Laba-kaclaynta Khilaafka KULMIYE, dib-u-dhigista Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas iyo Dedaalladii dejinta Xaraaradda Muuse

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu ka kacay kulan ay wada-yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ka dib markii la sheegay inay weedho adag is-dhaafsadeen Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo isaga iyo xubno kale ka wada-qaybgaleen kulankaas oo Madaxtooyada shalay ka dhacay.

IMG_0069Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo khilaafkaas iyo is-maandhaafkaas lagu shaaciyey, haddana warar Himilo helay ayaa tibaaxay in Madaxweynuhu si gaar ah ugu yeedhay Muuse Biixi shalay ahaan, hase-ahaatee, la sheegay Muuse Biixi oo ay wada socdaan Safiirka Somaliland Kenya u fadhiya Maxamed Maxamuud Sifir uu u galay Madaxweynaha, markaas ka dibna ay ka daba-galeen Guddoomiye Ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, oo la sheegay inay goobta ku sugnaayeen.

Markay u galeen ka dib, waxa la guda-galay sheeko guud sida la sheegay, taasoo warku tibaaxay in looga sii gudbay in laga wada-hadlo arrimaha Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan laba qodob oo ahaa ama ku saabsanaa qabashada iyo dib-u-dhigista Shirka Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas oo hore loogu muddeeyey 24, June 2014 oo shalay Salaasadii shalay ku beegnayd, waxaanu Guddoomiye Muuse Biixi ku doodayey in dib loo dhigo qabashada Shirka Golaha dhexe ee KULILMIYE, halka la sheegay in Waabeeye iyo xubno kale-na ku doodayeen in shirka la qabto inta ka horreysa Bisha Barakaysan ee Ramadaan, weedho isku lid ah oo labadaa qodob ku saabsan ayaa sababay in shirkaa lagu kala kaco, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka ag-dhawaa Shirkaas.

Warku wuxu intaas ku daray in Muuse Biixi uu Waabeeye ku yidhi; “Aniga iyo Madaxweynaha ayaa wadahadlayna ee naga yara baxa.” Markaas ka dibna uu Xildhibaan Waabeeye ugu jawaabay; “Sawka Safiir Sifir-ba fadhiya, dabadeedna ay hadalka isku-cel-celiyeen, ka dibna uu Waabeeye Muuse ku yidhi; “Hadday cidi baxaysa adigaa fudud, Shirkana waa la qabanayaa.” Hadalkaas, ayaa la sheegay inuu Muuse Biixi aad uga cadhooday, isla markaana uu Muuse oo cadhaysani yidhi; “Axmedoow (Madaxweyne Siilaanyo) maadigaa waxan ugu sheekeeyey?” intaa marku yidhina wuu kacay sida ay ila-wareedyadu u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo oo wuu ka baxay kulankii Madaweynaha iyo Xubnaha kale ay wada-lahaayeen.

Inkasta oo aannu isku daynay inaannu Guddoomiye Muuse, Ku-xigeen Waabeeye, Xoghaye Xasan Siciid iyo xubno kale oo Hoggaanka sare ee KULMIYE ka tirsan warkan wax ka weydiinno, haddana noomay suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno, ka dib markii ay naga qaban-waayeen Taleefannadooda Gacanta oo aannu marar badan oo xalay ah kala xidhiidhnay, qaarkoodna ay demsanaayeen Taleefannadoodu-ba.

Hase-ahaatee, waxay wararku intaas ku dareen in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) arrintaas sidii dhulka loo dhigi lahaa, Muuse Biixi oo inuu fadhiisto ka diidayna loo dejin lahaa ku dedaalay, isla markaana uu Taleefan kula xidhidhay Siyaasiyiin iyo Ganacsato kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal ugu maqan dalalka Itoobiya iyo Kenya, iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo la sheegay inuu markaa ka sii dhoofayey Hargeysa oo uu u socday dhinaca dalka Jabuuti oo fadhigiisu yahay, kuwaasoo la sheegay inay labadooduba khadka taleefanka kula xidhiidheen Muuse si ay cadhadiisa u dejiyaan, kuwaasoo la sheegay inaan hadalna aanu ka xumaan, waxay is-ku-afgarteenna aan war rasmi ah laga heynin.

