Laalista Diiwaangelintu Ceeb bay ku Tahay Hanaanka Geedi Socodka Doorashooiynka S/Land Iyo Wadamada Daneeya Doorashooyinka Somaliland

Ujeeddo: Jabinta Dastuurka iyo Danta  Gaarka ee Siyaasiga: Ceebayku Tahay Astaanka Qaranka iyo Dastuurka Qaranka Dumuqraadiyada Hanaanka Geedi Socodka Doorashooiynka S/Land Dhamanba Shacabka Somaliland Wadamada Ay Saaxiibka Yahiinba daneeya doorashooyinka Somaliland  laalista xeerka diiwaangelinka codbixiyayaasha Xeer lr. 20/2001,

Marka hore mahad oo dhami waxay u sugnaatay Allaah (sw), nabigiisa Muxamed sharaf baa u sugan. Tahay.Waxa aan sigaara iyo sitoos ahba u salamaaya saxaafada runtii wax badan culus u haya shacabka ku hadla afka Somaliga meel kasta joogaan.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii 09/11/2011 aqlabiyad ah ku laalay in doorasho dambe lagu galo diiwaangelintii hore ee codbixiyeyaasha, kadib markii dhowaan 47 mudane horkeeneen golaha mooshin ay ku dalbanayeen laalista diiwaangelintaas. mooshinka laalista xeerka diiwaangelinka codbixiyayaasha shacabka qaranka Somaliland  Xeer lr. 20/2001, Waxay ceeb ku tahay nadaamka iyo dastuurka qaran iyo sooyaalka taariikhda geedi socodka doorashooyinka Somaliland.

Inaynu wax badlaa ceeb maha dhaliilkasta aynu ku badalee ,Ha ahaato danta qaran ta shacabka ama danta qaranka jamuuriyada Somaliland ee caamkaa ,lakiin waxa inagu ceebe dal doorashooyin soo qabsanaayey 15 sanadood waxii lagu tabcaayey aynu dabada ka kaalo waa wax ka wayn wax afka lasoo mariyo.

Inaynu wax ka badalo waa la garan karaa lakiin Xeer dhan oo dastuuriy ahna xeerka diiwaangelinka codbixiyayaasha Xeer lr. 20/2001, aynu laalo iyada oo sababo aan loo coskanayni jirin aynu laalo maha wax anfaca shacabka iyo qaranka iyo dastuurka toona.

Hadii ay wax inaga dhiman yahiin ama ay jirto celado farsamo aynu saxno waa lagama maarmaan wax alaale iyo waxii wax lagu saxayaana waa sharci in loo hogaan samo aan ahayn aynu laalo oo iska tuura kuna daro Xashiiska iyo kudaafada shacabkana ma qabato.

Inaynu doorashada ku galo jaantaa rogana waa xaraan inaga oo manta marayna qarnigii 21 oo tognoolajiyadu meel fiican ka gaadhnay inaynu talo dib isugu noqonaa mahiima arintaa lagu lafa guro.

Dhaqaale farabadan iyo hanta ayaa kaga baxay qarankan curdankaa  Xeer lr. 20/2001,  kala xadaynta cod bixiyayaasha,Waxii aynu ku soo tabcaynay ee aduun yadu inaga caawinaysay ee tayada codbixinta iyo doorashadaba kor u qadaysay ee sumcada dalka iyo dadkana kor u qadaysay musuq maasuqa iyo laba jeer codaynta iyo marqaatiga ka ahayd ee aduun yada iyo goob joogayaashaba tusaysay hanaanka iyo habdhaqanka casrigaa ee aynu dheerahay wadamada Africa laguna kala garanaayey ajaanibka iyo muwaadinka aynu tuura waa wax afka ka wayn.

Ninka taas soojeediyey iyo kii ku taageerayba waxa ay doonayaan inay cod kaga helaan ajaaniba dalka jooga sida Oromada iyo Somalida Koonfur Somalia iyo kuwa kale oo badan,Waxa aan ku talinayaa inay arintaas golaga guurtida iyo madaxwynaha qaranku ay soo celiyaan oo aan sidaa lagu ansixin.

Qalinkii Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)

Coventry City Uk

Danjiree20010@gmail.com