Laanta Socdaalka oo 29 Itoobiyaan ah u dhiibay Maamulka Qabri-bayax

Alleybadey, (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland ee fadhigeedu yahay Gobolka Gabiley, gaar ahaan Xarunta Tog-Wajaale, ayaa hawlgal ay dib ugu celinayaan tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya ka fuliyay Degmada Alleybadey.

Ku-simaha Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, Taliye-xigeenka laantaas Cabdirashiid Axmed Xasan oo warbaahinta uga waramay hawlgalkan, ayaa sheegay inay u gudbiyeen sagaal iyo labaatan qof maamulka Degmada Qabri-Bayax ee Is-maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya oo ku beegan dhinaca Degmada Alleybadey, kuwaasoo xidhiidh dhinaca nabedgelyada ahi ka dhexeeyo.

“Waxaanu ku wareejinay Maamulka Degmada Qabri-Bayax ee Kililka Shanaad Sagaal iyo Labaatan Itoobiyaan ah oo bilaa sharci ku joogay Degmada Alleybadey, ka dib markii aanu hawlgal ku qabqabanay dadkaas, kaasoo aanu ka bilawnay Degmada Alleybadey. Waxa gacan naga siiyay oo aanu u mahad-celinaynaa Maamulka Degmada iyo Ciidanka Booliska, waana markii ugu horaysay ee aanu talaabadan ka fulino halkaasi oo ka mid ah meelaha aanu dhawaan ka furnay Xafiisyada Laanta Socdaalka ee Degmooyinka ku yaala Xuduuda,” sidaa waxa yidhi Ku-simaha Taliyaha Xafiiska Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan.

Waxa uu intaa ku daray Taliye-xigeenku inay sii wadayaan hawlgalkan oo aanay joojinayn, si joogto ahna ay u kormeeri doonaan Degmooyinka Alleybadey iyo Faraweyne, kuwaasoo ay dhawaan ka fureen Xafiisyo Laanta Socdaalka Somaliland ku leedahay halkaas. Waxaanu xusay in boqolkiiba boqol ay aad uga yar yihiin tahriibayaasha ka yimaada dhanka Itoobiya, kuwaasoo si qulqul ah u iman jiray Somaliland. Mr. Cabdirashiid waxa uu ugu dambayntii u mahad-celiyay maamulka Degmooyinka Faraweyne iyo Alleybadey oo si joogto ah ula shaqeeya hawlwadeenada Laanta Socdaalka.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net