Loolan Adag Oo U Dhexeeya Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh Oo Curtay

(SL.Post) Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa soo waajahay loolan culus oo kaga imanaya ragga kula tartamaya doorashada Somaliya ee qorshaysan inay qabsoonto dabayaaqadda bishan January.

xasan-iyo-shariif

Xasan Sheekh Maxamuud,  oo ah 61  jir doonaya in mar labaad loo doorto madaxweynenimada Somaliya, ayaa wuxuu la daalaa dhacayaa mucaaradada adag ee ay isku bahaysteen siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo uu ugu culus yahay ninkii uu xilka kala wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo balan qaaday in haddii la doorto uu isbedel balaadhan ka samayn doono dalka Somaliya.

Sheekh Shariif iyo ragga kale ee iyaguna doonaya kursigan ayaa la tilmaamayaa inay heshiis ku yihiin inay Xasan Sheekh Maxamuud, kursiga kala wareegaan si kastooy ahaataba, waxaanay ku midaysanyihiin in koodii doonaa ha helee aanu Xasan Sheekh mar labaad soo noqonin.

Somalilandpost.net