TAARIIKHDIISI.
Nelson Rolihlahla Mandela waxa uu ku dhashay (Rolihlahla Dalibhunga) 1918, qabiilka Mandela ee uu ka dhashay dadka loo yaqaan (Thembu) ee dega tuulo yar oo ku taal bariga Capetown ee Koonfur Afrika, aabihii oo madax ka ahaa boqortooyadda qoyska Thembu, waxa uu dhintay Nelson Mandela oo sagaal jir ah, waxaana markaasi loo dhiibay inuu koriyo Caaqil u noqdo qabiilka (Jongintaba Dalindyebo).
Kadib waxa uu waxbaradsho ka bilaabay dugsi ku yaala gudaha gobalkiisa sanadii.1930 kadib waxa uu ku biiray jamacada harfort.laakin waxa uu ka baxay sanadii 1940, ka bixitaankaa jaamacadda waxa ay ka danbaysay kadib markii lagu eedeeyay in ay ka qaybgaleen mudaharaad arday madaw ahi ay samaysay. waxa la ogayahay in mandeela uu soomaray xili ardaynimo oo aad u adag.waxa uu soomaray iskuulo iyo jaamacaddo aad ubadan, waxa ay ahayd konfur afrika xiligaa mid ay hadheeyeen dhibaatooyin waawayni oo ay u wayntahay arintii midab kala sooca ka taagnayd, taas waxaaba ka sii darnaa xukuumaddii ay dadka yar ee cadaanka ahi lahaayeen waxa ay ku samayn jirtay dadka madaw in ay ka qaado dhulkooda, mandeela waxa uu bilaabay markaa mucaaradad iyo ka soo horjeed uu ka soo horjeeedo dawladii ay hogaaminayeen cadaanka tirada yari ay maamulayeen.
Ka dib wuxuu ku biiray African National Congress (ANC) 1943, markii u ololeeyayna kadib wuxuu noqday aasaasihii iyo Madaxweynihii Ururkii Dhalinyarada ANC, ugu danbeyn markii sanado uu xidhnaa oo gaadhayey 27 sano wuu soo baxay, waxuuna noqday Madaxweynaha Koonfur Afrika
Nelson Mandela waxa uu goorsaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen.
XADHIGIISII.
madeela waxa la qabaty sandii.1962 iyada oo loo haystay in uu si sharci daro ah u safray waxaana lagu xukumay shan sano oo xadhiga ah, mar kale ayaa hadana sanadii.1964 la xukumay iyada oo loo haystay in uu ka danbeeyay mudaharaadyo iyo iyada oo lagu eedeeyay. Khiyaamo qaran waxaana lagu xukumay.madaxaa hakufurto, Isagoo xirnaa 27 sano, waa uu ku soo baxay, nasiib wanaag wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah iyo in uu ka cayaaro door hoggaameed nabadda dhinacyo jaarka oo khilaaf ka jiray.
Soo jiidashadiisa,dareenkiisa ah in aanu awooddiisa muujin iyo in aanu ka xumaan sida addag ee loola dhaqmay, iyo weliba taariikhda noloshiisa cajiibka lahayd, ayaa qeyb ka ah in uu noqdo nin adduunka oo dhan soo jiitay.
MADAXTINIMADIISII.
mandeela waxa uu ahaa hogaamiyaha xisbigiisa intii u dhaxaysay 1991-1997. waxa uu madaxwaynaha koonfur afrika noqday sanadii 1994.waxa uu xilka hayay ilaa 1999 markaas oo uu iskii uga tagatay, arinkaasi tusaale ku dayasho mudan umuu noqon hogaamiyaasha Africa ee manta joogaa ee kursiga macaansaday,
DHAMAADKII NOLOSHIISA.
Kadib markii uu ka degay Madaxweynenimadda 1999, Mr Mandela waxa uu noqday Danjirihii Koonfur Afrika ugu magaca dheeraa, sidoo kale wuxuu ahaa nin u ololeeyay la dagaallanka HIV/AIDS iyo inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu marti geliyo Koobkii cayaaraha Adduunka 2010, sidoo kale uu ku hawlanaa wada xaajoodyada nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Burundi iyo dalal kale oo Afrika ah.
2004 kii Mandela isagoo jira 85 waxa uu hawlgab ka noqday shaqadii bulshada si uu waqti dheeraad ah ula qaato qoyskiisa iyo saaxiibadii sidaas ayey ku soo dhamaatay noloshii faraxad iyo murugadda lahayd ee uu soo maray Nelson Rolihlahla Mandela.
Blog: www.wirdaani.wordpress.com
Alpha University
Hargaisa Somaliland
Ka Tirsan: Bahda Naadiga Akhriska Himilo