Kulmiye oo Go’aan muddeysan ka soo saaray Xafladaha taageerada loogu muujiyo Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ku dhawaaqay inay gabi ahaanba joojiyeen qabsoomidda munaasibadaha taageero-raadista ah ee Xisbigu u qabto taageerayaashooda iyo kuwa cusub ee ku soo biira si madaxda iyo masuuliyiinta xisbigu wakhti ugu helaan ka qayb-qaadashada gurmadka abaaraha ka jira gobollada Bari ee dalka.

xasan-gaafaadhiSidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbigaas Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

War-saxaafadeedka oo ujeeddadiisu xambaarsan tahay Go’aanka Xisbiga KULMIYE ee Muddada Abaartu jirto, ayaa u qornaa sidan:- “Guud ahaan waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan salaamayaa taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga KULMIYE, waxaan u ducaynayaa dhamaan xoola dhaqatada iyo deegaamada abaartu hayso ee goballada bariga Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaannan Ilaahay ka barayayaa inuu abaarta innaga ka jebiyo oo raxmaad caam ah ina siiyo.

Intaa kadib, waxaan shacabka iyo taageerayaasha KULMIYE la socodsiinayaa:

  1. b) Si loola wadaago xannuunka iyo dhibka dadka abaartu hayso;
  2. t) Si madaxda iyo hawladeennada xisbiga KULMIYE u helaan waqti ay kaga qaybgalaan gurmadka degdega ah ee abaarta.

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE go’aansaday joojinta xafladihii waawaynaa ee lagu muujinayey taageerada xisbiga iyo munaasabadaha kale ee xisbigu ku qabsan lahaa huteellada iyo fagaarayaasha magaalooyinka muddada lagu jiro gurmadka abaarta. Keliya kulamada, shirarka iyo munaasibadaha xisbigu waxay ku ekaan doonaan xayn-daabka iyo qolalka shirarka ee xafiisyada xisbiga.

Waxa dhammaan xafiisyada gobollada iyo degmooyinka iyo laamaha dibadda lagu wargelinayaa inay si buuxda u fuliyaan, una dhaqangaliyaan go’aankan.

Waxaan mar labaad Ilaahay ka baryayaa inuu abaarta innaga jebiyo oo deeqdiisa ballaadhan uu innaga waraabiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Kulmiye.