LAYTAL KHADAR – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Erayga khadar marka qof Soomaaliyi maqlo waxa maankiisa ku soo dhacaya khayr iyo badhaadhe iyo barwaaqo. Sidaa darteed, marka ay dhalato carruur sida badhaadhaha iyo barwaaqada loo filayay waxa loo bixiyaa Khadar ama Khadra. Erayguna wuxuu asal ku leeyahay diinteena Islaamka; iyada oo culamada tafsiirka qaarkood yidhaadaan adoonkii wanaagsanaan ee uu Nebi Muuse (NNKHA) raacay, sida ku xusan Suurtul Kahf, waxa magaciisu ahaa Nebi Khadar.

Waxa kale oo diinteenna iyo dhaqankeenna suuban ee Islaamka ka mid ah cibaadada bisha Ramadaan. Bishaasi waa bil weyn oo shanta tiir ee Islaamka ka mida ah; waxana ku jira sodanka casho ama sagaal iyo labaatanka casho ee bisha, habeen weyn. Habeenkaana Ilaahay (SWT) waxa uu u bixiyay Laylatul Qadar. Sida Quraanku sheegayna, cibaadada habeenkaa la cibaadaystaa waxay ka khayr badantahay kun bilood cibaadadood. Dadka Muslimiinta ahina in ay khayrkaa if iyo aakhiroba helaan ayay habeenkaa u dadaalaan.

Hase yeeshee dhaqanka Islaamka ee Soomaalida qaarkood, khayrka badan ee cibaadada khayr aan ahayn, oo la filayo in uu qofku habeenkaa weyn ka helo aduunka, ayay xilliyo aynu dhaafnay dadka qaarkood dhexgeliyeen. Dadka filashadaa habeenka weyn dhexgeliyayna waa dad badhaadhe aduun doonaya. Dadkaasi waxay ay yidhaadeen waxa jira wax Laytal Khadar la yidhaado oo habeenkaa soo baxa oo la helo. Laytal Khadarna habaanka waxa uu iska dhigaa wadaad miskiin ah oo maryo duug ah sita  Inkasta oo aanay sheekadu asal lahayn, hadana dadka qaar ayaa rumaystay, siiba xillyadii Suufiyaddu xoog ahayd.Waa tan sheeko la xidhiidha Laytal Khadar oo xilliyadda dhacday.

“Nin ayaa aad u soo jeeday habeenkii Laylatul Qadar. Waxa uu ku soo jeeday makhaayad xadiis laga akhriyay, qasaa’idkii nuurqanigana laga qaadayay. Meelahaas oo xilliyadii hore taraawiixda dabadeed lagu soo jeedi jiray, iyada oo marna kutub la akhriyo marna qasaa’id, durbaan iyo sacab wata, la qaado. Habeenkana la noolaynayo; Laytal Khadarkiina la sugayo.

Markay saqdii dhexe dhaaftay, ayaa ninkii gurigiisii u kacay, isaga oo filaya in uu caawaa helo Laytal Khadar. Meel banaana ah haddii uu marayo, ayuu wuxu ku soo baxay nin wadaad u eg oo maryo duug ahna xidhan. Wuxu naftiisii ku yidhi, “Waar, caawo waadigan Laytal Khadar helay. Wax badan ayaad raadinaysye, haddaba caawo yaanu ku dhaafin.” Markuu ninkii la gudboonaa, ayaa la booday oo tuurta u ritay. “ Waar, maxaa dhacay!?”ayuu isaga oo naxsan yidhi, “Maxaad iila booday; xageedse igu wadaa!?” “Waa ayaankayga!” ayuuu celiyay, “ In badan baan raadiyay ma cawaan helay Laytal Khadar!” “Waar, ma ihi Laytal Khadar i dhig.” Ayuu ninkii la qafaashay ku yidhi. Inta uu suulkii taabtay ayuu ku yidhi, “Suulkii jilicsanaana waa leeyahay. Wallee, waanan ku dhigin. Caawaaba aan bashbash iyo barwaaqo helaye sideen kuu dhigaa.”

Laytal Khadar-doon ninkii miskiinka ahaa qafaalaye, tallow, ma garbahaa daali, mise badhaadhe iyo barwaaquu ka deefi!!!?