“KULMIYE Waxa Murashax u ah Nin Dalkan u Soo Halgamay Oo ah hoggaamiye shiraban Oo aan Layli lahayn…” Wasiirka Madaxtooyada

aGabiley (SLpost) Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si weyn loogu qaabiley magaalada Gabiley.

Socdaalka weftiga Xukuumadda iyo saakiil ka tirsan xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa salka ku hayey hawlaha qaadashada kaadhka cod bixinta doorashooyinka Somaliland oo wareegii labaad uu ka socda Gobolka Maroodijeex oo Gabilayna ay ku jirto iyo Togdheer.

Madaxdan Xukuumadda ka socotay ayaa soo dhawayn balaadhan oo lagu qaabilay ka dib ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee Degmada Gabiley, halkaas ooa y ku kulmeen boqolaal ka tirsan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo Weftigaasi.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa madaxdii munaasibadaasi ka hadlay ayaa jeediyey khubad uu kaga hadlay arrimo doora waxaanu yidhi  “ ILAAHAY ayaa mahad leh inoo fududeeyey nimcooyinkiisa kala duwan, mar labaad waxaannu u mahad naqaynayaa bulshada gobolka Gabiley, madax iyo shacaba, ragg iyo haweenba, sidii weynayd ee aad noo soo dhawayseen, aad iyo aad ayaannu idiinku mahad naqaynaa.Waxa aannu jecelnahay in bulshada gobolka Gabiley aannu ku bogaadino sidii qiimaha lahayd ee ay ugu qayb qaateen qaadashadii kaadhka cod bixinta, waa wax lagu yaqaano gabiley doorashada iyo xamaasadeeda, doorashadu waa xamaasad Gabiley-na xamaasada caan-bay ku tahay, mid looga baqayo maaha hadii cagtu ku badato iyo hadii laydinku soo noqnoqdo, waxa weeye bogaadin, dhiiri-galin iyo dardaran.”

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena yidhi  “  Waxaannu rumaysan nahay in gobolka Gabiley qaadashada kaadhka diiwaangalintu ay si wayn ugu dhamays tirmi doonto, waxaananu u nimid in aannu niyada idiin dhisno, oo idin guubaabino. Gobolka Gabiley waa gobol aan maanta lays waydiinaynin waxa uu yahay, meesha liidata iyo qofka liita ayaa lays waydiiyaa, halka uu yahay, halkaas ayaa madmadowgu galaa, meel madmadow galo Gabiley maaha, waxa weeye Gabiley waa KULMIYE, xukuumadda maanta dalka ka talisa ee xisbiga Kulmiye ka soo jeeda ee Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay waa meel ay taageeradeedu ku isiran tahay oo ay caan ka tahay.”

“Siyaasada waxa xeerar u ah dhacdooyinka, shan doorashado ayaa dalka ka dhacay marka laga tago doorashadii 2002-dii ee golayaasha deegaanka, xisbiyadeenu ay ku soo baxeen ee KULMIYE uu numberka labaad ku ahaa, gobolka Gabiley saami weyn ayuu ku lahaa. gobolka gabiley mar walba aqlabiyadu KULMIYE ayey ahaan jirtay, doorashadii 2003-dii, iyo tii 2005-tii, iyo tii 2010-kii iyo doorashadii 2012-kii, mid walba KULMIYE ayaa halkan si xoog ah u hoggaamin jiray, waxa intaa dheer Gobolka Maroodijeex oo ay la cod ahayd Kulmiye waxa uu adkaadaa marka Gabiley codkeedu soo dhaco, codka gabiley ayaa wax walba liqi jiray, Gabiley miyaanay taa ahayn?, Kulmiye gabiley waxa ay u tahay “bog iyo wadanle,”  Axmed Siilaanyo, xukuumadiisa iyo xisbigiisuna sidaas ayey u yaqaanaan, dad is ahi isma ilaabaan, ismana garan waayaan, hadii maanta rag qoolaaleeyahay oo cod ka doonayo, waa dumuquraadiyad oo waa furan tahay, ha baadhbaadheen waxa se aannu leenahay KULMIYE wuu yaqaanaa halka codkiisu yaalo, Kulmiye ma lumin taageerayaashiisii intuu tallada dalka hayey, Gabiley ayaa kow ka ah, hadii uu maanta lumiyey waxa ay ka muuqan lahayd wadooyinkeeda.”

