La Kulanka Madaxweynaha Ireland Ma Guulbaa Mise…….???

 

 

Aduunka waxa jira laba nidaam oo inta badan ay ku dhisan yihiin habka maamulka dawladnimo ( Presidential System) oo ah in dawlada ay hogaamiyaan M/weyne iyo m/weyne ku xigeen shacabku doortay sida Somaliland iyo Maraykanka oo kale.  Nidaamka labaad ee dawladnimo waa (Parliamentary System) oo ah in dawlada uu hogaamiyo Raysal Wasaare sida Ethiopia, Ingiriiska, iyo Ireland oo kale. Horta in Somaliland ay aduunka xidhiidh la samayso oo ay cid la kulmaan way fiicantahay, laakiin waxa wanaagsan in wax kasta runta laga sheego oo aan xaqiiqda la garabmarin.

Sidaas darteed waftigii uu hogaaminayay M/weyne Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee safarka ku tagay Wadanka IRELAND waxa kaliya ee ay la kulmeen M/weynaha dalka Ireland, Marnaba Lamay kulmin dawlada dalka ka talisa ee ugu sareeyo Raysal Wasaaraha dalkaasi, wasiirkiisa arrimaha Dibadda iyo Xukuumadiisa toona. Madaxweyanaha Ireland maaha madaxweyne awood leh, waa nin meel iska dagan maamuus ahaan uun oo loo soo salaamo, cid walbana ay la kulanto. Waxaanad lawada socoteen sida  anshaxa ka baxsan ee wariyihii la socday waftiga m/weynaha ee Muniir Axmed Cigaal uu sawiro Protocol ahaan aan fiicnayn uu la galay M/weynaha Ireland isaga oo garabkana iska laalaadiyay.

Hadaba suaasha meesha taallaa waxa weeye; Ma Guulbaa in madaxweyne maamuus uun leh oo aan dawladda maamulin in lala kulmo oo weliba lagu sheegto guul weyn oo u soo hoyatay Somaliland siyaasadeedda arrimaha dibadda. Waxa laga yaabaa qofka aan la socon sida dawladuhu u shaqeeyaan inuu markiiba u riyaaqo. Laakiin maxay ku dhacday in ay si badheedh ah waftigii Siilaanyo u manjaro habaabiyo dadka Somaliland oo ay arrinkaasi guul uga dhigeen. Hadaba waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo inaanay cid qudha aanay kala kulmin Dawladii halkaa ka jirtay xataa Wasiirkeeda Arimaha Dibada ku dhahoo. Shacabka yaan been loo sheegin cid ay arkeen iyo cid ay la kulmeena ma jirto oday meel cidla ah iska joogo ayay sawiro la soo galeen, waftigaa arinkoodu wuxuu noqday Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay. Waxaan ogahay in siyaasadii Arimaha Dibada iyo xidhiidhkii beesha caalamka ay ku fashilantay Xukuumada Siilaanyo.

Waa nasiib daro inay buun buuniyaan safar faashil ah oo lacagta umada lagu baabinayo iyadoo dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay abaaro baahsan iyo biyo la,aan dad iyo duunyaba iyagoo markii horeba ku qarinaayey safarka khaaska ah ee uu madaxweynahu rabay inuu ku tago waddanka Ingiriiska; siyaasaddii arrimaha dibaddana lagu badhitaaraayey. Nin Daad qaaday xunbo cuskay, siyaasaddii arrimaha dibaduna xumbadeeddii waxay noqotay waddanka Ireland iyo madaxweynaheedda itaalka daran ama bugta ah. Taasina waxay la mid tahay uun la kulanka madaxweynaha Itoobiya ee bilaa ilkaha ah.

 

Ilaahay Sida Khayrka Ku Jira Hayna Waafajiyo

 

 

Mohamed Adan Gacayte

Falanqeeya Arimaha Siyaasada Somaliland

Hargeysa/Somaliland