Lionel Messi oo iska fogeeyey inuu tartan kula jiro Cristiano Ronaldo

Lionel Messi

SLpost Sports – Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa sheegay inaysan jirin wax tartan ah oo uu kula jiro weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Tartanka u dhexeeya Messi iyo Ronaldo ayaa cusbo ku sii daray tartanka adag ee u dhexeeya kooxaha Barca iyo Real Madrid tan iyo markii uu ciyaaryahanka reer Portuqal uu ka soo guuray magaalada Manchester una soo wareegay Santiago Bernabeu sannadkii 2009.Messi ayaan rumeysneyn in shaqsi ahaan uu tartan kula jiro Cristiano Ronaldo, waxana uu sheegay in uu awoodiisa isugu geeyo sidii ay kooxdiisa ugu guuleysanlahayd koobab.“Wax dagaal ah kulama jiro  Cristiano Ronaldo,” ayuu yidhi Messi oo ka hadlayay  shir jaraa’id. “Waxa kaliya ee aan doonayo waa  sidii aan uga  caawin lahaa kooxdeyda sidii ay guulo ku gaadhi lahayd.

Lionel Messi

“Waligey ma daawan Cristiano oo ciyaaraya si aan isbarbardhig ugu sameeyo kuweyga ama aan sameeyo wax ka wanaagsan sida uu  u ciyaaro.”ayuu sii raaciyey Messi.

Weeraryahankan kooxda Barca ayaa intaa ku sii daray in uusan wax walwal ah ka qabin in uu jabiyo rikoodhka u yiil kooxdiisa ee ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kaasoo hore u haystey Cesar Rodriguez oo u dhaliyey kooxda Barca  235gool“Waxaan doonayaa in aan ku guuleysto koobab,sababtoo ah taasi waa mid taariikhda noo galaysa “Goolal badan oo aan dhaliyo uma dhaliyo in aan rikoor jebiyo balse in aan kooxda ka caawiyo guusha.”

Isagoo wax laga weydiiyey Messi ciyaarta ay Arbacada kooxdiisu la yeelanayso kooxda Viktoria Plzen ee dalka Czech ayaa waxa uu Messi sheegay inaysan yareysanayn kulankaas inkastoo Barcelona aad loo filayo inay ciyaartaa ku guuleysato“Tartanka horyaalka  Champions League, ma jiro koox la dhayalsan karo oo sahlan meel kasta kooxdu ha ka timaadee. “Ciyaar fiican ayay la dheeleen kooxda AC Milan inkastoo loogaga badiyey  2-0,iyagoo weliba sameeyey fursado”. ayuu hadalkiisa ku koobay Messi .

Somalilandpost.net

Yaasin_29@rocketmail.com