Lionel Messi oo Markii 3aad ku guuleystay Xiddigga Adduunka Iyo Guardiola Oo Qaatay Macalinka Sannadka.

[stextbox id=”info”]SLpost Sports[/stextbox] – Lionel Messi ayaa markii 3aad oo isku xigta ku guuleystay Laacibka Sannadka Adduunka Fifa Ballon d’Or 2011, isagoo ka qaaday Cristiano Ronaldo iyo Xavi Hernandez.

Lionel Messi ayaa helay 47.88% codad, halka Cristaino Ronaldo oo ku soo xigay uu helay 21.6%, Xavi ayaa isna helay 9.23%. codadka oo kaalinta seddexaad galay

Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee tariikhda markii 3aad oo isku xiga qaatay abaalmarinta Ballob’ d’Or waxaa sidaasi hada ka hor sameeyay Michel Platini.

Messi ayaa kooxdiisa ka caawiyay sannadkii hore inay shan koob hanato oo uu ku jiro UEFA Champions League iyo La Liga.

Macalinka sannadka adduunka ayaa isna waxaa ku guuleystay tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola oo ka qaaday Sir Alex Ferguson iyo Jose Mourinho.

Guardiola ayaa isna ku helay guulihii waa weynaa ee uu kooxda reer Catalan gaadhsiiyay sannadkii hore.

Laacibka dalka Brazil Neymar ayaa ku guuleystay goolka sannadka ee 2011, ka dib markii loo codeeeyay goolkii uu ka dhaliyay kooxda Flamengo ee dalka Brazil.

Kooxda Sannadka Adduunka ama Line-upka Adduunka ayaa isna sidoo kale lagu dhawaaqay waxaana kala qeybsaday Barcelona, Real Madrid iyo Manchester United.

-Iker Casillas (Spain, Real Madrid)
-Dani Alves (Brazil, Barcelona)
-Gerard Piqué (Spain, Barcelona)
-Sergio Ramos (Spain, Real Madrid)
-Nemanja Vidic (Serbia, Manchester United)
-Andres Iniesta (Spain, Barcelona)
-Xabi Alonso (Spain, Real Madrid)
-Xavi (Spain, Barcelona)
-Lionel Messi (Argentina, Barcelona)
-Cristiano Ronaldo (Portugal, Real Madrid)
-Wayne Rooney (England, Manchester United)

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net