KULMIYE Dantiisu waa Muuse Biixi oo Musharrax ah iyo Maxamuud Xaashi oo Guddoomiye noqda

Waxaan ka mid ahaa isbeddel-doonkii Xisbigii UDUB ee ku biiray Xisbiga KULMIYE ka hor doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii. Waxaa is-beddel-doonka Xisbigii UDUB hoggaaminayey Siyaasiyiin xul iyo xariir ah oo uu hormuud u ahaa Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Axmed Sandoon, Yuusuf Kirix iyo Rag badan oo kale oo aanan halkan ku soo koobi karin Magacyadooda, balse waxay ahaayeen in ka badan 45 xubnood oo isugu jiray Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan iyo qaar Maamul-ba.

Maxamjud_xaahsiXaqiiqo ahaan burburka Xisbigii UDUB waxa Tusbax furmay ka dhigay dhismihiisii iyo taageerayaashiisiiba is-beddel-doonkaas ka dhambalmay ee ku biiray Xisbiga KULMIYE ee hadda talada haya.

Haddaba, ujeeddada mawduucani maaha mid aan kaga hadlayo ama ugu hadlayo xaggay ku dambeeyeen iyo xilal maka qabteen dhismihii Xukuumadeed ee guushii Xisbiga KULMIYE ka soo hooyey doorashadii Madaxtooyada 26 June 2010, ka dib hoggaankii ama is-beddel-doonkii UDUBU.

Mowliid Aadan CumarHase-yeeshee, waxa keliya ee aan ka iftiimin karaa waa inay yihiin Ururrada iyo kooxaha isbeddel-doonka ah ee uu wakhtigan ka kooban yahay Xisbiga talada dalka haya ama Muxaafidka ah ee KULMIYE sidii uu hore u sheegay Siyaasiga Qoraaga ah ee Cabdiraxmaan Cadami. s

Sidaasi awgeed, waxaan Qormadan ugu bandhigayaa Bah-waynta Xisbiga KULMIYE aragtidayda talo-bixineed in Danta Xisbigu ku jirto ama ku habboon tahay in Mustaqbalka dhaw ee doorashada Musharraxa Xisbiga iyo Guddoomiyaha Xisbiga  ay ku habboon yihiin Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee KULMIYE u taagan iyo Guddoomiyaha Xisbiga oo Maxamuud Xaashi Cabdi laga dhigo ama uu noqdo.

Qalinka Mawliid Aadan Cumar

0634410898

Hargeysa/Somaliland.