“Kulmiye in Maanta lagu kala Cararo oo laga Tago waa Inkaartii uu ka Galay UDUB” Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed

 

Hargeysa(SLpost) Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana wasiir ka soo noqday xukuumaddii Daahir Rayaale, kana mid ah aasaasyaashii Xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, Musharixiintii  naqdiyey Shirkaas, Wasiiraddii iska casilay Xukuumadda, waxaanu sheegay inay ceeb iyo cadaalad daro tahay in Madaxweynuhu u kala hiiliyo Musharixiinta, waxaanu tilmaamay inay u haboonayd Madaxweyne ku xigeena inuu ku daydo Madaxweynaha oo tanaasulka uu sameeyey uu isna sameeyo, Musharax Madaxweyne ku xigeen ay haboonayd in loo daayo Xagloosiye.

 

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed  oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa Wasiiradii is casilay, iskbahaysiga Musharixiinta iyo cid walba oo ka baxday Kulmiye ugu baaqay inay aanay ka bixin saaxada Siyaasada ee Xisbiyada Mucaaradka midkood ku biiraan, waxa kale oo uu tallo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbigia UCID Faysal Cali Waraabe oo uu kula talinayey in aanu Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen hadal gelin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waa dhibaato weyn oo ku dhacday Xisbiga Kulmiye, walina taariikhda lama arag dawlad dhisan oo Toban Wasiir oo ka mid ah Wasiiraddii ugu misaanka cuslaa ay iska casilaan, dhabarkayna ka jabtay, waxa ay iska casileen ayuun baana jiray, oo Doorashadii ka dhici lahayd Kulmiye ayey ogaadeen inuu Madaxweynuhu dhinaca u xaqlinayo, dhibaatada ugu weyna taas ayey ahayd, oo halka uu Madaxweynuhu cadaalada u sameeyn lahaa oo musharixiinta  isa soo sharaxda uu dhex u noqon lahaa ayaa muuqatay in Muuse Biixi iyo Saylici oo dhinacooda u xaqliyey.

 

Dhibaatada kale ee dhacday waxa ay ahayd in markii Raggii waaweynaa ay ka dudeen meesha ee ay ka tageen markii ay ogaadeen in aanay cadaaladi jirin, Madaxweynuhuna uu doonayo Muuse Biixi oo keliya, uu Xaglotoosiyena uu ka coddeeyey, iyada oo doorkan loo baahnaa in Madaxweyne ku xigeenka la siiyo  Barri Hartiga, mar haddii uu Madaxweynuhu uu is tanaasulay, waxa ay ahayd in Cabdiraxmaan Saylicina waa lamaane isku lifaaqane isna inuu tanaasule ayey ahayd, oo doorkana Madaxweyne ku xigeenka uu Barrigu qaato, Madaxweynuhuna halkaas cadaalad daro badheedh ayuu ka sameeyey, ceebtaasna waxa qaatay Madaxweynaha, inuu u xaqsoori waayo Raggii waaweynaa ee ku jiray Xisbigiisa, dhibaato uu galay ayeyna ahayd”.

 

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Shirkii Golaha Dhexe iyo Wasiiradii iscasilay ayaa yidhi “Ragga is casilay waxa ay iska casileen xaqdarada meesha ka dhacaysa ayey ogaayeen, oo dareenka ay qaateen ayaa ahaa inuu Madaxweynhu dhinaca yahay”.

 

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko codeyntii uu Madaxweynuhu u codeeyey Madaxweyne ku xigeenka kana codeeyey Xaglotoosiye ayaa  yidhi “Madaxweynuhu may ahayn inuu u kala eexdo Raggiisa iyo Wasiiradiisa iyo Guddoomiyaha Xisbiga, waxa ay ahayd in Ragga meesha jooga ay u sinaadan,oo cadaalad laga sameeyo, haddii uu Madaxweynuhu yidhi is sharixi maayo,waxa ay ahayd in Saylicina inuu tanaasulay oo Ragga cusub ee saaxada soo galay, Xaglotoosiye iyo Musharixiinta kale, waxa ayna ahayd inay saaxadu u banaanto Raggii Musharixiinta ahaa isna uu dhex ka ahaado, balse waxa muuqata inuu Muuse Biixina farta u taagay, Cabdiraxmaana Saylicina uu farta u taago, Xaglotoosiyena uu diiday inuu farta u taago, reer Awdal inta badan waxa ay ahaayeen Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, doorkana waxa ay ahayd in Xaglotoosiye loo daayo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka,Madaxweynuhuna waxa uu sameeyey eex ceeb ah, inuu Madaxweynuhu sidaas sameeyo, Dimuqraadiyada ayey ceeb ku tahay, Xisbiga wanaagiisana ceeb ayey ku tahay”.

