London, ma Kacbadii Xukuumadda Kulmiyaa? W/Q: Baashe Cabdi Gaboobe

Eng. Bashe Abdi Gabobe
Eng. Bashe Abdi Gabobe
Eng. Bashe Abdi Gabobe

Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin u direya , xukuumadda,goleyaasha iyo axsaabta qaranka , bahda garsoorka iyo saxaafadda madax bannaan,ciidamada qalabka sidaa iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Jamhuuriyadda S/L  munaasabada sannad guradi 22 ee ka soo wareegtey dib ula soo noqoshada madaxbannaanidi habowdey ee Jamhuuriyadda S/L.

Marka labaad,

Waxaynu ognahay in kacbadu ay tahey meel muqadas ah oo ku taal xaramka barakeysan oo muslim kasta  marku tukanaayo qiblad ka dhigtaa meel kastu joogoo,marku magaalada Maka ee barakeysan galena iyo waqtiga xajka ba waajiib tahey in lagu soo dawaafo.

Haddaba halka dhaqanka xukuumadda kulmiye iska shabbahaan waxa weeye iyado mid walba oo saraakisha sar sare ee xukuumadda kulmiye ku taamayo inu mar iyo laba iyo wax ka badan ba  gaadho magaalada London (sida xaramka barakeysan)j  .iyado aynu ognahey in London xukuumadeedu ka soo horjeeddo S/L  iyo goni isu taageda.Haddi aynu dib u jeeleecno muddada seddexda sanno ee xukuumadda kulmiye jirtey ,Celcelis ahaan dhawr kun oo madaxda sare ah aya u baqooleey magaalada London sida agaasime, badhasaab,agaasime guud,saxaafadda dawladda ,maareeye,xildhibaan.sarkaal ciidan, wasiir ku xigeen,wasiir,madaxweyn ku xigeen iyo madaxweyne iwm.Waxey Somaalidu ku maah maah da ‘’meyd maxa u dambeeyey ,iyo kaa iminka la sii sido’’.Bal waxa dhawaan sii marey London madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Axmed Maxamed silaanyo marku ku socdey Mareykanka halkaas oo si geesinima ah ugu dhiibey mar labaad  xukuumadda Britain mowqifka S/L  oo ah inaaney ka qeyb galeen shirka 7 May ,2013 ka dhacaayey London ee loo qabanaayey  Konfurta Somalia. Haddana madaxweynaha iyo waftigisa, halka ay toos ugu soo noqon lahayeen S/L waxey dib ugu soo noqdeen magaalada London .Isla waqtigaa waxa Hargeysa ku si diyaar garoobeyey wafti balaadhan oo u hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka S/L oo iyaguna u socda magaalada London iyago ku andacoonaya iney kala qeyb galeyaan jaallyadda S/L ee London joogta dabaal degga munaasabadda 18 May.Haddaba haddi waqtigaa iyo kharashkaa inta le’eg ee  malaainta dolaar(millions of dollars) ah ee tamash leynta iyo macno darrida ku baxaya, lagu kharash gareyn laha ictiraaf raadinta dawladaha Africa ama lagu qaban laha biyaha roobka  ee maalin walba dad qaadaya aakhirkana badda galeya iyado magaalooyinka waa weyn ee S/L  ay biya la’ yihin sida caasimadda Hargeysa  .Waxa kale oo lacgtaasi wax ka tari lahyed ka faa’ideysiga kheyraadka badda sida kalluunka oo inta dadka tababar yar la siiyo la amaahiyo qalabka kalluumeysiga sida laashashka,shabakadaha iwm. bil walbana laga jaro wax yar.Taas oo wax ka tari laheyd wax soo saarka dalka iyo shaqa la’aanta baahsan ee ku kaliftey dhalinyaradeeni oo ah madaxda mustaqbalka iyo xoogga dalka  iney TAHRIIBAAN si  xad dhaaf ah oo maanta gaadhey heer lagu tilmaami karo aafo qaran oo u bahan talo qaran oo deg deg ah halka xukuumaddeni ay London tamash leynaso.

Wa bilaahi tawfiiq,

Eng.Bashe C.Gaboobe