Kumanaan Jaaliyadda Somaliland ee UK oo bannaan-bax ay qaddiyaddooda ku muujinayaan ka hor sameeyey Xafiiska Raysalwasaaraha Dalkaas iyo isu soo-baxyo noocan ah oo ka dhacay dalal kale

London, 22 February, 2012 (SLpost)- Kumanaan ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Wadamada la jaarka ah ayaa maanta bannaan-bax ballaadhan ka hor sameeyey xafiiska ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Camaron ee Down Street ee Magaalada London .

Banaan-baxan ayaa ka qayb-galayaashu ku muujinayaan sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyadda madax bannaanida Somaliland iyo sida ay Somaliland  badheedhahooda ugu gudbin lahaayeen Shirka beri ka furmi doona magaalada London.

Qaar ka mid ah la qayb galayaasha banaan-baxaasi oo khadka telefoonka noogu warramay iyagoo ku sugan xiligaas fagaaraha Down Street ayaa sheegay inay isu soo abaabuleen si aan qiyaas lahayn isla markaana ay soo qaateen boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ka turjumaya xaqa  ay ummada Somaliland u leedahay inay dunnida inteed kale ka hesho aqoonsiga ay mudada labaatanka sanno ah baadi goobkiisa ku jirtay waxaanay  intaas ku dareen in ujeedadoodu tahay sidii shirka maalinta beri ka furmi doona magaalada London ee xukuumada ingiriisku soo qaban qaabisay  ay fariin cad oo aan madmadow ku jirin ugu gudbin lahaayeen maadaama ayay yidhaahdeen ay Shirkaas ka soo qayb gali doonaan in ka badan Shan iyo afartan hogaamiye lagagana hadlayo xaaladaha qaska ah ee Ka oogan dalka aynu dariska nahay ee Somalia iyo guud ahaan Xaalada Mandaqada ay Somaliland ku taalo.

Geesta, kale banaanbax kan la mida ayaa ka dhacay magaalada Danhag ee dalka Holland oo ay isagu soo baxeen  boqolaal ka mida jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi waxaanay dadkaasi socod ku tageen wasaarada arimaha dibada ee Holland iyo safaarada Ingiiriisku ku leeyahay dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii sameeyey bannaan-baxaas oo ay ka mid yihiin laba dumar ah oo la kala yidhaahdo Foosiya Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Obsiiye ayaa Cadeeyay in Safaarada Ingiriiska iyo Wasaarada Khaarijiga Holland ay u gudbiyeen qoraalo ka waramaya in qadiyada madaxbanaanida Somaliland in ay tahay muqadas islamarkaana ka codsaday in la ixtiraamo go aanka shacbiga Somaliland ee ku aaddan madaxbanaanida iyo aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin.

Somaliland Post

contact@somalilandpost.net