LONDON: Casho sharaf is kugu jirta soo dhaween iyo sagootin loo sameeyay Aqoonyahan Khaliif Xiinwaal

London (SLpost)- Casho sharaf soo dhaweyn, sagootin iyo xog wareysi ayaa 14kii April, 2013 Bariga magaalada London ee dalka UK loogu sameeyay aqoonyahan Khaliif Xaaji Mahamaed “Khaliif xiinwaal”, ahna siyaasi ka tirsan xisbi xaakinka Kulmiye.

SAMSUNG DIGITAL CAMERASAMSUNG DIGITAL CAMERAMadasha kulankan casho sharafta ah oo ay ka soo qayb galeen xubno aad u tiro badan oo iskugu jira salaadiin, cuqaal, masuuliyiin iyo aqoonyahano tiro badan oo kala dagan daafaha magaalada London.

Casho sharaftan oo warbixino iyo hadallo waano, dardaaran iyo dhiirri-gelin u badan ka soo jeediyeen masuuliinta, madax-dhaqameedka iyo aqoon yahannada madasha ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen; Suldaan Mahamuud Xaaji Xuseen, caaqil Saleebaan Nugaal aqoonyahan Abokor qoorgaab, Mudane Jaamac Abokor, Mudane Mahamed Yuusuf iyo xubno kale oo badan waxaa ugu danbeyntii hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyay madasha mudane Khaliif xiinwaal waxaana ka mid ahaa hadaladiisii; “Mudane Khaliif xiinwaal oo ku dheeraaday hadalka ayaa waxa uu warbixin waafi ah ka siiyay ka soo qeybgalayaashii kulanka xaalada Somaliland laga bilaabo doorashooyinkii dooladaha hoose ilaa iyo waqtigan hadda ah. Mudane khaliif waxa uu tilmaamay in marxalado adag la soo maray, se sida dhaqanka inoo ah mar kasta tanaasul iyo wada tashi loogu arimiyo danta guud ee dadka iyo dalka lagana dheeraado danta gaarka ah.

 

SAMSUNG DIGITAL CAMERAMudane Khaliif waxa uu taabtaabtay dhanka dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, xoolaha, caafimaadka iyo dhamaan dhinacyada bulshada oo uu ku tilmaamay mid xawli ku socota higsanaysana meel sare loona baahan yahay dhamaan qurbajoogu in ay ka qeybqaataan sidoo kalana ay ku soo laabtaan wadankoodii oo maanta baahi weyn u qaba aqoonta iyo xooga ka maqan..

SAMSUNG DIGITAL CAMERAGabagabadii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday aqoonyahanku in dhamaan laga dheeraado tafaraaruqa iyo wax kasta oo keeni kara dib u dhac, sidoo kalana waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta, salaadiinta, cuqaasha, warbaahinta iyo bulshada intooda kalaba in meel uga soo wada jeestaan horumarka iyo aqoonsi raadiska Somaaliland lana taageero siyaasada xukuumada ee ku waajahan arimahaas oo aan u arko buu yidhi waa sida uu hadalka u dhigaye mudanew khaliife  siyaasda ku saleesan aqoon iyo waaya aragnimo dheer…

Gabagabadii waxaa kulankaas ku soo khatimay hadalo waano iyo ducaba iskugu jira Suldaan Mahamuud Xaaji Xusein.

SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERA SAMSUNG DIGITAL CAMERASaeed Hassan Sheekeeye