah galaan, isla markaana xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen sidii loo qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland