Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormada 6aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta

KulmiyeAlleylehe sawirkaa sawirkiisii ayaa taagan oo:

“Kulmiyaa wedkii UDUB kanbalay, kaalay leeyahay.” Sawirku sawirkii u ekaa, maalmuhu maalmihii u ekaa, dhacdooyinku dhacdooyinkii u ekaa, wasaiirradu wasiirradii u ekaa, shillalkuna shillalkii u ekaa. Inta ka adeegaysaana, intii kaa horeba ka adeegtay u ekaa. Hanku hankii u ekaa. Jabkuna jabkii u ekaa, rogmadka xisbiyeed wuxu u muuqdaa “Ina Daan-weyne’ haddii aan Ilaahay duco-qabayaal u bixin.

Sheeko aad u dheer aan soo gaabsanno oo ka soo bilowno Xisbiga Kulmiye iyo ololihii loo galay xulashadii Murashaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maryaha dhiigga leh lagu kala furtay markii xeer, xaagaan iyo xurmo kaleba la xeerin waayay ee nin kastaa soo tafo-xaytay. Madashu ceelkii Burco ayay ahayd si loo soo saaro Murashixiintii Madaxaweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

Mudane Axmed Siilaanyo saaxiibbo fog ayaanu ahayn. Maalmahaas Kal-fadhiga Golaha Dhexe loo diyaar-garoobayay ayaan tilifoon u diray goor barqo dheer ah. Wuu iga qabtay. La ballan ayaan is-lahaa. Wuxu iigu jawaabay Burco ayaan sii gelayaa ee maxaad igula talin lahayd. Wixii aan ku odhan karayay waan ku idhi ee aan is-lahaa dal, dad iyo xisbiba waa ay ku hagaagayaan. Wixii Burco ka dhacay iyo dhaawicii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay waxba dib ugu noqon maayo oo ‘Ka-dare’ ayaa ka sheekeyn doona oo weliba u-magac-bixin.

Ololihii doorashada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye wuxu ku galay Barnaamaj daabacan oo qurux badan oo looga gol lahaa in cod-bixiyayaasha lagu soo jiito, codkoodana lagu hantiyo oo kursiga dalka ugu sarreeya lagu fuulo. Sheeko dheer si aan idiin ku soo gaabiyo, doorashadii ayaa dhacday, waxaana ku guulaystay xisbiga Kulmiye. Maxaa intaa ka dib dhacay haddaba? Bal laba Qodob aan ka soo qaato:

  1. Iyada oo la raacayo heshiisyo iyo wada-hadallo xisbiga dhexdiisa ka dhacay intii ololaha lagu jiray Guddoomiyannimadii xisbiga iyo Madaxweynannimadii ayaa la kala saaray oo waxa kala qaatay: Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo si ku-meel-gaadhnimo ah loogu dhiibay,
  2. Waxa kale oo la isku raacay in ay kala baxsanadaan xisbiga iyo xukuumaddu oo Madaxda xisbigu halkooda ku ekaadaan oo aanay xukuumadda ka mid noqon. In Qodobbadan la qortay oo xeer laga dhigay iyo in kale kama war hayo, bal se waa sida ay inagu yidhaahdeen looga-qaateenka Kulmiye iyaga oo aan ku kala baydhin, isla markaana aad mooddo in qayb ahaan laga fuliyay.

Aan is-barraxo waxba yaan hoosta la iga higgaadinne. Madaxdii xisbiga Kulmiye ugu sarreysay waa laga hor joogsaday in ay xilal xukuumadeed qabtaan. Bal se marka aad dhinaca kale iska taagto xilalkoodii xisbinnimo looma deynin ee wasiir ilaa heer Madaxweyne waa lagu qabsaday oo laga faro-maroojiyay indhahooda oo shan ah.

Waxaan xusuustaa in aan habeen gurigiisa ku booqday Mudane Siilaanyo intii aanu xukuumaddiisa soo dhisin bal se uu Madaxweynaha ahaa ee aan la dhaarin. Habeenba, habeen ka tilmaaman e’, bil ammaara waa habeenkii aan bartay wiilka hal-hayska noqday ee Baashe Cawil la yidhaahdo, maa daama uu dadka odeyga u gelayay kala horayay.  Waxaan is-leeyahay waxay ku beegnayd badhtamihii bishii Juulay 2010kii. Dan gaar ahaaneed uguma tegin Madaxweynaha habeenkaa iyo weligayba. Waxaan kala hadlay laba arrimood:

  1. In aanu hoggaanka xisbiga wareejinnin oo aanu kala saarin Xukuumadda iyo xisbiga oo aanay danta dalka iyo dadku ku jirin. Waxaan u sheegay in haddii uu hoggaanka xisbiga wareejiyo ay suurto-gal tahay in uu xisbiguba farahooda ka baxo.
  2. In haddii uu sidaa yeelo uu Barnaamajkii xisbiga Kulmiye doorashada ku galay noqonayo waxba kama-jiraan oo aan cid loo raaco loo helayn, illeyn ballaan-qaadihii weynaa isaga ayuu ahaa e’,

Mudane Siilaanyo wuxu iigu jawaabay in ay xisbi ahaan sidaa ku heshiiyeen oo ay xeer tahay oo uu xisbiga hoggaankiisa wareejin doono. Wax lagu heshiiyay hirgelintiisu maba xuma.

Dhowr arrimood ayaa halkan ka soo baxaya:

  1. In laga leexday dariiqii UDUB ee hoggaanka Xukuumadda iyo ka xisbigu mideysnaayeen ee meel qudh ah laga wada hagayay, qalad iyo sax midkii ay doonto ha noqoto e’,
  2. In la xeeriyay in Xukuumaddu meel ahaato oo hawlaha Fulinta hagto, Hoggaankii xisbiga Kulmiyena ku hadho oo ku ekaado xisbigiisii,
  3. In uu barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa ee Kulmiye ololihii doorashada ku galay agoon iyo rajaba noqdo oo la waayo cid loo raaco iyo cid hirgelintiisa mas’uul ka noqotaba,

Arrimahan ayaa inagu soo baxsaday markii la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa ee Xisbigii Kulmiye oo Mudane Siilaanyo hoggaan iyo murashaxba u ahaa ayaa shacbiga cod kaga qaatay. Dadweynuhu sidii lagu ballamay intoodii badnayd xisbiga Kulmiye codkoodii waa ay siiyeen, waxaanay siisteen fulinta Barnaamajkaa ballan-qaadyada ahaa. Markii la guulaystay xisbigii iyo Xukuumaddii ayaa la kala saaray. Madaxweyne Siilaanyo, Golihii Wasiirrada inta uu fadhiisiyay ma sharciyayn fulinta Barnaamajkaa ballan-qaadyada ahaa, xisbigii iyo Xukuumaddiina waa la kala saaray. Oo markaa xaggee loo raacayaa Barnaamajkaa? Bal adba!

Ma maqasheen beyd Hadraawi lahaa oo ku jiray maansadiisa Gol-janno oo ahaa:

“Isagiyo galkiisaba,

 Yaa kitaabka naga gada,

Waxaynu maqallaa ‘Xisbiga talada haya’ qaarna waa ay ka sii bad-badiyaan oo inta badan waxay ku tiraabaan ‘Xisbal-Xaakimka’. Weli hafar intaa le’eg miyaad aragteen ama maqasheenba. Halkee ayay iskaga war hayaan Xukuumaddeenna maanta iyo xisbigii Kulmiye ee ay ka soo baxday.

Bal hadda u firsada khiyaamada inagu dhacday ama shacbiga ku dhacday inta ay le’eg tahay. Waa mahadhooyinka casrigan aynu nool nahay. Xisbi Qaran oo Kulmiye la yidhaahdo ayaa 2010kii Mudane Siilaanyo u soo sharraxay Madaxweyne. Wixii ugu mudnaa ee xisbiga Kulmiye doorashada ku galay ama ku ololeeyay wuxu ahaa Barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa. Barnaamajkaa waxa ku hawl-galay Murashax Siilaanyo iyo xisbigiisii Kulmiye. Markii uu Mudane Siilaanyo ku guulaystay madaxweynennimadii, wuxu iska casilay guddomiyennimadii xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo uu xisbigaa Kulmiye xeer ka dhigay in aan hoggaanka xisbiga Kulmiye Xukuumadda ka qayb-gelayn. Murashaxii Barnaamajkan ku ololeeyay, Xisbigii Kulmiye waa uu ka digo-rogtay oo Madaxweyne ayuu isu dhigay. Golihii Xukuumaddu Barnaamajkaa wax-qabad ma aqoonsan si sharciyana uma ay ballan-qaadin in ay fulin doonaan. Xisbigii Kulmiye meel cidlo ah ayuu taagan yahay oo waxba ma fulin karo, innagana codadkii waa la inaga urursaday oo la inooma baahna hadda, mar danbe mooyaan e’. Berritona laga yaabaa in xaalba iska noqdo: “Illowsho dhawaa ma ummul baa.” Bal tabaalahaa daya! Markaas ayaa sidii waxaynu ma-kas nahay la inagu maaweeliyaa Xisbiga talada haya iyo ‘Xisbal Xaakimka’. Ilaahay ha u naxariisto e’, waa halkii Macallin Gaarriye e’,

“Weeye baa la wada yidhi,

  Hadda noo wad sheekada.”

Xisbiga Kumiye wuxu ku ololeeyay si horumar loo gaadho in Golayaasha Degaanka loo codeeyo. Dawladdii Dhexe iyo xukuumaddii ayaynu arkaynaa indhaha ay leeyihiin, markaa sidee ayay ku suurtoobaysaa in aynu Dawladaha Hoosena ugu darno. Sow markaa dumi meynno oo dal iyo dadba meesha ku hooban meynno. Iyada oo sidaa xaal yahay ayaa beryo danbe oo sannadkii 2012kii badhtamihiisii ahayd la qabanayaa kal-fadhi Gole Dhexe oo Xisbiga Kulmiye ku yeeshay Hudheelka Maansoor. Inta la illoobo go’aammadii hore u yaallay ee xisbiga iyo Xukuumadda lagu kala saaray, ayaa la sharciyaynayaa in Golaha Wasiirradu sida uu u dhan yahay ka tirsan yihiin, xubnana ka yihiin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Weli inta xusulkiin xabaal ka sarreeyay, tan oo kale miyaad aragteen!  Go’aan-qaadashadaasi waa wax u fudud Madaxweynaha iyo inta ku xeeran, bal se waxa ku adag oo aanu marnaba yeeli karayn in uu ku dhawaaqo in afarta Hoggaanka u ah xisbiga Kulmiye ay iyaguna Xukuumadda ka mid noqdaan oo ay dhaxamaha ka soo xeroodaan, illeyn iyaguba waa ay xiiqeen e’. Oo weliba qaarkood sidii ku dhinteen oo khudabadihii munaafaqnimadu ka buuxday ee ilamada yaxaaskuna ku jar-jarnayd laga dul qubay.

Ma maqasheen: “Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay.” Waa tan oo kale. Dhawaan-soo-bax, dhandhamo-raac ah ayaa dheegga kaga raran.

(la soco………………………………………….)