 

Mudane Maxamuud Xaashi aya geesta kalena ka hadlay tartanka doorashada Madaxtooyada waxaanu yidhi “ Waanu tartamaynaa, waa ciyaar saaxiibtinimo oo nadiif ah, oo aan suul-daaro iyo jabin midna lahayn, hadii ragga qaar moodayo sidaa oo aan ahayn tii qolodayada reer Burco lagu dacaayadayn jiray,  run ma ahayn ee waa nalagu dacaayadayn jiray ee ahayn “ haday kubadu ku dhaafto yaanu ninku ku dhaafin”, waa ciyaar saaxiibtimo, oo qaranimo, oo hoggaanka dalka ayaa ku imanaya, waynu tartamaynaa, buna iska dhimi mayno, marka aynu kala adkaanana waynu isu tanaasulaynaa, waynu isu haynaynaynaa, qaranimadeenaa sidaa ku dhisan.”

“ Maanta Axmed Siilaanyo oo ah odaygii xisbigan, iyo aas-aasihii xisbiga, Madaxweynaha dalka maanta musdambeedka ayuu xisbigan u fadhiyaa, waa arrin dheeraad ah oo uu leeyahay, waxa kale oo uu leeyahay taageerayasahiisii oo uu wax u qabtay oo uu wax u hirgaliyey, waxa weeye Xukuumadda xisbiga kulmiye, waa xukuumadii wax-qabadka, waxaannu nahay ragg doobayaya, waxaannu haynaa wax aannu qabanay, waxaannu haynaa wax run ah oo aannu qaban doono, oo khibrad iyo waayo aragnimo leh, Kulmiye iyo Axmed Siilanayo dhagax been ah meel ma dhigaan, waxa kale oo maanta KULMIYE hormood u ah oo murashax u ah hoggaamiye cusub oo ah nin dalkan dadkii u soo halgamay ah, oo ah hoggaamiye shiraban, oo aan layli lahayn, waa hoggaamiye adag waa Muuse Biixi Cabdi.” Ayuu yidhi Mudane Xaashi.

Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena si wayn u amaanay shaqsiyada murashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE mudan Muuse Biixi waxaanu yidhi  “ Qarankani waxa uu maanta u baahan yahay hoggaamiye adag, hoggaamiye wanaagsan ayey maanta Somaliland u baahan tahay oo duruufta adag kala dabaasha, ninka Axmed Siilaanyo ka dambaynayaa waa inuu noqdaa nin adag. Hoggaanka dalku maaha timir xabaal taala waa meesha loogu maah-maahay “ Labaatan jir mudug jooga Alle uma xil qarin”, nin adag ayey qaranimadu u baahan tahay oo Ummadda isu wadi kara, oo aqoonsi keeni kara, oo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ka midho dhalinkara, Muuse-na waa hogaamiye adag. Ragga qaarkii mucaarid ah oo aan Muuse la socon ayaa meelahaa ka yidhaahda waa Askari, dunida hogaamiyeyaashii ugu adkaa ee soo maray askar ayey ahaayeen, xiliyada adag waxa lagu baxsadaa ninka adag ee waayo arag ah, KULMIYE maanta wuu ka faras wanaagsan yahay kuwa uu la loolamayo, waayo Muuse Biixi ayaa u sharaxan.”

“ Waxa intaa dheer KULMIYE waa xisbi mid ah, oo aan khilaaf dhexdiisa ka jirin, hal gaadhi ayuu wada saaran yahay, jiho-na wuu jeedaa, Xisbiga iyo xukuumadduna way isku xidhan yihiin, hadii uu hore u dhacay Khilaaf iyo loolan Kulmiye dhexdiisa ah nabadaradaa waynagii dhaynay, boogaahaas waynagii bogsiinay, maanta meel qudha ayeynu u wada soconaa, Suldaan Ismaaciil suldaanka gobolka iyo suldaankayaga waxaan leeyahay KULMIYE waa mid meelna waynu u wada soconaa, Muuse-na waynu dhisaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.