Laba Nin Oo Magaalada Boston Loogu Xidhay Inay Maleegayeen Dil

Boston, (SLpost)- Masuuliyiinta Amniga ee dalkan Mareykanka ayaa laba qof ku eedeeyay inay maleegayeen qorshe ay ku caawinayaan in Mintidiinta Ururka Daacish, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay damacsanaayee inay dilaan muwaadiniin Mareykanka u dhashay, iyagoo xusay saraakiisha ammaanku inay qorsheynayeen inay dilaan qaar ka mid madaxda booliska magaalada Boston.ISIS

War ka soo baxay wasaaradda cadaalada ee Mareykanka ayaa labadan nin magacyadooda ku sheegay , David Wright, oo 25 sano jir ah oo ka soo jeeda magaalada Everett, gobolka Massachusetts,  iyo Nicholas Rovinski, oo 24 sano jir ah oo ka soo jeeda Warwick, Jasiiradda Rhode Island.

Rovinski ayaa la hor geeyay Maxkamad Federal ah oo ku taala magaalada Boston Jimcihii shalay, halka Wright la soo xidhay todobaadkii la soo dhaafay.

labadan nin ayaa loo haystaa in iyaga iyo rag kale ay ka wada shaqaynayeen shirqool ka dhan ah mudaawiniin Mareykanka u dhashay.

Usaamah Abdullah Rahim, oo 26 sano jir ahaa oo adeer u ah mid ka mid ah labadan wiil ayaa 2-dii bishan ay boolisku toogasho ku dileen Boston, ka dib markii uu middi ku weeraray askari boolis ah.

Somalilandpost.net