Liyuu Booliska Itoobiya oo laayay dad shicib ah iyo Xaaladda Burco oo Kacsan

London, (SLpost)- Xaalada magaalada Burco oo kacsan kadib markii sida warku lagu helaayo ay niman Ethiopian Somali ahi ay magaalada Xal-Xalis oo katirsan kilinka 5aad ay  5 nin oo reer Somaliland ah si badheedha ugu dileen badhtamaha magaalada Xal-Xalis oo masaafo fog u jirta Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco,

Wararku waxay intaas ku darayaan in nimanka dhintay inay isku hayb kasoo jeedaan,Waxa kale oo warku intaas ku darayaa in dad arkaayey ay soo sheegeen in maydkii ay qaateen iyo qaar ay dhaawac ku qateen.

Qof aan xidhiidh lasameeyey waxa uu ii sheegay in Magaalada Gashaamo ay maamulku kasoo baxeen si ay wax uga ogaadaan sida ay wax u dhaceen, Waxa kale oo uu ii  xaqiijiyey in dad aad u farabadan ay ka baxeen burco oo laga yaabo taasi inay keento isku dhac.

Nimankan Somali-Ethiopian ahi waxa ay dhibaato weyn ku hayaan cariga Somalidu degto ee Dalka Ethiopia,iyada oo dhacdadan oo kale ay mudo bilo laga joogo ka dhacday Magaalada Gashaamo oo dadkii meeshaa joogay ay iska caabiyeen.

Wixii warar kasoo kordha lasocda Insha Allah.

Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com