KULMIYE oo loo Ogolaaday inuu Xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika

Xoghayaha Guud ee Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa loo ogolaaday inuu ka mid noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika ku bahoobeen, ka dib shir ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Abidjan ee caasimadda Ivory Coast.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha xisbiga Xasan Siciid Yuusuf,  waxaa Xisbul-xaakimka Kulmiye loo ogolaaday inuu xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika kaasoo uu ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeedkaas oo ka hadlay nuxurka khudbad uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka jeediyay Shirkii Golaha Xisbigayada Dimuqraadiga Afrika, ayaa u dhignaa sidan:-

 “Sida aad la socotaan wax 16/10/1012 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi socdaal ku tagay Magaalo Madaxda Dalka Ivory Coast ee Abidjan halkaasi oo uu ka furmay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika (African Liberal Democratic Parties) iyo Shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah (International Forum for liberal Democratic parties).

Ugu horayn Guddoomiyuhu waxa uu ka qayb galay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ka turjumaysa Taariikhda Somaliland iyo Horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca Dimuqraadiyada, waxaanu guddoomiyuhu u sheegay wadamadii badnaa ee ka soo qayb galay shirkaa in ay Somaliland dhisatay haykal maamul Qaran,inay afti u qaaday Distoorkeeda, inay hirgalisay dimuqraadiyad, inay abuurtay qaabka Asxaabta badan, inay qabsatay doorashooyinka Goloyaasha deegaanka, Madaxtooyada iyo Baarlamaanka. Imikana ay mar labaad dib u furtay Asxaabta badan oo ay dhawaan doorashadoodi qabsoomi doonto.

Khudbadaa Guddoomiyaha kadib waxay Madaxdii wadamada ka soo qaybgalay shirkaasi aad ugu amaaneen Somaliland Dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo horumarka ay gaadhay kaalmo dibadeed la’aanteed, waxaanay isla qaateen inay Somaliland Xubin ka noqoto Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika waxaana si rasmi ah loo ogolaaday in Xisbiga KULMIYE xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika.

Waxa isla Magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ka furmay shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah, shirkaana wuu ka qayb galay Guddoomiyu waxaanu ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey, waxaanu uga xogwaramay Taariikhda Somaliland iyo guud ahaan xaaladeheeda.

Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika waxa uu qaraar kasoo saaray (Resolution) ka mid noqoshada Golahaas ee Xisbiga KULMIYE, waxaanay ku sheegeen qaraarkooda in Xisbiga KuLMIYE ka mid noqdo Golahaas.

Ka soo qayb galayaashu waxay cadeeyeen inay Somaliland buuxisay nidaamkii dawladnimada isla markaa ay xaq u leedahay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay siiso beesha caalamku, dalalka sida gaarka ah u taageesanaana qadiyada Somaliland waxaa ka mid ahaa dalka Sishalis.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net