Kulmiye sidee uga baadbaadi karaa burbur ku yimaadda?!

 

Xisbiga Kulmiye dhexdiisa waxa sii kordhaya loollankii iyo ololihii lagu hanan lahaa jagada murrashaxa madaxweynennimo ee xisbigaas.

Toddobaadkii hore waxa damaciisa jagadaas caddeeyey wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Biixi. Hore waxa damacoodu u muujiyey ragga ay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Samaale iyo Axmed Maxamed Kijaandhe.

laga yaabee in damacyo kale oo huursani jiraan oo maalmahan soo bixi doonaan, dadka qaarna odayga ayaa bay hadal hayaan oo leeyihiin lama hubo in laftarkiisu tanaasulay iyo in kale.

 

Meel walba durba waa laga dareemayaa ololahaas waddanka gudihiisa iyo dibeddiisa ba. Aad baa loogu hadal hayaa oo goob kasta oo siyaasad lagu hayo gorfaynta iyo saadaalintu uga socotaa.

Kulmiye iyo kala saaridda  murrashixiintu waa muhiim marka la eego mustaqbalka jiritaanka xisbiga iyo guud ahaan ba siyaasadda Somaliland.

Dadka war-xume-tashiilka ahi ama sida taban u fekeraa waxa ay la soo boodaan in Kulmiye burburkii Udub mid la mid am aka sii liita caasha saaray.

Dad badan baa se u arka in Kulmiye galay xaalad iyo imtixaan siyaasi ah oo damacyada loollamaya lagu kala saari doono si aan xasilloonida xisbiga dhexdiisa iyo waddanka ba aan wax ba yeeli doonin. Tan dambe ayaa door leh, feker kasta oo caafimaad qabaana quuddarrayn karaa.

 

Laba mid uun baa muhiim ah: in ragga damacu sitaa isu tanaasulaan ama loo sameeyo doorasho xor ah oo xalaal ah oo xisbiga dhexdiisa ah oo ninka guulaysta niyadsami lagu taageero, wixii kale foolxumaa ka dhalan karta.

Kulmiye waa hanti qaran. Inuu hanoqaado oo xisbi ahaan u dhismo, oo aanu sidii Udub u saqiirin ayaa Reer Kulmiye iyo Somaliland ba dani ugu jirtaa.

Sidaas awgeed taageerayaasha xisbiga Kulmiye, xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye iyo murrashixiinta ba waxa la gudboon arrimo dhawr ah:

– ilaalinta midnimada xisbiga, waayo danta iyo jiritaanka xisbiga ayaa ka weyn damaca murrashixiinta

– ilaalinta hannaanka tartanka dimoqraaddiga ah ee asxaabta dhexdooda, wada tashiga iyo isu tanaasulka

– ilaalinta maamuuska iyo milgaha siyaasadeed ee qarannimada, waayo Kulmiye taas xildheeraad ah baa ka saaran mar haddii uu ku suntan yahay xisbigii talada hayey.

Madaxweynaha talada haya iyo dadka ugu dhodhow ayaa mas’uuliyad dheeraad ahi sii fuulaysaa. Wax kasta oo wanaagsanaadaa waa dhito san oo ka mid noqon doonta dhaxalkooda, wax kasta oo xumaadaana waa dhito xun oo dhaxalkooda ka mid noqonaysa.

 

Somaliland inteeda kale na waxa la gudboon baan is leeyahay in ay wanaag iyo khayr u rajeeyaan Kulmiye in uu imtixaankaas ku gudbo oo aannu ku kala jajabin ama ku burburin.

 

Reer Kulmiyow indho badan baa idinku soo yuuban. Doco badan baa la idinka soo dhuganayaa, dano badanna waa la idinka eegayaa.

Waynu la soconnaa oo Kulmiye codawgiisa ugu horreeyaa waa wixii isaga lagu yagleelay ee lagu saleeyey dhismihiisa. Waa qabiil iyo qabyaalad siyaasadaysan. Nidaamka dawladdeenna ayaa sidaas u dhisan, haddii ay xukuumad tahay, wakiillo iyo guurti tahay, ciidamo iyo garsoor tahay, axsaab siyaasadeed tahay illaa ciyaaro goboleed u tahay. Ayaan darradaas guud ee qaranku ba la tiicayo Kulmiye kelidii lagu ma dhalliili karo, waxa se lagu tilmaami karaa inuu ka mid yahay isirrada ugu xoogga badan ee arrintaas shiidaalka siiya, nafta geliya ee inagu soo celceliya.

Kulmiye waa inuu arrintaas uu khabiirka ku yahay, waayo-aragga ku yahay digttooni iyo feejignaan u yeesho, si aannu u noqon “darawalkii is jiidhsiiyey gaadhigii uu isagu wadey!” Kulmiye indhaha kor ha u qaado. Golaha dhexe ee murrashixiinta kala saarayaa arrintaas indho badan ha u yeesho, mas’uuliyad iyo xilkasnimo na ha muujiyo. JIritaanka xisbiga iyo midnimadiisa wax waliba ha laga hormariyo.

 

Cod iyo garasho daymo leh ayay u baahan tahay in lagu kala saaro tartamayaasha, iyada oo murrashax kasta lagu qiimaynayo shakhsiyadda qofnimo iyo haldoornimadiisa, sooyaal iyo himiladiisa, dulqaad iyo samirkiisa, hal-adayg iyo adkaysigiisa, dal iyo dad yaqaannimadiisa, waayo-aragnimadiisa ku taxmaysa nolosha dadka iyo dalkiisa, aqoonta iyo kartidiisa qofnimo, taariikh iyo xusuus ogaalkiisa, dhaqan iyo degaan la noolaadkiisa, qiyamta iyo qaayo-soorradiisa qofnimo ee nolosha iyo mandaqadda, akhlaaqdiisa qofnimo iyo Alle ka cabsigiisa, ballaadhnida goobtiisa iyo garashadiisa dhul; dad iyo duunyo, u heellinida iyo lexlojecladiisa dalka iyo dadkiisa iyo sifooyinka kale la mid ah.

 

Haddii ay taasi dhacdo oo sidaas golihiisa dhexe Alle solansiiyo oo raggaas garasho iyo eex la’aan lagu kala saaro, Kulmiye wuu ka gudbi imtixaanka horyaalla. Xisbi qaran na wuu u sii xuubsiiban karaa, oo derbiga xadiidka ah ee qabiilka iyo qabyaaladda siyaasadeed ee kolba sigaysa ee saqiirin gaadhaysa wuu jiidhi karaa, waxanu tusaale u noqon karaa markaas axsaabta siyaasadda Somaliland ee dhutinta iyo daalaadhaca siyaasadeed oof wareenka ku hayaan ee kori la’.

Guushu ma dhimato, guul darradu na ma dhammaato!

 

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc