LAASCAANOOD: Is-muujintii Taageerayaasha, Farriintii ay xambaarsayd Maalinta 5aad ee Ololaha KULMIYE, Nuxurka Khudbaddii Murashax BIIXI iyo Masuuliyiinta {FAAHFAAHIN}

Laascaanood (SLpost)- Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa isu-soo-bax indhuhu ku daraandareen oo ay ku muujiyeen taageerada KULMIYE kaga qaybgalay ololaha maalinta shanaad ee xisbiga.

FB_IMG_1509704233130Kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada Laascaanood maanta oo uu kala qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin miisaanleh oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro badan, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel iyo madax-dhaqameed, waxa halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Wasiirrada Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo ka hadlay fagaaraha waxay dadweynaha Gobolka Sool, gaar ahaan kuwa Sool ku ammaaneen siday u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE, waxaanay u tilmaameen xidhiidhka iyo abaalka ka dhexeeya gobolka iyo xisbul-xaakimka oo muddadii uu talada hayey wax badan oo wanaagsan ka hirgeliyey.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey fagaaraha Laascaanood si wayn ugu mahadceliyey kumanaanka taageerayaasha xisbiga ah ee isu soo baxay, waxaannu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga ee shanta sanno ee soo socota.

Ugu horreyn, waxa uu ka hadlay dariiqa reer KULMIYE u galaan doorashada iyo sababta xisbigu cod wayn uga doonayo gobolka Sool, waxaannu yidhi, “Haddii aynu KULMIYE nahay innagu doorashada waxaynu ku galaynaa; nabadgalyo, laba waxaynu ku galaynaa midnimada Somaliland, waxaynu ku galaynaa caddaalad iyo sinnaan, waxaynu ku galaynaa horumar dalkeenna ah iyo berri ka wanaagsan maanta iyo mustaqbalka carruurteenna oo aynu dhisno.”

“Haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu codka halkan uga doonaynaa KULMIYE iyo xukuumaddiisa Sool iyo Laascaanoodba dhito ayaa u taala, waayo halkan Laascaanood may lahaan jirin waddo laami ah ka hor intii aanay KULMIYE xukuumaddiisu qaban, waxaannu ognahay jaamacadda wixii aannu ka gaysanay, KULMIYE iyo xukuumaddiisu wixii ay nabadgalyada ka qabteen ee ilaa maanta ay heegan u yihiin ayaanu ku doonaynaa codka, ma nihin xisbiyo cusub oo malo-awaal ah oo iminka bar cusub wax ka bilaabaya, walaalayaal annagu waxaannu leenahay wixii hore ee aynu qabanay wixii qabyo ah waxay u qabyoobeen baanu garanaynaa oo waanu qabanaynaa, wixii innaga qalloocsamay waanu toosinaynaa, qorshe dambe oo horumarineed oo midaysana waynu galaynaa,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu xusay qorshayaasha xisbiga KULMIYE ee shanta sanno ee soo socda uga meelyaal gobollada bariga iyo guud ahaan Somaliland.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Reer Sool waxaannu ugu baaqaynaa Somaliland mid ah oo la wadaleeyahay oo loo simanyahay oo la wada leeyahay oo mustaqbalka laga wadashaqaysto, horena waanu u soo tijaabinay, shanta sanno ee soo socda qorshaha aannu u haynaa waa kaa, madaxweynihii hore waddada uu jeexay ee horumarka leh ee mustaqbalka leh ayeynu sii wadaynaa.

Dheg u dhigimayno rag iminka weel madhan sita oo waxay ku hadlayaanba yahay waxaannu yeeli doonaa, annagu waxaannu leenahay waxaanu waanu qabanay, waxaanna waanu saxaynaa, qorshahaa cusubna waanu haynaa.”

DAAWO: MUUQAALKA KHUDBADDA IYO QAABKA SOO DHAWAYNTA