Taageerayaasha Kulmiye oo wacdaro ka muujiyay Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer

Hargeisa-(Somalilandpost)-waxa maanta gobolada iyo degmooyinka dalka ka qabsoomaFB_IMG_1508948219097y isu soo baxyo balaadhan oo ay samaynayeen taageerayasha xisbiga talada dalka haya ee kulmiye isla markaana ahayd maalin kalkiisa noqotay jadwalka ololaha loolanka loogu jiro doorashada aqalka madaxtooyada somaliland ee qabsoomi doonta 13-nov-2017 ee fooda unagu soo haysa hadaba waxa maanta goobaha la iclaamiyay inay isugu yimaadaan dhaman taageerayasha xisbiga kulmiye kala qayb galay masuulyinta iyo saraakiisha xisbiga kulmiye halkaasi oo ay dhamantood kala hadlayeen shacabka isugu yimi una hogatusaalaynayay waxqabadka baaxada leh ee u hirgalay xisbiga kulmiye mudadii uu talada somaliland hayay isla markaana ay shacabka ka codsanayeen inay mar labaad doortaan codkana ugu hiiliyaan si uu u dhamaystiro balanqaadyadii doorashadii hore ee uu guusha baaxada leh ka gaadhay isla markana ay sii wadida mashaariicda iyo waxqabadyada dhan walba taabanaya u dhamystiraan

Hadaba gobolada sida aadka ah la isugu soo baxay ayaa waxa ka mid ahaa gobolka togdheer xaruntiisa magalad burco halkaas oo uu ku sugnaa murashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga midnimada iyo horumarka shacabka somaliland ee kulmiye mudane muuse biixi cabdi iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo ku wehelinayay socdaalkisa waxay indhahaagu qabanayeen shacab dareen rabitaan leh isla markana u heelan una diyaar ah siinta codka markale xisbiga kulmiye iyo murashaxiisa

Ugu danbay kulmiye ayaa loolan adag ugu jira sidii uu markale talada dalkan somalialnd usii hayn lahaa una sii wadi lahaa hayaanka iyo geediga horumarineed ee ay masuulyinta kulmiye barnaamijkooda ka yeeleen

Si kastaba ha ahaatee kylmiye ataa wadanka somaliland ka hirgaliyay waxqabad baaxad leh oo dhinacyo badan taabanaya taasina ay noqonyso mida guushiisa sahal uga dhigaysa mar kale iyo talada somaliland markaad u fiiiriso murshaxiinta la tarta.aya oo aan wax saamayn muuqata ah ku lahayn shacabka iyo talada somaliland

Si kastaba ha ahaatee waxa sii socon doona ololaha xisbiyadu ka dhigyaan goobaha la isugu yimaado oo ay bulshada kula kulmayaan isaga oo mid walba oo saddexda murashax ka mid ahi uu la wadaagayo barnaamijkisa siyaasiga ah oo la odhan karo waa halka lagu kala roonan doono codbixinta muwaadininta….