Laba Carruura Oo Isku Yaala Oo Ku Dhashay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa  (SL.Post) Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku dhashay laba carruur ah oo mataano ah oo isku dhegan, soona dhashay iyagoo isku yaala.

 

thumbs.php

Labada Carruurta ah oo wadaaga qaybo jidhkooda ka mid ah, waxay  leeyihiin laba madax, laba wadne iyo laba caloolood oo u kala gaar ah.

 

 

Carruurtan oo feedhaha iskaga dhegan iyo qaybo jidhkooda ka mid ah, waxa ay hadda ku jiraan xaalad caafimaad oo wanaagsan.  Dr. Cabdikariim Cawaale Diiriye ayaa sheegay inay carruurtu leeyihiin laba wadne, laba madax, laba sambab, laba kaadi haysood,  laba caloolood iyo kelyo u kala gaar ah.

 

 

Dr. Axmed Cumar Askar, oo ah agaasimaha cisbitaalka Hargeysa ayaa isna telefishanka HCTV u sheegay in carruurtani ku jiraan xaalad degen, waxase uu dalbaday in ciddii caawin karaysaa ay soo caawiso, maadaama oo ay u baahanyihiin caawimo. Agaasimaha oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Xaaladahani waxay ka dhacaan mataano ka yimid ukun qudha, markaas halkii ay ka kala bixi lahaayeen ayaa khalqiga Alle sii wada koraan jidhkooduna is galaa, mararka qaarkood waxa laga yaabaa inay xubnaha gudaha wadaagaan marna qaybo gaar ah, mararka qaar garab ayay iskaga xidhmaan, markay sii adagtahay caloosha iyo laabta ayay iskaga xidhmaan. Carruurtani waxay iskaga xidhanyihiin feedhaha iyo uur ku jirta labadaba way iskaga xidhanyihiin, laba madax ayaa jira oo qof waliba wuxuu leeyahay gacan iyo lug u gaar ah, uur ku jirta inta badan way u kala qaybsantahay.”

 

 

Aabaha iyo hooyada carruurtan dhalay ayaa cisbitaalka Hargeysa uga mahadceliyay dedaalka ay ku kala badbaadiyeen hooyada iyo ubadkan mataanaha ah.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa