Kulmiyaha Garabyada U Kala Jabay Waa Raggii Baa’biiyay Dallada SONYO, Waaanu La Xisaabtami Doonaa

 

 

Groupka Kulmiye ee labada dhinac u kala jabay waxay ahayeen ragii doorshadii SONYO si xaq daro ah aqlabiyadii doorashada heshay la dagaalamay ee ku wareejiyey intii tirada yarayd iyaga oo u cuskaday hab qabiilaysan iyo dano gaar ah oo ay ka lahayeen.

Kulmiye waxay baabiyeen Dalladii SONYO iyo dhalinyaradii wadankaba. Qalfoofkii ayuunbaa sii jira daladii dhalinyaradu wada lahayd ee tacabka badani nagaga baxay.

 

Dhawaan waxaan soo shaacin donaa ragii Dallada SONYO dagaalka xun ka galay xiligii dorashadii u danbaysay. Waxaan sidoo kale la xisaabtami doonaa cidda cagta hoosteeda galisay Sanduuqii lanoo balan qaaday ka dib markii Gudoomiyanimadii si xaq daro ah na looga qaaday.

 

Waxaan la yaabay fariinta uu qoray Wasiirkii hore Wasaarada Arimaha Bulshada iyo shaqada Cabdi Aw Daahir oo uu yidhi ” waxaa maanta isu yimid aqlabiyadda Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye”. Adeer abdi waxaan leeyahay goormaa ugu danbeysay dalka Somaliland aqlibiyad wax lagu helo. Waxanan ku odhan lahaa, horta jire-ba aqlibiyad wax ku waa.

 

Cabdi Aw Daahir waxaan kugu dhaafi lahaa adiga iyo inta kula socotaba ” Adiguba Dharaaraad Ka Qoslaysay Dhooshee, Dhibta La Isku Eegaa Way Inoo Dhaxaysee, amba Dhamay Qadhaadhkee, Waa Inaad Dhadhamisaa”…

 

Waad Mahadsantihiin,

Abdiaziz Hersi Warsame