Hal-doorka Beelweynta Dhulbahante oo Go’aan ka soo saaray Qurbe-joogga Colaadda ka hurinaya Deegaamadooda

Laascanood (SLpost)- Qaar ka mida beelaha Dhulbahante ayaa Wadatashiyo gooni-gooni ah oo ay ku yeesheen ku gaadhey inay iska fogeeyaan shakhsiyaadka dalka debeddiisa ka soo hurinaya Colaad Deegaankooda Saamaysa isla markaana iskaga bixi doonaan, kalsoonidana kala noqon doonaan maamul-ku-sheegga Khaatumo.

Beelahan oo u badan mudanta iyo labeenta Beelweynta Dhulbahante isla markaana wax-garadkoodu kulamada kala duwan ku qabsaday magaalooyinka Laascaanood iyo Taleex, ayaa ku doodaya inay muuqato is-haysasho u dhexaysa Beesha Dhulbahante, taas awgeedna aanay taageri karin barnaamij aan maangal ahayn oo xamaasadaysan iyadoo layska indha tirayo waaqiciga jira.

Xogo ka ag-dhow shiraraka gooni-goonida ah ee ay Beeluhu yeesheen ayaa sheegaya in qaarkood ku dooday in haddii ay sii taageeraan kala qaybsanaan Dhulbahante ay qayb ka noqonayaan xoojinta iyo ballaadhinta kala fogeynta.

Mid ka mida waxagaradka Beelaha shiray oo ka hadlay goobta lagu tashaday ayaa tolkii u sheegay: “toloow anigu ma doonayo arrintii ahayd meeshaad nin ka qaadato ninbaad kaga tagtaa, waxa keliya oo ii cuntamayaa waa wax loo dhanyahay, dhaqaale badan baa iga baxay, hadii aan wax loo dhan yahay lanayn aan sugno oo aan raadino sidii loo heli lahaa”.

Maamulka Khaatumo oo ay samayntiisa soo abaabuleen shakhsiyaad qurbe-joog ah isla markaana danaynaya inay colaad ka sii huriyaan gudaha Somaliland, ayaa lagu dhawaaqay afar bilood ka hor, waxaana arrintan si weyn uga qayblisay Somaliland oo dhulka Maamulka lagaga dhawaaqay dalkeeda yahay.

SLpost News/Desk