Lughaya: Maraakiib sharci-darro ku kalluumaysanayay oo la qabtay

Lughaya, (SLpost)- Maayarka Degmada Lughaya Saleebaan Cabdi Koosaar ayaa sheegay inay qabteen 5 Markab oo ajaanib ah oo si sharci-darro ah uga kaluumaysanayay xeebaha Lughaya.

Maayarku waxa uu sheegay in maraakiibtaasi ay ku soo xad gudbeen biyaha Somaliland oo ay xeebta Lughaya u soo jirsadeen wax aan ka badnayn 2 km oo qudha. “Waxaan la kaashanay soo qabashadooda ciidamada illaalada xeebaha, waxaanan ogaanay in xadkii loogu tallogalay ay si sharci darro ah uga soo talaabbeen iyaga oo ay xaq u laaheen inay xeebta u jirsadaan 12-km ayaa wax ay si sharci darro ah gudaha u soo galeen 10 km, taas ayaana sababtay inaan amarka bixino,” ayuu yidhi Saleebaan Cabdi Koosaar. Warku wuxuu intaa ku daray inay maraakiibtaas sii daayeen ka dib digniino adag oo ay siiyeen. “Way qirteen inay xadkii ka soo talaabeen, isla markaana ay burburiyeen shabaagtii kaluumaysatadii maxalliga ahayd, waxaananu uga dignay inay soo laabato dhacdadaasi,” ayuu raaciyay hadalkiisa Maayarku.

Maayarka Lughaya waxa uu ka hadlay dadka saaran maraakiibtan waxaanu yidhi, “Waa 5 markab midkiiba waxa saaran inka badan Lixdan qof, waxaananu ku haynaa gudaha Lughaya xaaladooduna way fiican tahay.”

Maayarka degmada Lughaya faahfaahin kamuu bixin dalalka laga lahaa Maraakiibtan iyo dadka saarani halka ay u kala dhasheen.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com