Laba Boos-shaqo oo ka bannaan Hay’ad Xukuumadda ka tirsan oo iftiimiyey Baahsanaanta Shaqo la’aanta dalka Ka jirta iyo Guddoomiyaha Ha’adda Shaqaalaha oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa maanta Imtixaan ka qaaday 191 qof oo u tartamaya 2 Boos oo ka bannaan Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, kuwaas oo kala ah Xoghaynimo iyo soo dhaweeye (Receptionist), Wasaaraddu ku baahisay warbaahinta dalka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Nuux Sh. Muuse Ducaale oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay inay imtixaan ka qaadayaan 191 dhalinyaro wiilal iyo hablo isugu jira kuwaas oo soo codsaday labada shaqo ka dib markii warbaahinta lagu naadiyey.

“Maanta  waxaan imtixaan ka qaadaynaa 191 qof oo u kala tartamaya Xoghaynimo (Secretary) iyo Soo dhaweynta (Receptionist) oo ay soo codsatay Wasaaradda Qorshayntu, Imtixaanka laguma kala bixi doono nasiib iyo garasho, waxa-se lagu kala bixi doonaa dedaal iyo aqoonta uu qofku wato,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Xarunta hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa markii ay Imtixaanka u fadhiisanayeen 191-ka qof ee labadaa boos u tartamayaa.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la arko dadka intan le’eg ee galaya imtixaankan, maaddaama ay tirada u fadhiisanaysaa imtixaanku ka badan tahay tirada loo baahnaa.

Tartankan loo galay labadan boos ee Wasaaradda Qorshaynta ka bannaan ayaa dibedda soo dhigay, isla markaana si fiican u muujiyey heerka shaqo la’aantu ka marayso Somaliland iyo qorshe la’aanta Xukuumadda Madaxwayne Axmed-Siilaanyo oo aan ilaa hadda wax muuqda ka qaban shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Jaamacadaha ka baxday oo buux-dhaafiyey Suuqyada magaalooyinka dalka gaar ahaan goobaha bulshadu ku kulanto.

SLpost News/Hargeysa