Kulmiye ma ka Bedbaadi Doonaa Duufaanada Siyaasadeed ee ku soo fool leh? Part.1

Dirqi iyo tu xun ayuu dhawaan ku qabsoomay Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, kaasoo marar badan dib ugu dhacay is-khilaaf iyo kooxo iska soo horjeeda oo Xisbiga dhexdiisa ka samaysmay awgeed. Ha noqoto Qaabka Shirweynaha loo abaabulay ama ha noqoto hannaanka Ergooyinka loo soo xulaye, waxa marag ma doon ah in Xisbiga Kulmiye halkii uu hore uga socon lahaa, inuu 20 SANO dib u dhacay. Shirweynihii 3-aad ee KULMIYE may jirin haba yaraatee wax alle wax uu kaga duwanaa Shir-beeleedkii 1993 ka dhacay Boorame ee beelaha JSL ku heshiiyeen Axdi-Qarameedka. Waxaban odhan karaa kaasi ayaa ka wacnaa oo beeluhu ay u dhammaayeen iskuna dheelli tirnaayeen.

Haddaba akhristow, Xisbi Qaran oo ummadda ku leh waxaanu ku dhisanahay oo aanu aaminsanahay nidaamka dimuqraadiga, Xisbi muddo dheer mucaarid soo ahaa, Xisbi doorasho xor ah kaga guulaystay Xisbul Xaakimkii talada hayey, Xisbi hoggaanka dalka kula wareegay hab dimuqraadi ah iyo doorsho xor ah oo uu ugu awood sheegtay labadii Xisbi Qaran ee la tartamayey; su’aasha u baahan in la is weydiiyo waxa weeyi: Siday ku dhici kartaa in Xisbiga sifahaa lihi uu muddo kooban si fudud u lumiyo haybaddii iyo karaamadii ay Codbixiyeyaashu huwiyeen? Siday ku dhacaday inuu Xisbi miisaankaa lihi u maanta Shir-weynihiisii hab-beeleed ku soo xulo, halkii uu nidaamka dimuqraadiga raaci lahaa?

Waxaan jeclaan lahaa akhristayaasha intooda xasuusata inay wax-yar dib iigula boqoolaan maalmihii tilmaannaa iyo 2010-kii markii Xisbiga Kulmiye uu hantiyey guushii Taariikhiga ahayd ee uu hoggaanka Dalka gcanta ku dhigay. Bal is bar-bar dhig maalintaa iyo maanta faraqa u dhexeeya Xisbiga? Waa kaaf iyo kala dheeri sow maaha?! Sideedaba nidaamka Xisbiyada siyaasiga ah ee waqtigan casriga ah waxaa haga fikir iyo aragti aad u qoto dheer oo salka ku haysa hammi iyo hiigsi siyaasadeed oo codbixiyeyaasha lagu kala jiidanayo.

Guushii Kulmiye ee 2010-kii laba bilood kaddib Xisbigii Kulmiye wuxuu u gacan galay Muuse Biixi Cabdi kaasoo jujuub iyo faro-maroojis kagala wareegay Madaxweynaha la doortay. Laga bilaabo waqtigaa Xisbigii Kulmiye waxba kumay soo kordhin wax ka dhaca mooyee. Waxa la wada ogyahay sida xad-dhaafka ah ee uu Muuse Biixi u rabay inuu ka mid noqdo Golahii wasiirrada ee Xukuumadda cusub, aqooni yeelkeede balse Muuse wuxuu qoondaystay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Axmed Silaanyo, haddii uu taa waayana inuu noqdo ka arrimaha gudaha.

Taariikhdu dadkay bartaa Dunida waayeheeda; M/weyne Axmed Silaanyo wuxuu aad uga dheregsanaa shaqsiyadda Muuse Biixi iyo rafaadka uu soo mariyey intii uu socday halgankii SNM iyo xilligii ay siyaasadda Xisbiga kulmiye ku wada jireenba. Muuse Biixi Xisbigii loo daa, balse cidi wax kale umay dirsan, sidaasi ayuu kaga qaday ka mid noqoshada Golihii Xukuumadda ee cusubaa. Waxaa xusid mudan in rag maanta Muuse Biixi gacantiisa midig ah, iskana dhigaya inay isaga daacad u yihiin, kuwaasoo horena u ahaan jiray gacanta midig ee M/weyne Silaanyo ay iyagu ahaayeen kuwa qof ahaan ka masuul ahaa in Muuse Biixi la qadiyo oo aan lagu soo darin Golaha wasiirrada, Madaxweyanaha Cusubna sidaa ku qanciyey, beddelkii Muusena waxaa galay Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Gaboose.

Arrintaa waxaa si weyn uga shaqeeyey ninka la yidhaa Maxamed C/llaahi Cumar oo maanta Muuse Biixi daacad isaga dhigaya. Maxamed C/llaahi Cumar waa nin keli socod ah, gacan adag, ehel qaraabo iyo rafiiqna aan u roonayn oo ah keligii danayste. Wuxuu ka soo jeedaa beelaha dega galbeedka Hargeysa ee Siyaasadda Somaliland ugu saamaynta badan leh, balse haba yaraate wax sumcad, sharaf iyo taageero ah kuma laha beesha uu ka soo jeedo. Maxamed C/laahi rajo la’aanta uu Siyaasadda ka qabo awgeed ayuu ka leexday Madaxweynihii isaga soo saaray ee sharafta iyo haybaddaba huwiyey. Maxamed C/llaahi Cumar, M/weyna Axmed Silaanyo xumaan ayuu ugu abaal guday wuxuuna qabyaalad iyo il-maadeernimo ku raacay Muuse Biixi.

Rajo la’aanta uu siyaasadda ka qabo awgeed, Maxamed C/llaahi wuxuu iska dhaadhiciyey in Muuse Biixi noqon doono Madaxweynaha JSL, isaguna uu ahaan doono gacantiisa midig. Waana isaga ninka Muuse Biixi lug-gooyey ee ku yidhi ku dhawaaq inaad tahay Murashax M/weynaha golaha dhexe ee Kulmiye kula tar-tami doona. Haddaba, nin aan lahayn wax lagu raaco dhan kastooy tahayba, ka leexday dariiqii Xukuumaddiisa, ka horyimid nidaamkii dawladnimada ee kala dambaynta, ka fallaagoobay Gobolkii, Degaankii iyo beeshii uu ka soo jeeday, aan haba yaraatee Xisbigiisa u keeni karin 100 cod, haddana dedaal dheer ugu jira sidii uu uga ka takhalusi lahaa Madaxweynihii isagaba soo saaray; waxa is-weydiin leh sidee buu ugu sii jiri karaa Golaha Xukuumaddan uu dagaalka kula jiro??!!

 

La soco qaybta labaad ee maqaalkan……

 

Yuusuf Cali Maxamed,