Laba ka mid ah ururrada siyaasadda ee Is-diiwaangeliyey oo si rasmi ah u Midoobay

Hargeysa, 08 April, 2012 (SLpost)- Labada Urur-siyaasadeed ee Jamhuuriga iyo NUUR ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay isku biireen, sida ay ku shaaciyeen   munaasibad ay si wada-jira ugu qabteen Hoteel Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Labada Urur ayaa munaasibaddaa waxay ku caddeeyeen inay ku midaysan yihiin magaca ururka Jamhuuriga halka hoggaanka ururkana  laga dhigay hoggaankii ururka Nuur. Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay Maxamed Odowaa Cigaal oo ka mid ahaa ururkii Nuur waxaaanu munaasibadan ka akhriyey qodobada ay ku heshiiyeen labada urur waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay labada urur ee Jamhuuriga iyo Nuur waxa noo muuqatay inay fara bateen ururada siyaaasada taas oo keeni kartaa inay meesha ka baxdo awooda ururada siyaasada.

Labadan urur waxay ku heshiiyeen oo Aas Aas u ah qodobadan

1. Inay labada urur ay isku yihiin hal urur maanta laga bilaabo.

2. Labada urur waxay ku  midoobeen magaca Jamhuuriga

3. Labada ururka waxay ku heshiiyeen in gudoomiyaha ururka uu noqdo Axmed Sandoon Xasan  oo hore u ahaa gudoomiyaha ururk Nuur

4. In haykalka cusub ee Maaamul loo wadaago si isku  mid ah

5. In la magacaabo gudi farsamo oo labada dhinac ah

6. In wax kasta oo lidi ku ah midawga labada urur uu yahay waxba kama jiraan

Waxaannu soo dhawaynaynaa cid kasta oo doonaysa inay qaado talaabada ay qaadeen labadan urur”

Sidoo kale munaasibadan waxa ka hadlay gudoomiye ku xigeenkii ururka Jamhuurigaa Md. Farxaan Siciid waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskan dhex maraya labada urur waxaanu yidhi “marka hore waxaan u mahad celinaya gudoomiyihii hore ee jamhuuriga oo isagu ka tanaasulay xilkii uu ka hayey ururkan, waxa kale oo an u mahad celinaya gudoomiyaha cusub ee ururka jamhuuriga oo isaguna ka tanaasulay magacii ururkii hore, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ururada kale inay ku soo biiraan ururkan jamhuuriga.”

Guddoomiyaha ay ku midoobeen labada urur ee jamhuuriga iyo Nuur md:Axmed Sandoon Xasan oo gebagabadii ka hadlay munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani matalayo dareenka taageerayasha labada urur waxaanu yidhi “waxaan aad ugu faraxsanahay heshiiska labada urur dhex maray kaas oo metalaya dareenka labada urur, midawga labadan urur-na waxa kalifay ururadii siyaasada oo batay iyo codsigii ka yimi gudida diwaan gelinta ururada siyaasada kuwaas oo ka codsaday ururada siyaasadu inay isku biiraan si ay u yaraato hawshooda iyo dhaqaalaha ku baxayaaba.

Haddii aanu nahay masuuuliyiinta labadan urur waxaanu  garanay inaanu midawno taas oo aanu  ku midawnay ururk Jamhuuriga. Waxaan halkan baaq iyo raali gelinba uga dirayaaa taageerayaasha ururka Nuur taas oo aan ka raali gelinayo magaca ururka ee laga guuray waxaanan leeyahay siyaasadu kolba waa nooc, waxaanan taageerayaashii ururka Nuur u sheegayaa inay ku soo korodhay cudud kale.”

Guddoomiyaha Cusub ee ururka Jamhuurigu waxa uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay maxkamad hor keento masuuliyiinta xidhan haddii wax danbiya lagu  helo hadii kalana xoriyadooda loo soo celiyo. Labada urur ee Jamhuuriga iyo Nuur ayaa noqonaya labadii urur ee ugu horeeyey kuwaas oo shaaca ka qaaday inay isku biireen.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net