London: Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo munaasibad Casho-sharaf ah kula kulmay Jaaliyadda iyo Ururrada bulshada

London, (SLpost)- Waxa galbeedka magaalada London kulan casho sharaf ah loogu sameeyey Gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex Ahmed Cumar Cabdilaahi( Xamarje).  Kulankan ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Urur ka hawlgala Galbeedka London oo lagu magacaabo Caduur Development Trust, waxaana  kulankaa Casho sharafta ah waxa kasoo qayb galay qaar ka mid ah ururada Bulshada, Dhalinyaro iyo Haween.

Soo dhaweyntan waxa isna kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Tv qaranka ee qaarada Yurub Cabdi Daahir Cabdi (Cabdi Bacow) waxa kale oo kasoo qayb galay xubno ka mid ah Xisiga Talada dalka haya ee Kulmiye.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex Mudane Axmed Cumar waxa uu aad ugu amaanay soo dhaweynta aad ka u qiimaha badan ee aad ii sameyseen iyo dhamaan sida quruxda badan ee Dalkan la iigu soo dhaweeyey guud ahaan Waxaanu kula dar- daarmay dadka reer Somaliland ee dalkan degani inay ka faa’ideystaan dalkan kana shaqeeyaan horumarinta dalkooda hooyo ee  ay ka yimaadeen.

Waxa kale oo uu si kooban uga waramay Somaliland wakhtigan aynu ku jirno iyo hawlo badan oo inagu soo fool leh oo ay ka mid tahay doorashooyinka Golaha degaanka oo inagu soo fool leh, waxa uuna rajo weyn ka muujiyey inay guul inoogu dhamaato.

Waxa iyana hadalo aad u qiimo badan ka jeediyey dadkii kasoo qaybgalay  kulankan casho sharafta ahaa oo uga waramay dhibaatada dalkan ka jirta iyo dedaalkan loo bahan yahay in la sameeyo si looga hortago arimaha dhibaatada ku haya shacabka.

Xamse Axmed Salaan

London

hamse100@gmail.com