Geesta kale, War-Saxaafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo uu shalay galab soo saaray, ayuu ku sheegay in kulan Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo isugu yeedhay Xubnaha Hoggaanka KULMIYE uu Madaxweynuhu ku codsaday in bisha Ramadaan ka dib laga dhigo Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, isla markaana badi xubnaha hoggaanku ay aqbaleen.

War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo soo gaadhay-na waxa uu u qornaa sidan:  “UJeeddo: Wargelin:- Shir  uu isugu yeedhay maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 24/06/2014 Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Golaha Hoggaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee muddadiisu ku ekayd maanta (shalay) oo ah (ahayd) 24/06/2014 dib loo dhigay muddada lagu jiro Bisha Ramadaan.

Sidaas darteed, Xubnaha Hoggaanka ka joogay intooda badan (majority), waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaas isaga ah. Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo  illaa inta lagu gudo-jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014.”

Nuxurka War-Saxaafadeedkan, ayaa u muuqda mid la waafajiyey dib-u-dhigistii Guddoomiye Muuse Biixi la sheegay inuu danaynayey, balse weli waxa muuqda in aan la cidhib-tirin khilaafka Xisbigaas u qaybiyey labada Garab, inkasta oo labadaas Garab oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Biixi kala hoggaaminayeen Guddi Golaha Guurtidu u saaray go’aanno ka soo saareen oo ay labada dhinacba aqbaleen, ka dibna xubno Ganacsato ah oo ka soo jeeda Beesha Muuse ay isu geeyeen Muuse iyo Siilaanyo, isla markaana Muuse caddeeyey inuu Musharraxnimada jagada Madaxweynaha KULMIYE ee uu shaaciyey bishii hore inuu u tartamayaa ay khilaafka sal u ahayd, sidaas awgeedna uu Musharraxnimadiisa Madaxweynaha uga tanaasulay, Musharraxa qudha ee KULMIYE-na yahay Md. Axmed-Siilaanyo oo ugu tartami doona doorashada Madaxtinnimada ee soo socota.

Hase-yeeshee, tallaabadan shalay la sheegay inuu Muuse Biixi kaga kacay fadhiga ay Madaxweynaha wada lahaayeen, inkasta oo hadalka uu ka cadhooday sida la sheegay aanu Madaxweynuhu odhan, haddana waxay tani muujinaysaa inaan weli la bakhtiin dabka ka dhex-huray labada dhinac, isla markaana ay dhamac huursani sii nooshahay oo bakhtiinteeda u baahani.

Inkasta oo aannaan war sugan ka helin, haddana xubno ka mid ah Ganacsatada habeennimadii Sabtidu soo galaysay ee toddobaadkan isu geeyey Muuse iyo Siilaanyo, ayaa la sheegay inay xalay Muuse Biixi Gurigiisa kulan gaar ah kula yeesheen oo ay kagala hadlayeen cadhadaas shalay ee diirrimaadka khilaafka muujisay. Laakiin-se lama oga illaa hadda waxa ay isla meel-dhigeen Muuse iyo Ganacsatadaasi xalay kulmay.

Shirkan Golaha dhexe ee Muranka dhaliyey ayaa sida uu caddeynayo Dastuurka iyo Xeerarka Xisbiga KULMIYE waajibku yahay in lagu qabto bil gudaheed, ka dib ku dhawaaqista xubnaha Golaha dhexe, kaasoo marka laga yimaaddo inuu u muuqda sharciyan mid muddo dhaafay, ay haddana wakhtigan isku khilaafsan yihiin hoggaanka xisbigu qabsoomiddiisa.

XIGASHO: Himilo