Kuwana  Maxay Ku Mutaysteen Shahaado Sharafta!

10 Sept. 2015 hoolka weyn ee Hotel-ka Maansoor waxaa lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay. Xafladu waxay kulmisay laba ujeedo ama munaasibadood oo kala ah: xuska sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii jaamacada Golis iyo qalin-jabinta difcadii 13-aad.

Madasha waxaa xiiso gaar ah u sii yeelay oo ay kaga duwanayd qalin jabinta jaamacadaha kale waxaa meel layskugu keenay jaamacadaha Golis Hargeysa, Burco, Berbera iyo Golis Laascaanood oo hal goob ku qalin jabinaayey.

In kastoo oo hoolku ahaa ka ugu weyn Somaliland hadana waxaa la dareemayey cidhiidhi, waxaa buux dhaafiyey waalidkii iyo asxaabta ardayda, marti sharaf miisaan leh oo qaarkood ka yimaadeen

meelo fog fog oo dalka dibadiisa ah.

Markii la wada fadhiistay ee ay cagtu go’day madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Md. Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici) wuxuu ardaydii gudoonsiiyey shahaadooyinkii loogu tala galay (Degree iyo Master) iyadoo lagu taageerayo sacab iyo mashxarad.

Mar kale gudoomiyaha jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xasan madaxweyne ku xigeenka waxa uu ka codsaday in uu shahaado sharafyo gudoonsiiyo shakhsiyo gacan ka gaystay ama ku taageeray aas-aaskii jaamacada 10 sano ka hor.

Waxaa la yeedhiyey magacyada rag mansabyo ka haya xukuumada waxaa ku xigay oo magacyadooda lagu dhawaaqay madaxweyne ku xigeenkii hore Md. Axmed Yuusuf Yaasin, waasiirkii hore ee Hawlaha guud Md. Siciid Sulub Maxamed iyo aniga oo 15 sanadood ka hor ahaa duqii caasimada si aanu u gudoono shahaadooyinka jaamacadu nagu maamuustay.

Hadaba hoolka qaybta (VIP) waxaa meel isku uruursaday oo wada fadhiyey saraakiil xilal ka haya xukuumada sida agaasimayaal guud iwm oo qurbe joog u badan, dalka waxay joogeen 5-tii sanood ee kulmiye talada hayey, waxay la yaabeen shahaadooyinkan la siiyey masuuliyiintii dawladii Daahir Rayaale waxay dhexdooda iska waydiiyeen su’aashan oo ahayd “kuwana maxay ku mutaysteen shahaado sharafta”? Ma laha waa loo qaldamay.

Akhriste adiga qudhaadu hala yaabin xog la’aanta qurbe joogta, sababta oo ah waxaa loogu sheekayn jiray in Kulmiye iyo madaxweyne Siilaanyo ka hor dalka jaamacadaba ka jirin oo ay la wareegeen meel madhan. Bal u fiirso khudbadaha madaxweyne Siilaanyo ee ay ka shidaal qaataan oo marku taxaayo ama ku faanaayo waxqabadka xukuumadiisa iyo horumarka uu dalka gaadhay wuxuu raaciyaa inuu isagu wax walba kow ka soo bilaabay iyo meel eber ah.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com