“Kulmiye wuxuu burburinayaa nidaamkii geedi socodka dimuqraadiyada ee dalkani lahaa” Xildhibaan Buubaa

Hargeysa, (SLpost)- Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku eedeeyay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye inuu sabab u yahay dibu dhaca doorashada, isla markaana masuuliyiintiisu ay doonayaan kordhin ka badan go’aankii komishanka.Buubaa-1

Xildhibaan Buubaa ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye masuuliyiintiisu kaga baxeen go’aan ay u dhamaayeen saddexda xisbi qaran, kaasoo ahaa in doorashada lagu qabto waqtiga ay komishanku cayimeen.

Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlayay xarunta golaha wakiillada waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinku waxay heshiis ku ahaayeen in 1-da June 2016 lagu qabto doorashada, xisbiyada mucaaradka haddaanu nahay arrintaa tanaasul badan baanu ka samaynay oo sannad baanu aqbalnay, bilaa shuruud ah, sababta aanu u aqbalaynayna waxay ahayd dadkayaga iyo dalkayaga iyo hanaanka dimuqraadiyadeed iyo hanaanka dawladnimo oo aanu ilaalinaynay, markii masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay la kulmeen guurtida waxay soo bandhigeen wixii ay caloosha ku qarsanayeen waxay soo bandhigeen wixii ay ummadda beenta uga sheegayeen ee ay lahaayeen anagu waxaanu doonaynaa inay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, waananu cambaaranaynaynaa, waxa uu saxaafadda u sheegay Maxamed Kaahin in labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiillada ee isa saarani ay tahay wax inagu cusub, in xeerkii wakiillada lagu soo dooran lahaa iyo inaan xildhibaannadii gobollada kazoo bixi lahaa aan heshiis lagu ahayn. Sidaas darteed waqtigaa komishanku doorashooyinka u qabtay aan lagu qaban karayn, waxaanu ka baxay mawqifkii uu labada xisbi mucaarad la qaatay.”

Afhayeenka xisbiga Waddani waxa kale oo in xisbiga Kulmiye doonayo inay burburiyaan hanaanka dimuqraadiyaddeed ee ka hanaqaaday Somaliland.  “Waxa caddaatay oo marag ma doon ah in siqsiqa aad siqaysaan ay tahay ujeedadeedu inaanay doorasho dalkan ka dhacdaa inaanay jirin, Kulmiye ahaan waxaad doonaysaan inaad burburisaan nidaamkii geedi socodka dimuqraadiyada ee dalkani lahaa.” ayuu yidhi.

Somalilandpost.net