Lix Askari Oo Lagu Eedeeyay Dilka Wiil Madaw Ah Oo Maxkamadda Lasoo Taagay Dalka Mareykanka

Baltimore, (SLpost)- Lix ka mid ah booliska gobolka Marry Land ee Mareykanka ayaa maxkamad la taagay ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen wiil madaw ah oo lagu magacaabi jirya Freddie Gray oo xabsiga ku dhintay.Police

Dadka reer St Paul ayaa dariiqyada isugu soo baxay, iyagoo muujinaya calaamadaha guusha, qareenka u dooddaya lixdan booliska ah ayaa sheegay inaanay wax qalad ah samaynin nimankaas, laakiin dacwad soo oogaha gobolka Marry Land ayaa sheegtay in dhimashadii ninka kazoo jeeday dadka madawga ah ee 25 sanno jirka ahaa ay ahayd dil, xadhigiisuna uu ahaa sharci-darro.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay inay xaqiiqadu kazoo baxdo  daba-galkii lagu sameeyay dhimashadii ninkii madaw ahaa ee Freddie Gray ee ku dhintay, isagoo ku jira gacanta Booliska Baltimore.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in maamulkiisu uu taageerayo dedaalka lagu soo saarayo xaqiiqda ka dambaysa kiiskaasi.

Dhimashada Freddie Gray ayaa waxa ka dhashay mudahraado iyo rabshado kuwaasoo sababay in magaalada Baltimore lagu soo rogo bandoo.

Somaliandpost.net