 

Cabdi Haybe ayaa sheegay inuu Kulmiye hayo waddadii uu UDUB ku baabaday ayaa yidhi “Kulmiye in Maanta lagu kala cararo oo laga tago waa inkaartii uu ka galay UDUB, halkii uu UDUB mariyey ayuu Kulmiyena marayaa”.

 

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlay sida uu arko hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “Muuse Biixi markii uu lahaa Ilmadeerayday Guriyahooda ayaan uga tagayaa, waxa uu ilaabay Kijaandhe iyo Nimankii kale Musharixiinta ahaa, oo aanu soo hadal qaadin.”

 

Cabdi Haybe ayaa mar uu tallooyin u soo jeediyey Isbahaysigii iyo Wasiiradii is casilay ayaa yidhi “Inay Siyaasada ka baxaan maaha, Xisbiyaduna Kulmiye oo qudha maaha ee Xisbiyada kale ee jira inay ku biiraan ayaan kula talinayaa, kol haddi cadaalad laga waayey Xisbigii ay joogeen Xisbiyada UCID iyo Waddani kay doonaan ha ku biraan, cidla istaagi maayaan, abaal baana lagu qabaa inay ku soo biiraan xisbiyada kale,waana la soo dhaweeynayaa, walibana waxa aan soo jeedin lahaa Waddani inay ku soo biiraan, oo ay ka ololeeyaan aniguna Waddani ayaan ahay oo aan ku biiray, iyagana waanu soo dhaweeynayaa inay Waddani inoogu yimadaan”.

 

Cabdi Haybe ayaa mar uu la hadlaayey Bulshada ayaa yidhi “Bulshada waxa aan leeyahay Dawladdeeni waa taas, halka ay marayso weynu arkaynaa, haddii cadaalad la waayana oo cadaalad waxba lagu qaybin waayo, waa dhibaato, Gobolana waa la dhisay, Gobolana waa laga tagay, waxa ay ahayd in Barriga la dhiso, oo Hartiga mashaariicda loo badiyo, Gobolada laga tagay ee aan waxba la siin Gobola Hawd ayaa ka mid ah, xitaa hal ceel aan laga qodin, dadkana waxa aan leeyahay Kulmiye waa kaas oo uu siqiiray ee Xisbiyada kale ku soo biira”

 

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadllaayey Siiyaasada Arrimaha Dibada waxa uu yidhi “Kulmiye waxa uu ku siqiiray wadanka inuu u doono Ictiraaf, waxa ugu dambeeysay in dalka ictiraaf loo raadiyo Dawladdii Rayaale, oo Xukuumaddii UDUB ayaa dooni jirtay in dalka ictiraaf loo raadiyo,oo qarka ayey u saarnayd Somaliland in la ictiraafo,  balse shantii sanno ee ay jiray Xukuumadani waxa ictiraaf raadin ha ma raadiso, oo waxa la ina mooda maamul goboleed, ilaa haddana ictiraaf wax la yidhaahdo may raadin, wax dambe oo lagu aaminayana garan maayo”.

 

Cabdi Haybe mar uu fariin u diraayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa  yidhi “Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe waxa aan leeyahay Inanka Musharaxa Jamaal Cali Xuseen si wanaagsan u gal,isaga ayaa Musharaxa ah, mustaqbalkana inuu Musharax ka noqdo, in Musharaxnimadiisa muran la galiyana maaha, Jamaal waa inan wanaagsane.”