Liiska Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Wejiyada ku Cusub Saaxadda Siyaasadda iyo Hay’adaha la soo kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo shalay la wareegay loona dhaariyey xilka madaxweynaha, ayaa goor-dhawayd ku dhawaaqay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira Wasiirro iyo Wasiir-ku-xigeenno.

muuse biixiGolaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku jiraan dhowr wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa intooda badani yihiin shakhsiyaad ku cusub saaxadda siyaasadda dalka oo aan hore xilal noocan oo kale ah u soo qaban. Waxa kale oo Golaha wasiirrada ku jira shakhsiyaad hore uga tirsanaan jiray xukuumadihii hore.

Sidoo kale Mudane Muuse Biixi waxa uu xukuumaddiisa ku soo kordhiyey Wasaarado aan hore uga jirin dalka, halka qaarkoodna uu meesha saaray kuna biiriyey wasaarado kale. Waaxyo kale oo ka tirsanaan jiray Wasaarado kale ayuu sidoo kale ku daray wasaaradaha xukuumaddiisa ka kooban tahay.

Shakhsiyaadka ku jiray Xukuumaddii SIILAANYO ee la soo celiyey

  1. Sacad Cali Shire (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda) oo loo daayey Booskiisa
  2. Shukhri Xaaji Ismaaciil Baandare (Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga) oo loo daayey wasaaradeedii.
  3. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha) oo loo magacaabay Wasiirka Waxabarashada
  4. Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed Rooble (Wasiirkii Diinta Aw-Qaafta) oo Booskiisa loo daayey.
  5. Maxamed Muuse Diiriye (Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Gudaha) oo booskiisa loo daayey.
  6. Yuusuf Mire Maxamed Nuur Boos (Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex) oo loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
  7. Maxamed Muuse Abees (Wasiirul-dowlihii hore ee Madaxtooyada) oo laga dhigay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.
  8. Cabdilaahi Abokor Cismaan (Wasiir ku-xigeen soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha/Amniga Xukuumadda Siilaanyo) immikana loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marka laga reebo 8aas xubnood, xubnaha kale ee la magacaabay ayaa dhammaantood ku cusub saaxadda siyaasadda xilalka xukuumadihii dalka soo maray, marka laga reebo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo hore u soo maray Wasaaradda Gaashaan-dhigga xukuumaddii Allah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

HALKAN KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRRADA OO DHAMMAYSTIRAN

page 1 001

page 2 001

page 3 001