Kuuriyada Waqooyi Oo Dayax-gacmeed Hawada U Diraysa iyo Shakiga Gantaalo Maraykanka Gaadhi Kara Oo Ay Tijaabinayso

Hargysa(SLpost)-Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay inay doonayso inay hawada u dirto dayax-gacmeed, iyadoo ay jirto cabsi ah in Pyongyang ay tijaabinayso hub kiimika ah.

160115132652_north_korea_kim_512x288_afp_nocredit

Hay’adda caalamiga ah ee la socodka dhaqdhaqaaqa badaha ayaa sheegay in tijaabadaasi la fulin doono bishan February.Kuuriyada Woqooyi ayaa bishii tegtay tijaabisay hub kiimiko ah, kaas oo sababay cambaareyn caalami ah.

Mas’uuliyiin Maraykan ah waxay sheegayaan in Pyongyang ay u diyaar-garoobeyso inay tijaabiso gantaal gaari karo dalkooda. Kuuriyada Woqooyi waxay ku doodaysaa in hanaankeeda dayax-gacmeedka uu yahay mid nabad ku salaysan.

Balse waxaa jirto cabsi laga qabo in dalkaasi uu hub halis ku qarinayo mashruucaasi.