Latest Opinion Poll: Doorashooyinka Degaanka Somaliland Iyo Sida Loo Soo Kala Baxayo

Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil

Ayaamahanba waxaynu arkayney xamaasadii ugu weyneyd ee wadanka Somaliland ka dhacda tan iyo xiligii xornimada aay ka qaateen dawlada ingiriiska.  Hadaba waxaan ogsoonahay in dadka badidiisu wax u dooranayaan macne qabiil iyo degaan ahaan, waxaana badiyaana xisbiga lagu doortaa waa yaa hogaanka u haya.  Inkastoo aan la odhan Karin xisbiyada oo dhami waxay ku salaysan yihiin qabaail.  Masalan, xisbiyada Kulmiye, Wadani, Xaqsoor iyo Rays waxay badiyaaba ka socdaan cross section of the community, inkastoo hadana iyaga qudhoodu ku kala badan yihiin cida qabiilnimo iyo degaan ku dooranaysa.

Hadaba anigu markaan indha indheeyey gobalada Somaliland iyo xisbiyadu awooda aay ku leeyihiin gobol kasta, waxay u badan tahay inay ururadu sidan ama sidan u soo kala baxayaan:

Sidan:     ama       Sidan:

Kulmiye                   Wadani

Wadani                    Kulmiye

Xaqsoor                  Rays

Horta sideedaba maaha khasab inaay ururada iyo xisbiyada waaweyn ee sida Kulmiye, Wadani aay soo baxaan.    Mida kale ururadu yaay moodin in dhalanteedkii ololayntu u keenayso codayn , waayo sideedaba dadku laba xisbi ayay badidoodu taagersanyihiin, amaba sidoodaba waay u soo daawasho takaan cida tartamaysa maalin kasta.

Waxa kaloo jira in sideedaba dadka foodaya wadanka oo dhan aanay ka badnayn million iyo half marka loo eego wadanka inta ka foodi karta 3million population.   codayntuna uma kala qaybsami karto waxaas oo xisbi ah.  Hadaba aniga waxay ila tahay inay dadku caadifada iska daayaan, oo maskaxdooda isticmaalaan.  Waayo waxa laga yaabaa in xisbigaaguna  aanu soo bixin, xisbigaaga labaad ee aad dooran lahaydna aanu soo bixin, oo markaad aad ku hungoowdid dhinac walba.

Ka soo qaad caasimada Hargeisa iyo Burco dadka ku nool, caasimadana waxaa ku nool one Million, magaalada Burcana waxaa ku nool half a million.  Hadaba markaad u qaybiso 7 todoba xisbi, caasimada Hargeisa waa maxay percentage aay kala helayaan xisbiyadoo dhami?  Markaa halkaa waxaad ka garanaysaa inay hadhayaan Ummada, Dalson iyo Ucid, oo dad tira yari aay taageeraan.

Waxaa dhacaysa koleyba in dadku doortaan xisbiyada dadku aay u siman yihiin, ee taageerayaasha balaadhan ka haysta wadanka intiisa badan, sida Wadani Iyo Kulmiye, inkastoo Xaqsoor iyo Rays aanay iyaguna dab yar shidayn.  Markaa waxaan dhici karta in dadka taageera ururada aan laga yaabin inay soo baxaan sida Ummada , Ucid iyo Dalsan aay codkooda siiyaan Wadani iyo Kulmiye.  Sidoo kale kuwa aan happy ku ahayn Kulmiye iyo Wadani toona, waxay koley ugu ridayaan Xaqsoor iyo Rays oo aad ugu dhowdahay inay soo baxaan.  Koleyba 48 hours soo socda ayaa dadka badan ee aan weli madaxa meel ku haya laakiin aan cagaha la gelin, aay uga fekeri doonaan xisbiyada aay is leeyihin waay soo baxayaan.  Madaama aay khasaare u arkayaan urur aanay suurta gal ahayn inay soo baxayaan inay codkooda siiyaan.

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, koleyba afartan xisbi ama urur ee aan soo sheegay ayaa sadex ka mid ahi soo baxayaan, markaa adigoo caqli fayoob la imanaya, oo aanay caadifad iyo cadho ku qaadin, ka feker maalmahan ugu danbeeya cida aad doonaysid inay ka soo baxaan afartan urur ama xisbi  ee ka haysta taageerayaasha fara badan degaanada oo dhan.   Sidaa daraadeed waxaa laysku wada raacay inay afartan urur ee ugu cad cad, oo taageero farabadana ka haysta wadankoo dhan, aay sadex ka mid ahi soo bixi doonaan insha’allah.

Wadani        21%

Kulmiye       19%

Xaqsoor       16%

Rays             14%

Ummada     12%

Dalsan         10%

Ucid             8%

Ali Abdi Dhinbiil

Political Analyst

London

Ali.dh@hotmail.co.uk