Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo UDUB oo maanta si wada-jir ah u soo saaray War-murtiyeed

Hargeysa, (SLpost)- Labada xisbi-mucaarid ee Soomaliland, UDUB iyo UCID ayaa kulan ay maanta yeeshee si wada jir ah uga soo saaray go’aamo ay ku midansan yihiin oo ay tilmaameen inay caqabad ku noqon karaan doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhacaya.

Warsaxaafadeed ay ku wada saxeexan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u dhignaa sidan:

“Shir aanu isugu nimi  labada Xisbi Qaran ee UCID iyo UDUB, kaas oo aanu ku falanqaynay doorashooyinka inagu soo fool-ka leh iyo Diiwaan-gelintii la khasaariyey oo  loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka soo socda, Waxaanu isla isla qaadanay arrimahan soo socda:

  1. Waxay labada Xisbi Qaran caddeynayaan in diiwaangelinta hadda taalaa oo aynu ku soo galnay doorashadii Madaxtooyada ee u dambeysay ay ahayd diiwaan-gelin caddaalada ka fog oo si weyn loo musuqay, balse aanu u aqbalnay murankii ka dhashay doorashooyinkii muddo dhaafay, oo ay sababta ugu wayn lahayd Diiwaangelintu, iyo annagoo u tanaasulay maslaxadda dadka iyo dalka Somaliland. Iyadoo ay shacab badan oo reer Somaliland ahina ay si wayn u filayeen Is-beddel maamul oo dhacaa inuu nololshooda wax weyn ka baddeli doono.
  2. Waxay labada Xisbi Qaran Shacabka reer Somaliland Xusuusinayaan in ay jiraan goobo badan oo Bariga Somaliland ah oo aan laga qaban wax Diiwaan-gelin ah, qaarkoodna laba casho oo kaliya laga qabtay, Waxa kale oo dhacday in dad boqolaal kun gaadhaya aan laga hayn wax Suul ah iyo in aanu helnay dad badan oo si xad dhaaf ah ugu  noqnoqday oo qaarkood afartooda magac uga yaraan shan jeer isku mid yihiin, waxa kaadhadka qaarkood lagu sameeyey sawiro dad dalka dibada kaga maqani soo dirteen. Waxa kaloo Kaadhkii codbixiyeyaasha qaatay dad badan oo aan u dhalan Somaliland.
  3. Waxa ashkaas gaar ah ku urursan kaadhad codbixiye oo boqolaal kun gaadhaya kuwaas oo  laga iibsaday dhalinyaradii qaadatay.
  4. Waxa Hay’addii Diiwaangelinta gacanta ku haysay ee Interpeace caddaysay in liiska data-da ay gunaanadkii soo saareen uu qabyo ahaa, waxa kale oo si cad warbixin 7 Page ah ka soo saartay Hay’addii Eris ee loo xilsaaray inay dib u kala hufto Data-dan, warbixintaas oo ay ku caddeeyeen in qalabka Diiwaangelinta loo isticmaalay uu aad u liitay,  in ay dhacday ku celcelin ka badan 30% , gunaanadkiina ay ku sheegeen inaan dib loo isticmaali karin Data-da Diiwaan-gelinta (war-bixintaa oo aanu halkan ku soo lifaaqi doono). Waxa Iyaguna ku raacay oo war bixin taa la mid ah ka bixiyey khubaradii Maraykanka ahaa ee ka tirsanaa Hay’adda madaxa bannaan ee  Creative associate  oo iyaguna si madax bannaan loogu diray inay u baadhan qaab loo sixi karo Data-daa.
  5. Wakhtiga Diiwaan-gelintan la qabtay waxa ka soo wareegay muddo ku dhaw afar Sannadood, taasoo sharciyanna ay tahay in muddada diiwaangelinta iyo codbixinta u dhaxaysaa aanay ka badan lix bilood.
  6. Waxa Muddadii Diiwaan-gelinta ka dambeysay Qaan-gaadhay oo xaqii codaynta luminaya ilaa Afar da’ood oo muwaadiniin ah.
  7. Waxa labada Xisbi Qaran aaminsanyihiin in Diiwaan-gelintaa dhimatay oo doorasho lagu galaa nabadgelyada iyo xasiloonida wax weyn u dhimi karto, taasoo maanta la filayo oo gogosha loo dhigay inay Ururo cusubina Siyaasadda ku soo biiraan, kuwaasoo u baahan inay helaan doorasho si Xaq iyo Xalaal ah loogu kala calaf qaado, Urur iyo Xisbi walbana laga rabo inuu keensado 370 Musharax oo uga qayb-gala Doorashada G/Degaanka. Arrintan oo aad uga duwan tii Madaxtooyada oo 6 qof oo keliya ama 3 Xisbi  ku tartamayeen taasoo sida la isugu tanaasulaana ay ka fududayd sidii doorashadeenii u dambaysayba dhacday.
  8. Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo UDUB  waxay aaminsan-yihiin in doorashada G/Degaanka oo wakhtiga loo asteeyey ka dib dhicin lagu qaban karo Diiwaan-gelin xalaal ah Muddo aan ka badneyn Lix bilood iyadoo loo marayo Dawladaha Hoose iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, qof walbana si fudud loo sugi karo muwaadinimadiisa, sidaasna ku heli karo kaadhka Jinsiyadda taasoo aasaas u ah Xaqiijinta iyo xaqa muwaadinka codeynaya. Arrintaso Data-deenana xafidi karta
  9. Arrimahaas kor ku faahfaahsan darteed waxay labada Xisbi Qaran go’aan-sadeen inaanay marnaba doorasho ku geli doonin Diiwaan-gelin aan sax ahayn oo qof waliba sida  xaqa ah  wax hal kaadh ka badan aanu ku codayn karin (One Man One Vote).
  10. Waxa kale oo Labada Xisbi Qaran caddeynayaan, cid walbana u muuqata in Xukuumaddani Muddadii ay xilka haysay ay meesha ka saartay wada tashigii Asxaabta Qaranka, wufuudii imanaysayna iska hortaagtay inay Xisbiyadu la kulmaan, taasoo mugdi weyn gelisay siyaasadii dalka iyo dadaalkii Ictriraaf raadinta oo meel la iska dhigay.

Waxay Labadan Xisbi Qaran  uga digayaan Xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka iyo deeq-bixiyayaasha Caalamka ee danaynaya Dimoqraadiyada ka hirgeyshay Somaliland in aan Diiwaan-gelintaa hore ee la  xaqiijiyey inay khasaartay aan marnaba lagu geli karin doorasho, taasoo wax weyn u dhimi karta nabadgelyada iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kaloo soo jeedinaynaa in talo qaran laga yeesho sidii loo heli lahaa doorasho xaq iyo xalaal inoogu qabsoonta waqtigeedana ka dib dhicin annagoo wax walba ka horreysiinayna danta iyo masiirka ummadda.

Allaa Mahad Leh

 Faysal Ali Hussein                                     Ahmed Yusuf Yassin

Guddoomiyaha Xisbiga UCID            K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB