Lionel Messi iyo Jose Mourinho oo kala Hoggaaminaya Ciyaartoyga iyo tabobarayaasha ugu mushaharka badan Caalamka

SLPOST SPORTS, 20 March, 2012 – Xiddigga Kooxda Barcelon iyo Qaranka Argentina, Lionel Messi, ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan caalamka halka macalinka kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, uu ka noqday tabobraha ugu mushaharka badan.

Xiddiggan saddexda jeer ku guulaystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan caalamka, waxa uu sannadkii Jeebadda ku shubtaa lacag dhan £27.4 Milyan oo Gini oo ka soo gasha Gunnooyinkiisa, Abaal-marinnada, Xayaysiisyada iyo billadaha.

Xiddigga reer Barcelona mushahar-sannadeedkiisa uu Barcelona ka qaato oo dhan £13 Milyan waxa ka badan lacagaha uu ka helo xayaysiisyada shirkadaha uu heshiisyada kula jiro  Adidas and Pepsi.

Qiimeyntan oo ay soo saartay Majaladda dalka Faransiiska ka soo baxday ee France Football Magazine, Messi waxa uu ka kormaray Kabtankii hore ee Xulka Ingiriiska David Beckham oo kaalintan ku jiray.

Beckham oo hadda 36 jir ah wax uu ku jiraa kaalinta labaad isaga oo sannadkii qaataa £26 milyan isaga oo weli meel wanaagsa ku jira, in kasta oo uu hadda u ciyaaro kooxda Maraykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Xiddigga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa weli ku jira kaalinta saddexaad isaga oo sannadkii qaata £24 milyan walow uu wali hoggaaminayo gool-dhalinta horyaalka La Liga-ha oo uu ka dhaliyey 32 gool 26ka kulan ee ilaa hadda la ciyaaray xilli-ciyaareedkan.

Weeraryahanka kooxda Manchester United, Wayne Rooney ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan Horyaalka Ingiriiska isaga oo sannadkii qaata £17 milyan. Xiddigan kooxda Manchester United waxa uu sannadkii qaataa £8m, isaga oo inta kalena ka hela xayaysiisyada shirkadaha sida Coca-Cola oo kale.

Macalin Jose Mourinho ayaa noqday tabobaraha ugu mushaharka badan isaga oo qaata £12.3 milyan halka kaalinta labaad uu ka jiro Carlo Ancelotti oo ah macalinka dhawaan la wareegay kooxda Paris St Germain (PSG) ee dalka Faransiiska isaga oo qaata £11 milyan, waxaana kaalinta saddexaad ku jira tabobaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola oo sannadkii mushahar ahaan u qaata £7.88 milyan.

Liiska Ciyaartoyga ugu Mushaharka badan Caalamka

£27.5m  –  Lionel Messi (Barcelona)

£26.2m  –  David Beckham (LA Galaxy)

£24.3m  – Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

£19.4m  – Samuel Eto’o (Anzhi)

£17.2m  – Wayne Rooney (Man United)

£15.7m  –   Sergio Aguero (Man City)

£14.7m  –  Yaya Toure (Man City)

£13.9m  –  Fernando Torres (Chelsea)

£12.9m  –  Kaka (Real Madrid)

£11.9m  –  Philipp Lahm (Bayern Munich)

Liiska Tabobareyaasha ugu Mushaharka Badan Caalamka

Jose Mourinho, Real Madrid | £12.3m

Carlo Ancelotti, Paris St Germain | £11m

Pep Guardiola, Barcelona | £7.88m

Arsene Wenger, Arsenal | £7.5m

Guus Hiddink, Anzhi | £7.1m

Sir Alex Ferguson, Manchester United | £6.7m

Dick Advocaat, Russia | £5.8m

Jose Camacho, China | £5.1m

Roberto Mancini, Man City | £5m

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net