La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga oo Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Khaatumo iyo Xubnaha uga qayb-galaya wada-xaajoodka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga Cabdinaasir Garaad Abshir, ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh oo caasimadda u jooga wada-hadallo la filayo inay dhowaan u furmaan xukuumadda Somaliland.

Cabdinaasir Garaad waxa uu Prof Cali Khaliif kula kulmay Guriga uu ka deggan yahay magaalada Hargeysa, waxaanay labada masuul si qoto-dheer uga wada-sheegaysteen sidii looga midho-dhalin lahaa wada-hadalladaas isla markaana si wada-jira looga fekeri lahaa waajibaadka ka saaran horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee shacabka ku nool gobollada iyo deegaannada ay metalaan, sida uu Cabdinaasir u sheegay wariye ka tirsan Somalilandpost.net oo wax ka weydiiyey ujeeddada kulankaas.

Garaad-iyo-Cali

Sidoo kale Cabdinaasir Garaad waxa magaalada Hargeysa kula kulmay Xubnaha la socda Prof Galeydh ee ka qayb-galaya wada-hadallada oo dhowaan la filayo inay isku wajahaan xukuumadda.

Ka sokow kulanka dhexmaray La-taliyaha iyo masuuliyiinta Khaatumo, Cabdinaasir Garaad waxa uu todobaadkan warbaahinta u marayiyey siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaamada Bariga sidii ay u taageeri lahaayeen isla markaana u barbar-joogsan lahaayeen ka-midho-dhalinta geeddi-socodka wada-hadallada la filayo inuu u furmayo xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka mid ah masuuliyiinta da’da yar ee Xukuumadda Somaliland ugu jira gobollada Bari ee dalka gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool, ayaa ka sokow xilka uu u xil-saaran yahay, waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay nabadeynta deegaannada Bari iyo isku soo dhawaynta xukuumadda iyo shacabka deegaanka uu ka soo jeedo.

Weftiga uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh, ayaa magaalada Hargeysa ku sugnaa labadii bilood ee u dambaysay, iyadoo uu jiray kulan hor-dhac u ah isla markaana imaanshihaha magaalada Hargeysa gogol-xaadh u ahaa, kaas oo ku qabsoomay magaalada Caynaba ee gobolka Saraar.

SOMALILANDPOST.NET