Laba Isku Kay Qaban La’a (Q1aad) – Hamse Bashe Muhumed

HAMSEWaxaa wakhtiyadan dambe ka socoday meelo badan oo kamid ah waddanka in laga dhiso waddooyin qurux badan, misana marka laga hadlo magaalo madaxadda Hargaysa in Lasameeyo meelo aad u qurux badan oo waddooyin iyo Marmar ay dadku maraan loo sameeyey, oo indhuhu kusoo hiranayaan markaad aragto, Mahadaasna Ilahay loo celinayo, marlabaadkana Dawlada hoose, marsadexaadna shacabka iyo ganacsatada.

Hadaba Nimco waliba Nusqaan leh waxaa jira in wakhtiyadan soo socoda ay kusoo beeganyihiin wakhtigii gu’ga iyo roobabku ka di’i jireen dhulkeena. Taasina laga filan karo waxkasta oo dhici kara.

Hadaba su’aasha meesha taal waxay tahay waddankeenu ma leeyahay meelo biyo mareeno ah? Misana waddooyinkan cusub ee leh marmarka iyo quruxdu ma leeyihiin meelo biyo mareeno ah? Jawaabta iyada oon la raadin ayaa wax afku kaa xadayaa MAYA ! iyo dee kuwo hore ayaa jiray oo hadda way AASMEEN!(ciid baa ka buuxsantay).

Taasi waa mid khasaare iyo waxqabad la’aan ku ah dadkii iyo masuuliyiintii sameeyey waddooyinkan quruxda badan, waayo sidaan ka warqabno Da’aadka(biyaha roobku) waxay maraan oo qudha waddooyinka taas oo hadhow ka dhigaysa meel ciid iyo dhooqo leh oo nusqaan daro ku ah quruxdii iyo qaayihii ay lahaayeen waddooyinku misa awooda biyaha maraya ay sababaan in godod iyo dilaacyo ay sameeyaan.

Haddaba miyeyna ahayn in kahor inta aan la dhisin waddooyinka in dhalinyarada bilaa shaqada ah ee qaadka iyo garaabada la fadhiya meelaha xun-xun in laga faaidaysto oo la qodo misana ciida laga soo guro meelaha biyo mareenada ah?

Waxaa cajiib ah oo arin lalo yaabo ah in dadkan dawaldu ay doonayaann in ay wax u qabtaan dadka iyo dalka, misana ay rabaan in waxqabadkoodaas ay sumcad iyo sharaf ku yeeshaan si hadhow xiliga soo socoda ay cod uga helaan bulshada, Laakiin taas waxaa ka soo horjeeda oo ah mid lala yaabo in waxqabadkoodii noqodo mid muhiimada uu leeyahay tahay mid wakhti kooban uun la xasuusto ee muddada dheer aan jirin.

Wax laba aan is qaban ah in waddooyin qurxoon oo marmar leh in la sameeyo oo lugu da’daalo, Laakiin se aan loo samayn meelihii ay ku bedbaadi lahaayeen waddoyinkaas sida meelo biyuhu maraan, Meelo baabuurta iyo basasku waddada uga baxaan xiliga ay istaagayaan (Bus stop), iyo Laydhadh ka dhiga waddadaas qurxoon mid habeenkii muuqata oo leh bilic lugu soo hirto.

Hawsha dawlada hoose waddaa ayaa ah mid dadka shacabka ahi ku macneyeen in ay tahay “Qawda maqashii waxna Ha u qaban”

 

La socod qaybta 2aad …………………..AQOONSIGA SOMALILAND

ALLAHA MAHAD LEH